Dood Furan: Dedaalkii Maryan + Duristii Hadra awi = Hadraawi Quudhsigii Qiilbuu U Yeelay

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa Dhammaan Ummadda Islaamka Meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba. Marka Xigta waxaan kaa Codsan lahaa Dooddan inaad u dhuuxdid, si ay Xaqiiqdu kuugu iftiinto,  Mahadsa nidin.

Sida aynu ogsoonahay Fannaanadda Caanka ah ee Maryan Mursal Ciise X. Bootaan, Waxa ay Dhawaan timi Dalka. Waxaa loo sameeyey soo dhawayn Qaran tii ugu heerka saraysay ee Fannaan ama Fannaanad lagu soo galbiyo. Intii ay Dalka ku sugnayd waxaa loo qabtay Xaflado iyada u gaara. Waxaana ka mid ahayd Xafladdii Loogu sameeyey Guriga Madaxtooyada S/Land, oo ay Marwada Koowaad Huda Barkhad Aadem ku guddoonsiisay Shahaado Sharaf iyo Hadiyado Badan.

Iswaydiintu Waxay tahay Maryan Mursal Maxay ku mutaysatay Hab  Maam uuskaasi heerka sare ah ? Jawaabtu u fududaa, Qalbigii Fayow...Run  ahaa ntii Fannaanaddu waxay ka mid tahay Beelaha la Hayb sooco, Laakiin waxay ka badheedhay Garabna Siisay Somalilandnimada. Halka ay ka maageen Fannaaniin Faro badan oo ka tirsan Beelaha wax Hayb sooca, kuwaasi oo Fankooduna Salka ku hayo Somaliland.

Tusaale

Akhriste Adoo Indho Fayow ku eegaya Bal Is bar-bar dhig Dhacdadooyinkii ugu dambeeyey ee ay Labadan Fannaan ku muujiyeen Badheedhahooda.



Maryan Mursal Ciise : Fannaanadani waxay go'aansatay Sannadkan u  damb eeyey inay la dareen noqoto Reer S/land. waxay Dhawr bilood ka hor sii bilawday Qaban-qaabada iyo ka qayb-qaadashada Maalinta Qaaliga ah ee 18 May. Waxaanay si niyada ugu sii diyaarisay Hees Ammaana oo ay ku nuux-nuuxsatay, iyadoo ka qaaday Xafladdii Xuska 18 May ee lagu qabtay Magaalada London ee Carro Ingiriis. Xassan Aadem Samatar : Markii ay soo dhawaatay Xuska 18 May, ayaa Guddidii Agaasinka ee Magaalada  Stockh olm ee Dalka Sweden, ay la xidhiidheen Fannaanka Xassan Aadem Samater, Waxaanay ka codsadeen inuu kala qayb qaato Xafladdaasi oo uu ka heeso. Isagoo ka biyo diidsan Toosna aan diidin ayuu Baayactan soo qadimay, waxaanu Shardi kaga dhigay In la bixiyo $ 2000 ( Labo Kun oo Dollar ) oo Carbuun ahaan. Isla Markiiba Guddidii way u shubeen Lacagtii Carbuunta ahayd. Laakiin nasiib darro, Fannaankii Xassan Aadem waxa uu ku kacay Fal aan laga filayn, oo waxa uu Jaray kasoo qayb galkii xafladda, issagoo la goostay Lacagtii loo qadimay. waxaana la sheegay inuu u baxsaday ilaa iyo Magaalada Dubai.


Intaa aan kaga gudbo Badheedhahii Labada Fannaan, Oo aan hollado Bar-tilmaameedkayga oo ah, Dedaalkii Maryan Mursal iyo Duristii Abwaan  Hadr aawi. Maryan Mursal Mawqifkeeda ku aaddan Somaliland kasakow, waxay Geed dheer iyo mid Gaabanba u fuushay, sidii Beelaha ay ka midka tahay isu dhex gali lahaayeen Beelaha kale ee Soomaalida, si looga baxo Quudhsiga, oo inta badan Looga badsado Reer Somaliland.


