Doorashooyinka Golaha Deegaanka Somaliland Oo Si Nabad-gelyo Ah Ugu Bilaabmay Dalka Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Codkiisa Dhiibtay

 

 


Doorashadan ayaa ku bilaabantay si habsami ah, iyada oo madaxweynaha Somaliland Axmed.............


Hargeysa (TNN) - Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa waxa saaka ka bilaab may cod bixinta doorashada goleyaasha Deegaanka, taasi oo ay ku tartamayaan 7 urur/xisbi oo sadex ka mid ah la doonayo inay u gudbaan xisbiyo qaran.

Magaalada Hargeysa oo ah halka ugu muhiimsan ayaa cod bixintu ka bilaabmatay 7:40 am, wa xaana goobaha cod bixinta taagan dadweyne safaf dhaadheer u taagan,kuwaas oo qaarkood saqdii dhexe ee xalay yimaadeen goobahaasi.

Doorashadan ayaa ku bilaabantay si habsami ah, iyada oo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu codkiisa ka dhiibtay xarunta hay’adda shaqaalaha, waxana hadalkiisii ka mid ahaa “Codkii aan xaqa u lahaa ayaan ka dhiibtay halkan, INSHA ALLAH waxaan rajaynayaa in aynu noqono kuwii ku guulaysta Doorashadaas ayaan ILAAHAY Ka rajaynayaa”

Sidoo kale ay ka codeeyeen marwada koowaad, xubno ka mid ah golaha wasiirada, guddoomiye yaasha Ururada ku tartamaya doorashadan iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Laanta Socd aalka.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu codka dhiibtay ka dib waxa uu u lugeeyey xarunta madax tooyada, isaga oo ay hareero socdaan wasiirada madaxtooyada, arrimaha gudaha iyo masuuliy iin ka mid ah xisbiga Kulmiye.

Wararka laga helayo gobolada dalka ayaan sheegayn wax dhibaato ah.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland