Diyaarad aan la aqoonsan oo fadhiisatay Wajaale

 

Diyaarad yar oo la sheegay in ay tahay nooca yar-yar ee wax basaasta ayaa la sheegay in ay shalay abbaaro 12:00 duhurnimo marar
kala duwan fadhiisatay Magaalada Tog-wajaale ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ay in muddo ah dul wareegaysay.


Diyaaraddan oo ah nooca yar-yar oo sida la sheegay muddo saacad badhkeed ah ku sugnayd hawada Magaalada Tog-wajaale, ayaa fadhiisatay meelo kala duwan oo Togga qaybiya Magaalada ah, isla markaana ah dhinaca Somaliland iyo Itoobiya-ba. “Diyaaraddan oo ah nooca yar-yar oo aanu u

malaynayno in Maraykanku leeyahay waxay fadhiisatay laba jeer meelo kala duwan. Mar waxay fadhiisatay Togga Magaalada qaybiya, dhinaca Somaliland, halka marka kalena ay fadhiisatay dhinaca Itoobiya.” Sidaa waxa yidhi oo Ogaal u xaqiijiyay mid ka mid ah Masuuliyiinta ku sugan Magaalada Tog-Wajaale ee Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Waxaanu sheegay in aanay ka war qabin ujeedada ay u fadhiisatay Wajaale iyo waxay u socotayba.
Masuulkani wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in dhawr jeer oo laysku dayay in laga war doono, isla markaana loo dhaqaaqay dhinaca Diyaaraddani ku degtay aanay suurtogelin in la gaadho, ka dib markii ay kacday Diyaaraddaasi.

 “Markay Diyaaraddani fadhiisanayso boodhkay kicinayso waxa la moodayay in ay dhacayso. Inkasta oo aananu arki karayn cidda wadda ee saaran Diyaaraddan, haddana markii dhinaceeda loo kacay ee laysku dayay in laga war doono, markiiba kacday,” ayuu yidhi Masuulkan oo ka mid ahaa Dadkii goob-joogayaasha ahaa.


Dhinaca kale, Diyaaraddan ayaa sidoo kale fadhiisatay dhinaca Itoobiya ee Xadka, halkaas oo ay duushay markii Masuuliyiinta Itoobiya ee Magaalada Wajaale isku dayeen in ay ka war doonaan. “Sidoo kale waxay Diyaaraddani fadhiisatay dhinaca Itoobiya, markii ay isku dayeen Masuuliyiinta Federalka ee Itoobiya in ay ka war doonaan-na, Diyaaraddani way duushay, waxaanay u duushay dhinaca Koonfurta Magaalada, ilaa haddana lagama war qabo ujeedada.” Ayuu intaa raaciyay oo uu yidhi Masuulkani.
Geesta kale, mar aanu isku daynay in aanu faahfaahin dheeraad ah ka helno, isla markaana aanu wax ka waydiino Xukuumadda Somaliland, ayaa inkasta oo aanu la xidhiidhnay dhawr masuul, haddana aanay noo suurtogelin in aanu helno.
Maaha markii ugu horraysay ee Diyaarad aan la aqoonsanin soo gasho Hawada Somaliland, hase ahaatee, waa markii ugu horraysay ee Diyaarad noocan oo kale ah lagu arko Magaalada Wajaale ee xadka Somaliland iyo Itoobiya.


 


Source: Ogaal