Waxaanay Maryan, Hadraawi iyo dad kale oo badani ku dedaaleen sidii loo tir-tiri lahaa Hab dhaqankaa Xun ee Hayb sooca iyo Quudhsiga. Waxaanay Fannaanaddu qaaday Tallaabooyin wax ku Ool ah, waxay ku dhawaaqday inay Iskuulo u dhisayso Beelaha La Hayb Sooco, Waxaanay Dhagax dhigtay kii ugu horeeyey oo laga bilaabay Xaafadda DAAMI ee Magaalada  Hargey sa. Waxaanay intaa raacisay inay Iskuulkan ugu horreeya ay ugu Magac darayso Abwaan Hadraawi.

Halkaasi markay marayso, ayuu Abwaan Hadraawi laftarkiisuna Jawaab celin ka sameeyey Magaciisaa ay Maryan la jeclaatay Iskuulkaasi. Waxaanu Abwaanku ka Cudur daartay in Iskuulkaasi Laga dhisayo Xaafadda Daami loogu Magac daro, isagoo sheegay inay jiraan Rag Halyey'yo ah oo ka tirsan Beelahaasi la haybsooco, sidoo kalena waxa uu yidhi, Waxay ku haboontahay Qofku Markuu dhinto in Loogu Magac daro Meel si loogu xasuusto. Aduu isku soo xoorioo si Cad ayuu Hadraawi u duray Maamuuskaasi Maryan.

Duristaa Hadraawi, waxay keentay inay Maryan Mursal Habeen badh ka  gu ddo oo ay Cadho kaga baxdo Dalka. iyadoo ka horreysay wakhtigii u  qorsha ysnaa inay dhoofto, Sidoo kalena waxay gabi ahaanba joojisay  qorshay aasheedii ahaa, Bandhig Faneedyo ay ka dhigto Dalka. Waxaa la sheegay in xubno Cul-culus oo Dawladda ka tirsani ay sasabaad ugu tageen Maryan, Laakiin ay ganafka kuso dhufatay, sidiibaanay kaga baxday dalka.

Haddaba Wacdaruhu waxay ka joogaan Labadan Su'aalood oo kala ah:



Ma Maryan Mursal baa Sal Fududaatay ?
Mise Abwaan Hadraawaa La Seegay ?


Waxaan Anigu Fikraddayda Gaarka ah aan odhan lahaa, Abwaan  Hadraaw aa la Seegay, Waayo Inantu waxay Shaaca ka qaaday Waxyaalaha ay Hadr aawi ku dooratay, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay sheegtay kuwan:


Hadraawi waxa uu u muuqan jiray Nin aad ugu Ololeeya, had iyo goorna u dooda Beelaha La Hayb sooco. Waxa uu Abwaanku si gaara, Abaal wayn ugu galay, Fannaanadda Maryan Mursal, isagoo marar dhawra kala  dabb aashay Xaalado ku Cakirmay iyo Duruufo adag oo lasoo dersay  Fannaan adda. Hadraawi Waa Abwaan Macruufa oo ay Maryan Mursal ka haysatay Kalsooni Buuxda oo ay isu hallayn karaysay. Sidaasi daraadeed ayey Inantu ugu Maamuustay Hadraawi. Waxaanay intaasi raacisay inay sidan u samaysay sidii Is dhex gal u iman lahaa, iyadoo qorshaysay Iskuulkaasi ugu horreeya Hadraawi, kuwo kale oo ay sheegtay inay ka bilaabayso Burcana ay u qoondaysay inay ugu magac darto Raggii Caanka ahaa ee Beesheeda ka tirsanaa sida Abwaan Xuseen Aw Faarax iyo Cumar-dhuule.

