Doorashadii Ka Dhacday Somaliland Waxay Ka Meeqaam Sareysay Kuwa Ka Dhaca Dalal Badan Oo African Ah

 

Bujumbura (Reuters)-“Somaliland ayaa labada dal ee (Guinea iyo Burundi) ka ayaan iyo nasiib bad naatay markii ay aqbaleen saddexdii xisbiba natiijadii hordhaca ahayd ee komishanka  doorashooy inka qaranku soo saaray, taas oo amaan iyo bogaadin laxaad leh ka heshay beesha caalamka, hal ka la filayo in Somaliland ay cashar ugu filnaanto dalka Ruwanda oo isna bishan gali doona  dooras ho”.

Sidaa waxa lagu daabacay wakaaladda wararka ee Ruaters warbixin uu qoray wariye Matt Brown, oo ka hawl gala hay’ada wararka, ABC News.

Warbixntu waxay xustay, in Somaliland doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday 26 June bishii  in a dhaaftay ee ay ka soo qayb galeen goob-joogayaashii caalamiga ahaa ahayd doorasho xor iyo xalaal u dhacday, islamarkaana doorashadaasi ahayd mid Somaliland ay kaga horayso dalal  faraba dan oo aduunka ah, ahaan dalalka Africa.

Warbixintu waxay intaa ku dartay, bishii hore ee June in saddexda dal ee Somaliland, Guine iyo  Bu rundi ay ka dhaceen doorashooyin, balse ay wajiyo kala duwan lahaayeen, taasoo warbixintu  hoo sta ka xariiqday, in doorashadasi Somaliland ka dhacday marka la eego labadaasi dal ee kale ay  w e yn uga qiimo badnayd, islamarkaana ay qireen goobjoogayaashii caalamka ee ka soo qayb galay doorashadii Somaliland, taasoo warbixintu sheegtay in dalalka Guine iyo Brundi ay meeqaam hoose taagnayeen doorashooyinka ka dhacay oo aan la barbar dhigi karayn ta Somaliland ka dhacday.



Jamhuuriyda Somaliland oo dhawr jeer oo hore doorashada madaxtooyadu dib u dhacday ayaa  bi shii hore ee June 26-keedii uga qabsoontay doorashadu, taas oo si heer sare ah uga dhacday,  isl amarkaana ay ka soo qaybgaleen goobjoogaayaashii caalamiga ahaa, goobjoogaashaashaasi  wax ay qireen inay ahayd doorasho xor iyo xalaal u qabsoontay, taas oo ay guushu ku raacday  muras haxii xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halka  madaxweyn e Daahir Rayaale Kaahin uu aqbalay kuna hambalyeeyay guusha ay gaadheen xisbiga mucaaradka ahi, taasi oo ah mid fajiciso iyo amakaag sida milgaha leh ee madaxweyne Rayaale yeelay. Halka dalka Guinea oo ku yaala galbeedka qaarada Afrika oo doorasho ka qabsoontay bishii June 27-ke edii ay soo gabagabaysay muddo nus qarni ku dhaw oo rijiim kalitalis ahi uu ku amar ku  taaglayna yay, taasoo wareegii hore ee doorashadana lagu kala adkaan waayay loona balamay bishan 18-keeda in lagu kala calafqaado wareeg labaad.



Hadaba Wareegaas oo ay iskugu soo hadheen ra’iisal-wasaarahii hore ee dalkaas Cellou Dalein  Di allo, kaas oo helay codadkii ugu tirada badnaa, balse ku guuldaraystay inuu helo in ka badan 50% codadka la dhiibtay, waxaanu wareeg labaad gorada is-dari doonaan mid ka mid ah mucaaradka oo dadka ugu caansan dalkaasi ka mid ah oo lagu magacaabo Apha Conde. Dalka Guinea ayaa  doora shadani ay tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah tan iyo intii sanadkii 2008 dii uu ka geeriyooday kalidii taliyahii muddada dheer xilka hayay Lansana Conte, kaas oo ka dib markii uu dhintay oo  dal ku isku diyaarinayay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyin in la gallo, hadana mar labaad uu afganbi ku qabsaday Gen. Mousa Camara, kaas oo isna qaar ka tirsan ilaaladiisu ay toogteen,  kadi bna dhaawaciisii loola cararay dalka ay jaarka yihiin ee Burkina-faso, waxyar ka dibna uu tala da la wareegay Gen. Sekouba Konate oo xayiraad ku saaray inuu dib dalka ugu soo laabto. Sakouba  Ko nate wuxuu xilligaa sheegay inuu qabanayo doorashooyin isaga iyo ciidamaduna aanay ka  qayb qaadan doonin ee ay xisbiyo soo dhistaan dadka rayidka ahi.


