Doorashadii Somaliland weli waa gacan uur ku jirta,bal aan dhawro oo ka dhursugno

 

Faaqidaad ku saabsan doorashada Somaliland ayaa idaacada VOA ay soo bandhigtay todobaadkan. Faaqidaadan oo ay ka qaybgaleen Xusbiga Kulmiye oo uga qaybgalao, Kayse Xasan Cige iyo Xusbiga UDUB oo uu uga qaybgalay Cisman C/llahi Cigaal), waxay u dhacday si aan turxaan iyo ismaandhaaf lahayn. Labada xusbiba waxay muujinayeen in ay hogaansan yihiin heshiiska ay wadagaleen, islamark aana labaduba diyaar u yihiin doorashada maalinta Komishamnka qaranku cayimo.

Heshiiskan ku sabsaana anshaxa doorashada lagu galayo, waa muhiin. In wax la isku ogaado oo la isla meel dhigaa arrin xun ma ah.

Dhaliisha doodu lahayd waxaa ka mid ahayd in labada nin midna af xusbi oo dhawrsan ku hadlayey oo aan marna dhankaa iyo dhankaa toona ugu leexan, oo aad moodey xusbinimada iyo xubnaha  xusbig iisa in uu tixgelinta ugu weyn siinayey. Saaxiibkay Cusmaan C/llaahi Cigaal waxaa doodiisa aad ugu dhandhameysey in uu af-hayeen u ahaa Golaha Dawladda, ee adeegeeda la leeyahay axsaabt ha u sinnaato. Taasi waxay muujinaysaa in durba Mudane Cismaan uu ka sii siqayo heshiiska la wadagalay, islamarkaana aanu aamin ku qabin xusbiga uu ka soo jeedo iyo UDUBnimadiisa, waana gartiiyoo  Xusbi gii keligii ayaa ka soo hadhay amma (May be the big eye was watching him).

Nuxurka kale ee doodu wuxuu ahaa in labaduba isla qireen in heshiiska ku jiro qodob sheegaya in loo hogaansamo wixii serfarka ka soo baxa ee khubaradu soo bandhigto. Ilaa hadda la mayaqaan wax ka soo yeedhi doona. Laakiin haddii uu ku soo yeedho waxaan ka wada qoslineyn dhinacyada tartanka doorashada u diyaargroobea, cid diidi kartaa ma jirto oo waxaa qodobkan lagaga nasan doonaa  mura nadii ismaandhaafyadii hore loo soo maray ee gudaha iyo qurbahaba gilgili jirey.

Mar haddii aan la garaneyn maalin cayiman iyo natiijadii khubarada ka soo bixi doonta serfarka ku  ha wlan, doorashada Somaliland waa gacan uur ku jirta oo maalintay dhacayso mugdi bay ku jirtaa.

Haddaba haddii uu markana dib u dhac ku yimaado, waa hubaal in wax xeer ku salaysan oo Somaliland ka dhisani aanu jirin. Sida la wada ogyahay Golaha baarlamaanku wuu shin dhaafay oo maanta xeer iyo cod dadweyne kuma joogo, Golaha guurtidu waa shin dhaafay oo axdi qarameedkii iyo cod  dadwe yne kuma taliyo, Madxweynaha iyo Golihiisa Dawladu wuu shandhaafay oo cudud mooyee cod  dadwe yne kuma joogo. Axsaabtu mucaarid iyo muxaafidba way shin dhaafeen oo xeer hoosad iyo xeer  qara meed midna kuma dhisna, beri hore ayaa laga tallaabsaday oo distoorkii ansaxiyey waa la laalay waana lagu dhaqmi waayey.

Intaas oo wada shin dhaaftay oo doorasho ka carar ah oo kursi doon ah, oo mididii daabka haya, ayaa isbarkan oo marna isku hiilinaya, marna tartamaya. Xubnaha labada Gole intooda badani quus ayay ka joogaan in dib loo soo doorto, qaar badan dib iskuma soo sharaxayaan oo lacagtii ay ku geli lahaayeen ma haystaan, haddii markii hore ay tolaay ku soo gudbeena maanta tii ma joogto oo waayihii xilligaa mid ka duwan ayaa manta loo gudbey.

Bal aan dhawro oo sannadkana ka dhursugo, gacanta uurka ku jirta, siday aniga ila egtahay wiil iyo gabadh midna ma soo sido oo doorashadu ka fursmayso ha fadhido faraw.

 

 

 

By Xamud Ducaale