Dowlada
Mareykanka oo Eedeeysay Dalka Eritrea

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in
Eritera ay joojiso hurinta ay ku heyso rabshadaha ka taagan
Soomaaliya.
Hadal ka soo baxey Xafiiska Af-hayeenka Wasaaradda Arimha Dibadda ee
Mareykanka, Mr Ian Kelly, ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu
dowladda Eritrea ku boorinayo in ay joojiso dabka ay ku afuufeyso
qalalaasaha ka socda Soomaaliya.
Waxa warku sheegey, in todobaadkan dhamaadey kooxo xag-jir ah oo
jooga Muqdishu ay si isadaba joog ah u weerarayeen dadweynaha
Soomaaliya iyo dowladda KMG ah ee Federaalka iyagoo kooxahaasi ay
wataan ujeedooyin seef-la boodnimo ah oo waxa kaliya ay tari karaan
ay yihiin in ay sii fogeeyaan ficilada argagixisnimo; tasoo
horseedeysa deganaasho la'aan weyn oo ku timaadda gobolka.
Eritrea waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadatey fududeynta taageerada ay
kooxha xag-jira weerarada ku qaadayeen. Taageeradaas Eritrea ay
siineyso kooxha mayalka adag waa in ay si degdeg ah u joogsadaan.
Taageerada ay Eritrea siineyso kooxaha dowladda ka soo horjeeda waxa
ay caqabad daran ku tahey suurtgal ay Eritera ay Mareykanka kula
yeelan karto xiriir caadi ah.
Source: VOA
|