Taas oo keentay in bisha June 27 keedii doorashadii ugu horaysay ee dimuqraadi ahi ay halkaas ka dhacdo,.oo ay goobjoogayaashii caalamka ku tilmaameen inay

ahayd mid xor oo xalaal ah, marka laga laga reebo waayo-aragnimo la’aan xoogan oo dalkaas ka jirtay.

natiijadii wareega koowaad ee doorashadaasi ayaa la soo saaray 2-dii July, iyadoo idaacadaha da lkaasi ay si weyn ugu mahadnaqayeen ciidamada, uguna bushaareeyeen ciidamada in askari kasta hal darajo la dalacin doono, halka taliyahooda Sekouba Konte la siin doono darajo gaar ah oo lagu sharfayo go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay, dalkiisana u horseeday inay doorasho xor oo xalaal ahi ka qabsoonto, markii ugu horaysay taariikhda. Dalka Guinea wuxuu tusaale u noqday dalalka galbeedka Afrika oo uu tusay in muddo dheer oo ay shacabku ku jiraan gacanta birta ah ee kalitalisnimada ay si degdeg ah u noqan karaan dalal dimuqraadiyadu si wacan uga hirgasho, balse lama garanayo ilaa hadda wax ay ku dhamaan doonto iyo sida laga yeeli doono natiijada kama danbaysta ah.



Sidoo kale Dalka Burundi ee aadka u yar ee dhaca badhtamaha qaarada Afrika waxa ka  qabsooma ysa doorasho ay dhamaantood ka muquurteen murashaxiintii xisbiyada mucaaradka ah oo ku  eed eeyay madaxweynaha talada haya Mr. Pierre Nkurunziza inuu ku shubtay doorashadii dawladaha hoose, islamarkaana doorashadana uu ku shuban doono.

Waxaanu shacabka ugu baaqayay madaxweyne Nkurunziza inay doorashada u soo dareeraan, ha ddii aanay doonayn inay codka siiyaana u cadeeyaan inaanu xilka u qalmin hadii kalana ay siiyaan kalsoonidooda, balse aanay ka aamusin, isla markaana aanay dhegaysan qolyaha mucaaradka ah ee ku baaqaya inaan la coday.



Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ayaa uga digay shacabku inay codeeyaan, waxaanay ugu  han jabeen in qofkii codeeya ay faraha ka goyn doonaan, waxaanay sheegeen goobjoogayaashu inay arkayeen dadweynaha safafka dhaadheer ugu jira sidii ay khadka iskaga maydhi lahaayeen inta aanay goobta codbixinta ka bixin.



Isku soo wada duuboo dalka Somaliland ayaa labadaa dal ee kalaba ka ayaan iyo nasiib badnaaday markii ay aqbaleen saddexdii xisbiba natiijadii hordhaca ahayd ee komishanka qaranka  doorashoo yinku soo saaray, taas oo amaan iyo bogaadin laxaad leh ka heshay beesha caalamka, halka la  fila yo in Somaliland ay cashar ugu filnaanto dalka Ruwanda oo isna bishan gali doona doorasho, taas oo ilaa hadda la kala garanayn marka laga eego weerarada banbo-gacmeedka ee lagu weerarayo goobaha dawlada iyo siyaasiyiinta sida joogtada jeelka loogu taxaabo inay mari doonto jidkii  Soma liland iyo inay qaado dhabadii uu qaaday dalka Burundi ee la jaarka ah.



Source:Haatuf