Doorashooyinkii oo dib u dhacaya, Komishanka iyo Xisbiyadana wada hadal uga Furmay

 


Komishanka Dorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran oo ay weheliyaan Saraakiil ka socda Akaadamiyada Nabada iyo Horumarinta ayuu shalay wada hadal lagu gorfaynayo asbaabaha dib u dhaca Doorashooyinka ku imanaya iyo sidii layskula meel dhigi lahaa uga bilaabmay Xarunta Komishanka Doorashooyinka.

Kulankan ayaa dhinacyada Doorashooyinku khuseeyaan ayaa la sheegay Komishankuna in uu soo hor dhigay Ajande ka kooban Saddex Qodob oo ay deeq bixiyayaashu shardi uga dhigeen Bixinta Dhaqaalahii lagu qaban lahaa Doorashada Madaxtinimada oo Dalka ka qabsoomi lahayd 29 March, taasi oo imika u muuqata inay dib u dhacayso, waxaanay Shuruudahaasi kala yihiin in la helo .

1. Wakhti sugan oo ay dhinac yada oo dhami isla qaataan in Doorashada loo qoondeeyo, madaama Duruufo dib u dhaca keenay ay jiraan.


2.in Koomishanku keeno Xisaab celin, Kharashkii Deeqbixiyayaashu ku bixiyeen Diiwaan-galintii Dalka ka qabsoomtay iyo Xisaab celintii Kharashkii ay Dawladu bixisay

3. iyo in tiro Sax ah laga soo saaro Tirada Dadkii la diiwan-galiyay.

Sidoo kale waxa jira sida la sheegay Qodob kale oo sheegaya in kalsooni Buuxda ay Xisbiyadu ka keenaan Todobada Xubnood ee Gudida Doorashooyinka madaama kala shaki iyo Khilaaf soo kala dhex galay Xubnaha Komishanka Dhexdooda iyo Axsaabta Qarankaba , inkasta oo aan ilaa hada Qodobkaasi si rasmi ah aan loo soo bandhigin

Qodobadaasi shalay loo soo bandhigay Axsaabta Siyaasada ayaa la sheegay in Dood iyo Buuq badani ka dhashay, taas oo sababtay in muddo ay kaga soo baarandegaan la siiyay loona balamay inay maanta dib isugu soo noqdaan, si hadana wada hadaladii loo sii wado.

Dib u dhaca laga wada hadlayo ayaa waxa Sabab u ah sida ay Komishanku ku doodayaan Axsaabta Siyaasada oo majaro habaabiyay dantii laga lahaa Diiwan-galinta oo ahayd in la helo tiro sugan oo sax ah oo Doorashooyinka codeeya si aanay u dhicin in cid loo aaneeyo inay ku shubatay taas oo sababtay in ay wakhti qaadato sidii loo sixi lahaa iyo in Qalab markii hore aan oolin dib loo doono.

Dhinaca kale Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah oo si taxadar leh ula socday qaabka ay diiwan-galintu Dalka uga qabsoontay ayaa iyagu Saluug ka muujiyay waxaanay soo rogeen in lagu sifayn doono Dadka is Diiwan-galiyay mar wixii ka badan iyo wixii ka baxsaday Kantaroolkii loogu talo galay Qofku in uu maro lagu kala saari doono ( Server) Qalab Suulka ah , iyo qalab wajiga ah, taasoo noqonaysa Goobta la ogaado 25% wax ka badani in aanay marin Qalabka Suulka Sheegaya in la tuurayo oo aan la qaadanayn, halka Goobta 25% wax ka yar la ogaado in aanay Suulka iska qaadin la marin doono qalabka wajiga kala saaraya.

 



Waaheen