Doorashada
haddii aan ku guuldarraysto dib isuma soo sharraxayo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka
ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay si
rasmi ah
shaaca uga qaaday in haddii uu ku guuldarraysto tartanka doorashada
Madaxtooyada Somaliland ee la filayo in ay dalka ka dhacdo horraanta
bisha March 2009 aannu mar dambe isu soo taagayn jagada
Madaxweynimada, isla markaana fursaddaas u bannayn doono
siyaasiyiinta kalee xisbigiisa ee damaca leh, balse waxa uu
tilmaamay inuu sii hayn doono jagada guddoomiyenimada UCID ilaa
muddo aan la cayimin.
“Doorashada haddii aan ku guuldarraysto dib isuma soo sharraxayo,
laakiin guddoomiyenimada xisbiga waan haynayaa oo waxaan doonayaa in
xisbigu dhismo oo uu noqdo mid taariikh yeesha, 1992-kii ayeyna
ahayd markii fikradda samaynta xisbiga UCID, runtiina Ilaahay wuu
igu guuleeyey,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo xalay u
warramayey telefishanka dawladda.
Waxa kale oo Guddoomiyaha UCID sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE ka badbadiyey dimoqraadiyadda dhexdiisa, taasina ay keentay
kala-jabka ku yimi, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawici karta
hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa kale oo uu waraysigaa ku naqdiyey
siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland oo uu ku
sifeeyey mid aan si wanaagsan u shaqayn oo fadhiid ah.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda daalka Soomaaliya iyo xasuuqii
taliskii Siyaad Barre u geystay shacbiga reer Somaliland.
“Dadkeennii waa la xasuuqay oo lafahoodii ayaa meel walba daadsan,
waxayna ahayd in Soomaaliya maanta innaga baqato ee may ahayn in
innagu aynu ka baqano,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.
Geesta kale, waxa uu Faysal Cali-waraabe waraysigaas kaga warramay
hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland
ee la filayo in ay dhowaan dalka ka dhacaan.
Source:Togdheernews
|