Dowlada Jabuuti oo maanta si rasmi ah safaarad uga furatay magaalada Moqdisho

 


Muqdisho December 9, 2010 (TNN)-Dowladda Jabuuti ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasim ada Soomaaliya si rasmi ah uga furatay Safaaradeeda, muddo labaatan sano kadib markii ay burbu rtay Dowladii  ho re ee Soomaaliya.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen Mas置uliyiin ka tirsan Dowladda  K MG, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Safiirada Dowladaha Caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah albaabada loogu furay Safaaradii Jabuuti.

Mas置uliyiin uu ka mid ah Ra段isul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed  C /llaahi Oomaar, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cirka iyo Dhulka Axmed C/raxmaan  Abaa de, Xildhibaano, Safiiro ka socday Dowladaha Sudan, Yemen iyo Jaamacada Carabta oo lagu kala magacaabayay Axmed Cumar, Faadil Al-Jasuuli iyo Maxamed Cabdalla Idiris ayaa ka qeyb galay  xa fladii furitaanka aheyd.

Safiirka cusub ee Dowladda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya Amb, Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in Jabuuti sanad ka hor ay safaarad ka furatay Soomaaliya, hase ahaatee maanta si rasmi ah albaabada loogu furay Safaarada inay shaqeyso.

Amb. Rooble ayaa sheegay in furitaanka Safaaradan ay ka dambeysay markii Madaxweynaha  Jab uuti uu amar ku bixiyay in la furo Safaaradii Jabuuti ee Muqdisho, si buu yiri dadka reer Jabuuti ay u garab istaagaan walaalahooda Soomaaliya, isla markaana ula qeybsadaan shacabka  Soomaaliy ed dhibaatada heysata.


Safiirka Jabuuti ayaa ku booriyay Dowladaha Caalamka inay safaaradooda dib uga furtaan  magaal ada Muqdisho, isagoo sheegay inay dalalka Afrika ay u gogol xaarayaan sidii safaaradahooda ay ugu soo rari lahaayeen Soomaaliya.


Ra段isul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tallaabada Jabuuti ay  safaara deeda uga furatay Soomaaliya, waxaana go誕anka Jabuuti uu ku tilmaamay mid geesinimo leh.

Oomaar ayaa sheegay in shacabka Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin Labo dad iyo dal walaalo ah, i sla markaana deris ah, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay tahay Dowlad ka damqata dhibka heysta shacabka Soomaaliyed.

Safaarada Jabuuti ay dib uga furatay Soomaaliya ayaa markii dambe laga taagay Calanka  Jamhuu riyada Jabuuti, iyadoo Xafiiska Safiirkana lagu xardhay sawirka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Shariif ayaa dhowaan waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka aqbalay Safiirka cusub ee Jabuuti, iyadoo kulamo uu la qaatay Safiirka Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan.

 



Axmed Kulan
Moqdisho