Doorashada Somaliland waa diin god gal, god goray gal, goray god gal, god diin gal oo qof weliba xaq buu u leeyahay godkuu galayo iyo kuu ka kabaxayo.
 

 

Waa dimoqraadiyadii oo cagabidhyaynaysa ee cidna yaan loo digin cidna loo dudin.

Xusbiga UDUB iyo Kulmiye waxay leeyihiin laba afaaf oo midna laga galo midna laga baxo. Xusbiga UCID afaaf laga galo ayuu leeyahay ee mid laga baxo malaha.

Kulmiye iyo UDUB Reero ahaan ayaa loo galaa reero ahaana waa looga baxaa. Wixii darajo iyo dhadhamo u dudayaa waxay isku dhaafdhaafaan KULMIYE iyo UDUB DHEXDOOD oo isasii  barii diyaan. Daad xoorta UDUB waxay gashaa afaafka balaqan ee KULMIYE (Ismaciil Yare), Daad xoorta KULMIYANA waxay gashaa albaabka balaqan ee UDUB. Waa labada urur ee beelaha kala xantaysanaya ee midba mid dhabarka ka taabanayo suldaanadeeda iyo boqoradeeda.

Wixii hore u soo daashade bay weli degashanaayaan oo garaad doondoon ma ah ee waa  bee lo doondoon. Beel difaacda iyo beel u duda midna waayi maayo weligii iyo allahii. Labadaa bee lood ee dhufayska isku galay dhexdoodana wuxuu waraabe ku cunnaa helitaanka nidaam  lag ula xisaabtamo. Ma ogola dib mooyee in horaba loo duulo oo la helo aragti cusub oo waqtiga la jaanqaadaysa. Mudacyayay afafkooda la ISLA EEGANAYAA IYO ARAGTI GAB AH oo aan mura nkeedu gunaanad lahayn.UDUB waa la arkayow, horaa duco loogala quustay, oo haybad ma laha. Golihiisii dhexe waa nabad sugida Qarankii hore ee burburay.

Xusbiga UCID daahiisa dufankaa ku yar oo raxanraxan iyo reer reer looma galo. Caqli iyo   aqo on ayaa lagu galaa ee cudud iyo cuud midna laguma galo. Qof qof baa loo galaa, afaaf danbe oo laga baxana ma laha. Gaban yar iyo gaari mooyee waa xusbi nin gaboobey iyo daadxoortu ka caagan yihiin. Wax soo gala mooyee, wax ka baxaa waa naadir. Isaguna ma iin la' waa da a'uus oo noolaha wax la daawado daa'uusku waa kow, oo waa looga hadhay qurux, isagana qab baa diley nabar aan dawo lahayn. Xusbigan UCIDNA waxaa loogu dawgala qaar afkana y aqaan haddana ka agnaan ah iyo balanbaalis qalimo leh, ballanbaalis qalimo leh, ballanbaalis qalimo leh, ballanbaallis qalimo leh. Xusbigan qofkii codkiisa siiyaa waxtar mooyee waxyeelo ci dna umma geysanayo. Sikastaba ha ahaatee Ururkani waa ka ugu dhaw xusbinimo ee hadhaw lala xisaabtami karo oo aan beel difaacda iyo beel u dudaysa midna la arki doonin. Xusbigii ma anta ma ah ee waa xusbigii Berito ha ogaado nin moogi.

Lama dooran yaqaane, Ilaahayow adigu door.

 

 

 

Hamud Duale