DOQONI QIIQ KAMA KACDO EE DAAMANKAY MEER MEERISAA
 


 

Qofku markaanuuu xaqiiq ku nooleyn , waxba kama duwan ilmaha yar ee sanadka jirey dabcigiisa iyo lahashooyinkiisa.

Hadda , Hassan Abgaal, waxa loo soo cumaamadey in uu yahay madexweynaha Somaaliya , waxaana dawladiisa khasab kaga dhaliyey dawladaha reer galbeedka ah, ka dib markii shir ay soo agaasimeen qaramada midowbay iyo dawladaha reer galbeedka ahi,. Waxa shirkaas ku soo doortey cod 2200 oo qof ah. Waxa codadkaas lagugu kala iibsadey lacag toban kun oo DOLLAR Ka badan halkii cod.

Hoos ba umuu eegin Qasacada uu ku guda jiraa inta ay leegtahy amaba miisaan ay leedahay ee waxa uu u muuqda waxa ilmaha sabiga u muuqda.

Hassan Abgaal, miyaanu ogeyn in marka hore , kursigan uu ugu fadhiyo qabiilkan uu yahay ee Abgaal kaas oo madex isaga duubey kursi beryaha qaar ummada ka wada dhaxayn jirey.

Hassan Abgaal miyaanu ogeyn in ciidamo shisheeyey , gaashaankooda ku hoos jiro, Goofkii uu ku dhashay, oo taasi gunnimo ugu filan tahay maadaama la waayey barbaar iyo geesiyiin u guntada sharfta iyo karaamada dhulka ku dhacday kadib markii dawladii xamar buburtay. Maxaa keenay in ciidan loo qaadhaamo , ilaaliya dalkiisa. Bal hareertaada eeg PUNTLAND, barbaar u dhashay bay gaashaankeed ku joogtaa. Ma kaftami karo , Hassan Abgaalo meesha aad ku dhalatey nin ka soo jeedaa haddii in uu dameer leeyahay. Waxaynu ka wada dharagsanay , in Dalkiii Somaaliya la odhan jirey hada lagu sheego dal FEDERAAL AH , ee aanu jirin dalkii Somaaliya aanu ka tagney ee aanu Bari ka mid ahayn. LAMA yaqaano cidan federaalka noqotey iyo asalkan kala gedisan meesha uu ka soo jeedo , hadana ku doodaaya in uu soomalinimo doonaayo.. Miyaanay talow u muuqan Hasaan Abgaal in masalaha uu ku fadhiyaaba ka gedisan yahay kii aanu ogeyn.

Aqoon daridu waa u cadow dadka ibna aadmiga ah, talow hadaba Hassan Abgaal , xagay ka martey waxbarashadii uu galay, waayo. Waxaanu ilaa hada garan in RABITAANKA DADKU LEEYAHAY, KII MARKII HORE AY KU YIMAADEEN UU YAHAY, KAN MAANTA AY KU NOQDEEN U YAHAY.

Hassan ABGAAL, dawladiisu way saxeexday in ay sii wadi doonto shirkii LONDON EE asalkiisa horeba INGRIISKU lahaa oo isagu soo abaabulay cidina ku qasbin, dabeetana si uu sharciyada aduunyadu ku dhaqanto uu u mariyo ku soo casuumey dawladaha aduunka iyo dawladii soomliada oo khasab uu kaga dhigay in ay shirkaas timaado.

SHIRKAAS WAA MID KU JIRA , ASALNA KU LEH GURYAHA SHARCIYADA EE ADUUNKAN. Taasina waxay tahay mid aanay cidna wax ka bedeli karin, ilaa hadana khasab ku yahay in uu dawladiisi sii wado.

Hadaba Hassan Abgaal, yaanu dadka been u sheegin oo shirka qaadhaanka loogu guraayo ka dhigan kii siyaasada ee labada dal ka dhexeeyey. Ha ka koro kuwii ka horeeyey tay ku fashilmeen oo yaanu ceel isaga ridin tiisan curdinka ah

Waa qalinkii
 

 


Imaam omar qiyas