Doobirta Dagaaladii Geeska Afrika

By: Hamud Duale

 


 


Maqaalkan waxaan qoray Abriil, 2010. Aniga ka waramaya dagaaladii sokeeyaha cidday duxi ka raacaday. Waxaan ka soo min guuriyey intaqan gooli baadhay(google) mareegta, Timacadde, oo aan waxba ka lumen.
Dagaalkasta oo la galaa doobir iyo digo gub ayuu leeyahay, inkasta oo ay kala baaxad weyn yihiin oo aan la isbarbardhigi Karin. Badh iyo waax toona isku ma laha. Aniguna xaashaa isku dhererin maayo, laakiin dagaalada qadhaahdhi, waa si dacarta qadhaadh ee malabka dhasha, oo ma doobir la’ , oo cid ayuunbay duxi ka raacdaa. Doobirtiisa ugu weyni waa ta waayo  aragnimo ee danbaskiisa lagaga baydho, nabad waartana lagaga arrimiyo.

Cidda doobirtu raacdaana waa cidda dalka iyo dadkaba daba qabataysa, ee dib u yagleela, oo muruq iyo maalba u hura, si burburka, dib u dhis loogu bedelo.

Qarankasta oo dagaal burburiyana waxaa dib u yabyaba oo nabada ku soo dabaala intay duxi ka raacday oo u guntada, sidii looga soo kaban lahaa in fallawgeed qabto, islamarkaana la helo sharci iyo kal danbay, si uu u badbaado wixii ay kasbadeen, uu deganaasho iyo  ummadooda oo nabad ah, ugu dhex kadbadaan, oo ay calfadaan.

Qarankii dumey iyo dagaaladii geeska Afrika ayay duxi ka raacday? Kuwaasi weli ma u  guntadeen, oo ma dhisayaan nidaam hantidooda difaaca, oo dadka iyo dalkaba waxtara? Ma dalal shidheeya ah ayay maalgeliyaan oo miciin moodayaan in uu kooui baaba’sanaado, hantidooduna dal kale iyo dawlada kale u ilaaliyaan? Ma kuwa siyaasiyiinta sheegta iyo kooxaha qaldhabaya ee kala aragtiyaha duwan ayuunbuu xilka saaran yahay in ay dawlad soo dhisaan, oo lala kala safto? Su’aalahaa iyo kuwa kale oo soo socdaba idinkaan idiin dhaafayaa.



Dagaalkasta dhinacyada isku haleela, heer ku doonaba ah ahaado, ciddina lib iyo guul lama hoyato oo waa la wada ogyahay in aan dagaal wiil ku dhinta mooye, wiil caga bidhyaynaya ku dhallan. Waa lagu if iyo aakhiroba seegaa oo weligii laguma aflaxo, adduun baa ku besbeela, mood iyo nool leh. Hasayeeshee laguma waaro ee nabad aan gaboobeen ayuun baa ka danbaysa.

Haddaba dagaaladii beelaha geeska afrika, wixii mooraduug , qarankii dunburush yidhi, qaxii iyo qalaasihii, balaayadii dhacday qaar bay barkhadooda ahayd.

Teer iyo Siyaad Barre wixii gaadhba, gaadh naga bedely , ee haadba haad kiciyey, ‘Qul hu  wa laah axad’ ayaa isku fuuqsatay. Qul hu walaha, higaad looga dhigay fiqi tolkii kama janno tago, dab wax guba iyo dollar. Waxaa shad iyo med looga dhigay habartii baas iyo habeenkiidii hayb haybta, foodsaar waxaa looga dhigay dariiqooyin diini ah oo lagu raadgadanayo. Waxaa lagu xarakeeyey oo loogu dhawaaqay sida tan: hubaa laba kordheban, hiilbaa laba hoos dheban, hoog baa laba godan. Bombaa laba kordhaban, biimaa laba hoos dhaban, burdaa laba godon. Iyo qayb kale oo weli ku luuqaynaysa: “wankii badhi leh balaayada kaa dabaalee, riyo buurbuurano orgi waa baalaayee”.

Dadka waxay ku baqamaalayaan buruud iyo awood ruuxi ah ayaanu leenahay.

