Doorashadii oo dhacaysa 15 june 2010 iyo shacabka oo raba xisbiga ucid kordhin danbana aanay jirin


Abwaan:Siciid Cabdi Dheen
 

Waa guul ilaah hadii maanta la isla qaatay waqti mucayana oo doorasada la qabto.Waxa ama an iyo abaal marin leh gudidan cusub ee komishanka oo si geesinomo leh u cadeeyay in june horaanteeda 2010 la qaban doono doorashadii madaxwaynaha.

Hadaba maxay kula tahay akhristoow yaa ku guulaysanaaya Inbadan ayaa la sugaayay in doorasho dalkan laga qabto Maantana waa haynaa waqti sugan hadaan UDUB sideedii inagu wacad furin baarlamankana xidhin ama askar ku dul wareejin.

Hadaan udub sidii laga bartay qoriga caaradiisa la soo bixin sidii maamulkii siyaad bare ee  dad ka xoog wax ku yeelsiin jiray.Hadaan udub mar kale inaga qoslin oo aanay la soo bixin kalmadii looga bartayee ahayd [NOO KORDHIYA].Kalmada noo kordhiya oo noqtay mid hal haysa  dadk una aad ugu qoslo waxaan ilaahay ka baryayaa inaanay inagu soo noqon.

Waxaan aad uga codsanayaa dhinaca udub inay iimaansadaan doorashadan oo ay calafkooda aaminaan iyo codka shacabku siiyo.xoog iyo qasab iyo noo kordhiya iyo ciidanka qaranka oo aad isticmaashaan waxba ku hagaagi maayaan dalka iyo dadkana uma fiicna.Waxaan  leeya hay xisbiga UDUB waan arkaa in giraantu idinka jiifto shacabkiina idinka soo taagan yahay taasina maaha inaad doorashada ka baqataan ama hakisaan.


Waan arkaa in shalay gobolada sanaag iyo togdheer ay ucid AFKA U DHIGATAY oo shacabkii idinka diga rogtay.Waaan la socdaa in ilaa gabilay ilaa boorame ilaa gobolka maroodi jeex   shacabu idinka soo taagan yahay oo uu wada noqday ucid .Anigu ma garan karo waxa  shac bigu ku doortay xisbiga ucid , balse markaan caqligayga isticmaalo waxa dadku aad ugu  bog ay  han aanka xisbigu ku socdo iyo daacadnimda raga ku jira ucid oo qaarkood aan  magac aabi karo mr waqaf iyo cabdirashiid iyo ciro iyo faysal .

Ragan oo dhamaan ku sifoobay rag doonaya inay daacad iyo xilkasnimo dadka wax ugu   qabt aan.Waxa kaloo dadku ku doortay ucid ayagoo barbar iska dhigay wixii QABIIL la odhan jiray, oo aan dadka beelo iyo ina hebel iyo ina kan aan kula shirin.MEESHA ay tagayaana waxay  dad ka ku waajahaan qaranimo iyo wadaninimo iyo somalilandnimo.

Hadaba waxaan ku dhiiri galinayaa in axsaabta kalana usoo noqdaan majaraha siyaasada  ka na fogaada nidaamka reernimada iyo qabyaalada. Codka shacabka waxa aad ku heli kartaa oo kaliya adoo cadysta mawqifkaaga siyaasadeed iyo waxaad dadka u qabanayso oo aan la  qa rin.SHalay ayaa garoonka hargaysa waxa udub iyo kulmiye isku haystaan caruur kubad  caya araysa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

Miyaynu ka siisanaa in udub askartii poliska dulgeeyaan caruurta yaryar ee garoonka ku  cay aaraya la iskuna qabsado WAANU CAYAARAYNAA IYO MA CAYAARI KARTAA Malaa udub  wa xa ka dhamaaday waxgaradkii mise tolow doorashadana waxaynu ku carqaladaynaa dhici  ma yso maadaama caruurtii kubadii si aan xad lahayn u cayaarayaan[ aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban].

Waxaan talo markale siin lahaa xisbiga udub inay dhaafaan caruurta kubada cayaaraysa una diyaar garoobaan doorashada DHACAYSA JUNE 2010 KA

Udub waxaan leeyahay shacabka somaliland waa dadkiini waa ardaydiinii waa caruurtiina waa hooyooyinkii ama aabayaaashiin idinkama gayaan inaad ugu hanjabtaan maalin kasta QORIGA CAARADII .Waliba in badan aad rasaas ku furtaan oo naxariis aydaan u lahayn. waxaan leey ahay XISBIGA UDUB doorashadan hadaa ka hadhaan oo helo kari waydaan ku fikira in aad mustaqbalka shacabka wanaag gashataan waxna iskula hadhaan ha noqonina [ nin qaawani biyo iskama dhawro] Bari iyo mar kale ayaa isa soo abaabuli kartaan oo shacabka food ka dooni kartaan.

Gabagabdii


Maanta fooddku wuxuu taagan yahay XISBIGA UCID IYO KULMIYE KA SHACABKU SIIYO CODKA DHEERAADKA AH ayaana hananaaya qasriga madaxtooyada .Waxaan u rajaynayaa labada gudoomiye inay nasiibkooda ka qaadaan xilkana ilaahay u fududeeyo MUDANE ENG FAYSAL CALI XUSEEN IYO MUDANE ALXAAJI AXMED MAXAMED SIILAANYO NASIIB WACAN AYAAN IDIN LEEYAHAY UDUBNA INSHA ALLAH WAA DOORKA DANBE AYAGOO ISA SOO ABAABULA HADII ALA YIDHAA laakiin maanta si nabada oo gobonimo ah xilka ku wareejiya


WABILAAHI TAWFIIQ

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london UK