DOORASHADII DALKA MA KULMIYAA HELAY MISE KUMIYE IYO QARAN OO WADAJIRA[xogta qoraaga]!!!!!!

 


Abwaan:Siciid Cabdi Dheen

 

Sida aynu ka warqabno waxa dalka ka taliya mudane alxaag axmed siilaanyo oo ah  madaxwayna ha dalka somaliland ee ka soo jeeday xisbiga kulmiye waxase yaab noqotay in si wadajira xisbiga kulmiye iyo ururka qaran ay talada dalka si wada jira u hayaan.

-Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Dr Maxamed Cabdi Gaboose
-Wasiirka Maaliyada Mudane Axmed Xaashi
-Wasiirka aanan hawshiisa garanayn uu hayo oo ah Xuseen Caydiid

Waxay dhamaan ragani ka tirsan yihiin ururka Qaran ee aan sharci ahaan dalka uga jirin ururkan ayaa waxa mamnuucay xisbigii talada laga qaaday ee udub kaas oo uu hogaamiye ka ahaa ex pres ident mudane daahir riyaale kaahin.

Mudane daahir riyaale ayaa xukuumadiisu u dirtay sadexdan masuul min sadex bilood oo XADHIGA.

Hadaba waxa is waydiin mudan XUKUUMADAN dhisan ee wadajirka ah ma ku dhisan tahay sifo sha rciya ilayn ururka qaran lama aqoonsane oo xisbi ahaan looma aqoonsane.
SHACBIGA SOMALILAND ee u codeeyay xisbiga kulmiye raali ma ka yihiin in codkoodii ay wada  qay bsadaan laba xisbi oo midna yahay ururka qaran ee aanay u foodin midna yahay xisbiga kulmiye ee ay durbaanada u garaacayeen ayagoo la rajaynaya in ay guusha helaan.

Ururka qaran ma mid kulmiye dhisay oo hadba ay ugu shaqaystaan siday rabaan baa urirka qaran ma shinfaynta taageersan IRA ka dagaalanta north irland baa mise waaba ururka ETA ee dhinaca siyaasada u qaabilsan kooxaha ka oo horjeeda dalka spianbaa maxaad ku SIFAYN KARTAA ururka qaran ee hada u xuubsiiibtay maamulka talada haya waxaad moodaa in dad badani aad isu waydiin doono sababta keentay in laba kooxood oo kala duwani talada u wada qabatay ayagoo shacbigu mid kaliya u fooday.

Tartankii doorashada ayaa wuxuu dhex maray xisbiga ucid oo kaalinta sadexaad la fadhiistay 17% dadkuna diiday macaa shariicadiisii uu ku dhawaaqay mudane ENG faysal cali xuseen Dayuuradii uu kumaray lixda gobolna shaqaynwayday sidaasina uu kaalinta sadexaad ku guulaystay kaliya asagoo dhaamay waxbo la,aanta BALSE aad odhan karto way dadaaleen.

Xisbiga udub ayaa ku guulaystay kaalinta labaad 35% inkastoo ay aduun iyo maaliyad badan oo ahayd hantidii qaranka isticmaaleen , dadkana ay la dhex marayeen gawaadhi lacaga hadana waalaga diiday in mar kale ay talada qabtaan dalkuna biyo la,aan ku sii jiro waliba shaqo la,aanta iyo tahriibta dhalinyaraduna u dheertay markay dhaceen waxay lakala carareen hantidii yarayd ee hadhsanayd waana ta keentay in hogaamiyaha labaad ee ururka qaran ahna wasiirka maaliyda xukuumadan kulmiye MUDANE AXMED XAASHI uu qasnad madhan u sacabo tunto asagoo ku FARA XSAN [ ayaduba waa masalo yaabkeeda wadatay in aad qasnad madhan u sacaba dunto mise waa ka xukun jacayl iyo wasiirnimada oo uu aad u xiisaynaayo]!!!!!!!!!!! cajiib

xisbiga talada haya ee kulmiye ayaa ku guulaystay 59% sidaana ku helay kursiga madaxtinimada balse dadku may ogayn in uu talada wax ka siinaayo ururka qaran.
HADABA akhristoow xukuumadan uu hogaanka u hayo hogaamiyihii ugu hore ee ururka snm  haat an ah  madaxwaynaha jamhuuriyada soomaaliya ahna ninka dekeda beberi hoostimaado MUDANE ALXAAG AXMED MAXAMUUD SIILAANYO ILAAHAY CIMRIGIISA HA DHEEREEYEE. ma tahay mid ku dhisan sifo sharciga waafaqsan  doodani waa mid u faran qof kasta oo haya jawaabta xogta su aa,sha meesha taala



wabuilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
london