Culimada mid waliba kitaab qumane ah ayaa qoorta loo soo sudhay. Mid waliba kitaabkiisa qiil uu ku jahaado iyo cid uu la jahaado wuu ka helay, waxse laga waayey qiil lagu kala bogsado oo lagu heshiiyo oo nabada u adeegya. Taana waxaa keenaya danahooda kala gaarka iyo cida ay la kaashanaya damacooda qaladka ah oo kala afkaar duwan. Marar badana waxaa garsiinaya oo dad badani ugu garaabayaan falalka ay ku kacayaan iyo faragelinta ay ku hayaan  qabqab layaasha dagaalka ee adduun weynuhu ee reer galbeedka iyo kuwa adeegsadaan oo aad isku diir iyo dub tihiin. Si kastaba ha ahaatee balaayada ay shidayaan iyaga waa barkhadooda, oo shirkado iyo dariiqooyin diini ah weeyi. Waxay kumayaal ku dhimanayaan Alif waxbuu  lee yahay iyo ma laha, Nabigu xus buu leeyahay iyo malaha ee xusuus buu leeyahay.

Araartii ayaa ila durugtaye oo waan qardo jeexaye aan dib ugu soo laabto booygii ii  qorshaysnaa ee aan ku talogalay in aan maanta shiineeyo. ( halka booy waa 1 column , qoodiguna waa 4 columns). Waxaan shinaynayaa afar qoodi oo ka mid aha baraha Internetka, gaar ahaan kuwa naxliga, sardida iyo burxaanta laga dhameeyey ee aabahay goblin ka gudbey, ee aragtiyaha kala duwan daabaca ee aan qaarna daadufeen, qaarna xardhin.

Shirkadaha ganacsiga ee la unkamay burburkii qaranka, waxaa ka mid ah kooxaha iyo  maamulada ku qadhaabta magacyada kala duwan ee dalku u qaybsan yahay, ee uu ugu weyn yahay ka ku qadhaabta magacii Jamhuuriyadii Somaliya, haddana ugu yar ee xuduudiisu ku ektahay gurigii madaxtooyada la odhan jirey.

Kuwaasi iyo qadhaabkoodu ha ii danabeeyaane, qormadan maanta waxaan ka bilaabi doona  shirkadaha ganacsiga ee balaayadii dhacday, barkhadooda ahayd oo ka mid ah doobirtii  dagaalada. Waa dhabaqii dacartii dagaaladu dhashay ee aan weli laga muudsan malabkii iyo  macaankii nabada iyo taakulayntii, laga ulanayey. Awoodii iyo masgaxdii dadka lagu badbaadin lahaa maanta way leeyihiin, haddii ay ka gaabsadaan maalgelinta ay ku samaynayaan degalada shisheeyaha, iyaga oo kheyraadkii badooda iyo berigooda shirkado asaagood ih guranayaan. Aan ka bilawno shirkadaha Xawaaladaha, oo haatan isku bedeley jeebad tuuga musuqmaasuqlayaasha.

Shirkadaha xawaaladaha, Isgaarsiinta iyo ganacsiga digital-ka.

Bal dhugo iidhehdan laga baahiyo TV-ga Universal ee ku saabsan mid ka mid ah xawaaladaha.

· Dire: “Lacagtaan Xawaaladda kuu soo dhigay ma heshay.”

· Loo dire: “Maya, shinmaad soo dirtay”

· Dire: “Haddaan soo diray, hadduu qaadanayaana waa la igu yidhi.”

· Loo dire: “Waa tanaa. Waaba socotaaba. Weligee lacag sidan u buubaysa ma arag. Jeebkay hadda geleysaaba. Waa ku ururtaba, express-kii la sheegayeyba waa kan.”

Dire:Qax,qax,qax,qaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqaxqax......

Iidhehdan waxaa iska kaashaday sedex shirkadood oo kala ah xawaaladaha, Isgaarsiinta  dig italka (telefoonka gacanta) iyo warbaahinta digitalka (Tv-ga). Waa doobirtii dagaalada.

Ereyga Qax mar waa qasab ku barakac( waar qax oo iga hortag), marna waa dhawaaqa  qosolka iyo raynraynta, oo ka soo yeedha kii kelifey qaxa. Loo diruhu waa qax, diruhuna wuu qax qax laynayaa. Waa laba erey oo macnahoodu kaaf iyo kala dheeri yahay. Doobirtu waa  laba daa dhexdooda, oo xawladaha iyo shirkadaha digitalku macaash ka sameeyaan.
Qaybtii koowaad.