Su'aasha kale ee Meesha taalla ayaa ah, Maxaadaama Hadraawi leeyahay Waan noolahay, Maxay Cid kale oo Macruufa oo Mootan oo Xusid mudan oo waliba aan ahayn Beelaha la Hayb sooco ay ugu magac dari wayday Iskuulka ay Daami ka dhisayso ? Jawaabta su'aashani waa Jaran jartii uu ka siibtay Hadraawi, waxaanan odhan lahaa anoo ka jawaabaya sidan " Horta inantu ( Waa Maryane ) waxay doonaysay Dedaalkii Afka ahaa ee ay Muddada soo wadeen, Iyada, Hadraawi iyo Dad kaloo badanba, ay ka midho dhaliso, oo ay Addin ama wax la taaban karo u bedesho. Sidaasi Hawshan oo ka gedisan tii Afka, ahna Bar bilaw, wax ay door biday inay hormood ama Tusaale lagu dayan karo ka dhigto, Shakhsi Magac, Maamuus, iyo Sharafba ku leh Bulshada dhexdeeda, kaasi oo waliba noqon kara Shakhsiyad nool si ay ugu dhiirato markay Kalsooni Buuxda ka hesho. Waxaanan Filayaa, inay Shakhsigaasi dhanna u dhaafin wayday Abwaan Hadraawi oo ay Aad iyo Aad ugu kalsoonayd.

Eray Filanwaa iyo Waxaan loo fadhiyin ayaa kasoo yeedhay Odaygii Hadraawi, kaasi oo uu kaga biyo diiday, Maamuuskii Inantu u garatay. Waxaana halkaasi ka caddaatay in Qawlka iyo Ficilka Abwaan Hadraawi aanay islahayn. Waxaana Abwaanka horey loogu Taag waayey inuu ka dhabeeyo Qawlkiisa oo uu Baalaleeyo kana guursado Beelahaasi La Hayb
sooco, Sheekadaasuu kusoo baxday Mar uu Dood ka dhiiban jiray Barnaamijkii QUUDHSIGU QIIL MA LEEYAHAY ee ka bixi jiray Idaacadda BBCda Laanteeda Afka Soomaaliga. Taasi waxaa u raacday Dhacdadan Maanta oo iyaduna sii xoojisay siduu Hadraawi u jidh diidanyahay Qoladaasi la Hayb sooco. Inkasta oo uu Afka ugu hiiliyo, Laakiin Quruxdu sidaasi maahee Waa inay Islahaadaan Ficilkaaga iyo Qawlkaaguba.

Siday Maryan doonaysay, may noqon laakiin waxay noqotay Bedelkeeda oo ah, Inuu Hadraawi Hoggaanka u hayo Quudhsigii iyo Takoorkii lagu hayey Beelahaasi lagu Xad gudbay. Waayo Waxay ku xisaabtamaysay Qawlkii Hadraawi, iyadoon Ficilkiisiiba ka jibo keenin. Taasina waxaa ka dhashay inay Inantii Maryan Macaankii ku kaco Cadho daraadeed, hawshiina faraha ka qaado iskagana Cararto Dalka, ileen ninkii Kaliyaata ee ay Garabsanaysayna waa kan ku laagtee Jir jirroolaha ku noqdee.

Haddaba Hadal iyo dhammaan waxaan odhan karaa oo aan kusoo gabo gabaynayaa Odhaahdaa Hadraawi iyo Arrinkaa Maryan waxay noqdeen Dhul-gariir. Waxaana soo baxday sidan:

Dedaalkii Maryan + Duristii Hadraawi = Hadraawi Quudhsigii Qiilbuu u yeelay.

Sidaa iyo Kulan damboo Xiiso leh, iyo Tawfiiqda oo Ilaahay Inna Waafajiyo.
 

 


Qalinkii: C/salaam Cusmaan Cumar-jeex
( Abu Hurayra )
E-mail: Salaanmuctasim@hotamil.com
Hargeysa, Somaliland.