Doorashada S/land

 

Xisbigii Udub oo qarka u saaran burbur horleh iyo kaambeynkii doorashada  Madaxtoo yada oo bilaabmay.

Waxa muddooyinkan danbe soo ifbayey dareemo badan oo laga saadaalin karo sida  a rrimaha doorashada la xidhiidhaa u socdaan.Darreenka hadda soo baxaya wuxu ka  tu rjumayaa in Xisbiga udub taageerayaal badani ka baxayaa halka Xisbiga Kulmiyana ku soo qulqulayaan taageeraal aad u tiro badan min lawyacado illaa Laascaanod.

Dadweynaha qeybihiisa kale sida haweenka,dhallinyarta iyo bulshada intee kale ayaan u kale hadhin taageerada ay u hayaan Kulmiye,waxad moodaa in dabayl caafimaad oo is bedel doon ah ay ku dhufatay dhammaan gobolada dalka oo dhan.

Dadweynuhu guud ahaan rajo weyn ayay qabaan in isbedel khayr qabaa uu dhici  doo no,gaar ahaan dhallinyartii gidaarada joogtay waxay ku rajo weyn yihiin in  mustaqbal koodii cad yahay oo isbedeli doono,ummadda intee kale waxay u ooman yihiin isbedel caafimmaad iyo waxqabad.

Waxan dhammaan dadweynaha reer Somaliland xusuusinayaa in ay ku xisaatamaan  w ax-qabad la’aanta xukuumada 7 sanno jirtay.Waxa aad u yar wax-qabka ay  xukuuma du qabatay muddii ay jirtay sida:


1. Adeega guud ee Caafimaadka

2. Adeega guud ee Waxbarshada

3. Adeega guud ee baahida biyaha

4. Adeega guud ee xoogga korontada

5. Adeega guud ee wax soosaarka beeraha

6. Adeega guud ee wax soosaarka khayraadka badda

7. Horumarinta waddooyinka

8 Iyo adeegyo kale oo badan



Ugu danbeyn waxan walaalahay reer Somaliland ee horumarka jecel ee waayey xukuumad u adeegta in ay codkooda ku ciil baxan oo xisbiga kulmiye codkooda siiyaan maalinta doorashada bisha June 26/2010.

 



Eng. Mohamed Abdillahi Nur
Ottawa. Canada