Diyaarad Hadli Weyday Oo Xalay Ku Dul Wareegtay Hargeysa

 


Diyaarad aan haybteeda la garanayn ayaa dhawr saacadood xalay ku dul wareegtay magaalada Hargeysa, waxaanay dad khubaro ahi ku tilmaameen inay ahayd diyaarad milatari.

Diyaaradaasi waxa ay markii u horaysay hawada Hargeysa soo gashay qiyaastii 8:30 fiidnimo, balse markii ay saddex jeer ku wareegtay magaalada, ayay dib ugu noqotay halkii ay ka timid oo aan la garanayn. Hase yeeshe haddana 12:20 habeenimo ee xalay, ayay dib u soo noqotay waxaanay ilaa 2:00 habeenimo ku wareegaysay daafaha kala duwan ee Hargeysa. Mararka qaarkood inta ay xoogaa fogaato ayay haddana dib u soo laabanaysay.

Saraakiil ka tirsan madaarka Hargeysa ayaa xalay Geeska Afrika u sheegay inaanay garanayn diyaaradaasi, waxase ay xaqiijiyeen inay isku dayeen inay la hadlaan balse waxay cadeeyeen inay u jawaabi weyday, “Waanu la hadalnay, dhabaha diyaaraddana waanu u shidnay, laakiin way nala hadli weyday laydhkana way bakhtiisatay, waxaanan u malaynayaa oo ay aad ugu dhowdahay inay tahay kuwa sirdoonka Maraykanka.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay masuul ka tirsan maamulka sare ee madaarka Hargeysa, balse ka cudur daartay in magaciisa la sheego.

Saraakiil kale oo ka tirsan madaarka Hargeysa, ayaa iyaguna Geeska Afrika u sheegay inay aaminsanyihiin in diyaaradani tahay diyaarad milatari oo ay isticmaalaan sirdoonka Maraykanku.

Diyaaradan oo guuxeedu niskii dambe ee xalay toosiyay qaar badan oo ka mid ah dadweynaha Hargeysa, ayaa waxa uu duuliye ka tirsanaan jiray ciidamadii cirka ee Somaliya Geeska Afrika isla xalay u sheegay inay tahay diyaarad milatari, gaar ahaan kuwa sawirka qaada, waxaanu saadaaliyay inay ka soo kacday mid ka mid ah saldhigyada wadamada jaarka la ah Somaliland.

Ilaa hadda lama garan ujeedada diyaaradaas, mana jiro war rasmi ah oo ay Somaliland ka soo saartay. Waxase laga war qabaa inay dhawr jeer oo hore magaalooyinka Hargeysa iyo Burco dushooda goor habeenimo ah lagu arkay diyaarado noocan ah oo habeenkii war-wareega hawada magaalooyinka.

 

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika