DIMUQURAADIYAD: DAWLAD MASUUL AH OO DADKA MATASHA Q4
"kolka cod bixiyo garto awoodiisa siyaasadeed,
iyo inuu isagu yahay isha ay ka unkanto awoodd a dawladdu,Wakiilo
iyo Xukuumadba, ayaa ay taabogal tahay dimuquraadiyaddu."Ahmed
Arwo
Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa
raxmatullaah wa barakaatu.
Aan ku bilaabo hanbalyo iyo
bogaadin Madaxweynha isbedelka ku sameeyey xukuumadda iyo xubnaha ku
soo biiray. Waa sunnaha dimuquraadiyadda in kolba cidi qabato xilka.
Waxaan xubnaha cusub dhaamaan u rajeynayaa inay noqdaan xilqaad
xilku damqo oo dhab u garta cidda ay hawsha u hayaan, inay la
yimaadaan wadashaqayn (Teamwork) Illaheyna waxaan uga baryayaa inuu
u sahlo gudashada waajibaadkooda. Madaxweynahu wuu idin xushay qadar
Allana wuu raacay, noqda cududa uu Madaxweynahu wax ku fuliyo, iyo
maskaxda u soo jeeda baahida dadweynha, xilkana ku guta sidaad u
dhaarataan, sinaan iyo cadaalad ayaa leydinka fadhiyaa. Xilkana ku
waarimeysaan ee waa waxaad taariikhda gashataan waxa idiin waari
doona.
Waa qormadii afraad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee
adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu
dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno
xanuunada aafeeyey nidaamka aynu qaadanay.
Inta aynaan u gudbin mas'uuliyadda looga baahan yahay dawlad
dimuquraadi ah, aynu ku nagaano qaybtii matalaada ee aynu
qormooyinkii hore ku gorfeynay, annigoo qormadan ku soo gunaanadi
doona matalaadda iyo qiimaha ay leeday inuu noqdo codbixiyahu qof
waaci ah oo garanaaya waajibka cod-bixinta.
Innagoo soo aragnay in halgankii loo galay HAL QOF, HAL COD, oo ay
hogaaminayeen aqoonyahanka iyo ururada bulshadu, waxa is weydiin leh
dalkeena kaalinta ay kaga jiraan colkaasi. Waxa hubaal ah inayna wax
raad ah ku lahayn jaamacadaha, aqoonyahanka, iyo ururada tirada
badan ee bulsho ee dhowaan sida waarigta u soo foocay. Kowaas oo
dhan kaalinta wacyigelinta dadweynha ayaa xil ka saaran yahay. Waxa
waajib ku ah inay la yimaadaan doodo dantoodu tahay in garaadka
dadka kor loo qaado, in qabiilka iyo kala faquuqa lala dagaalamo, in
mas,uulka iyo shacbiga loo dhig dariiq ay ku xisaabtamaan. INtuba
wey ka maqantay madasha siyaasadda.
Kolka cod bixiyo garto awoodiisa siyaasadeed, iyo inuu isagu yahay
isha ay ka unkanto awoodda dawladdu., ay tahay mid ay isaga ka
farcantay ooy wakiilnimadiisa ku kasbadeen, waxa ilko yaxaas
yeelanaysa la xisaabtanka dawladda oo ku soo uruuraysa gacmaha
dadweynaha. Waxa ay aqoonsanayaan hawl wadeenada dawladdu inay
yihiin shaqaale u adeega dadweynha bixiya mushaharkooda, ciddii
hawshoda ka soo bixi weydana ay tusi karaan dhabbada loo maro suuqa
shaqo la'aanta
Xukuumadda iyo dadweynaha waxa u dhexeeya Golaha Wakiilada ooy u
igmadeen inay xukuumadda ku ilaaliyaan sharciga iyo nidaamka dalka u
yaal.Dadweynahu waxay tahay inay gartaan cidda matalaysaa inay tahay
wakiilada oo ay kula xisaabtamaan wax qabadkooda mid midna u eegaan
.
Haddaba dalalkan galbeedka ee ku socda nidaamka dimuquaadiyada
furani, waxa ay gaadheen heer dhab ahaan awooddu gacanta shacbiga
ugu jirto. Waxaad taas arkaysaaa marka aad ka qayb qaadato shirarka
Madaxdu la yeelato dadweynaha. Waxa kuu muuqanaysa dhacdo aad uga
duwan tan looga bartay madaxda Afrika iyo Carabta. Ma jiraan ciidan
hubaysan iyo dhar cad dadka juuq dhegaystaa, waayo waxa meesha
joogaa waa madaxda oo hor timi ciddii shaqada u qoratay,
mushaharkoodana bixiya oo ka raba xisaab iyo xog waran. Cidi uma
dhaxayso, su’aalahana waxa leh shacbiga, dhididka iyo madax
foorarkuna waxa uu la saaxiib yahay madaxda. Waxaad maqlaysaa ereyga,
haddaanu nahay cashuur bixiyaasha ( Tax Payers). Waa erey kolka
codbixiyo laabta gashado siinaysa geesinimo iyo dhiranaan uu nin
kasta oo xil dawladeed haya kula xisaabtamo, isagoon libiqsanayn,
bal se indheha ku caddeynaaya shaqaalihiisa uu hawsha ka sugaayo.
Madxadu waxay ogtahay in xisaabtan adag dadweynahu xaq u leeyahy,
haddayna u diyaar garoobina ay xilka waayi doonaan. Xildhibaan kasta
iyo Wasiir kastaa waxuu jecel yahay inuu cidda u soo cabata sida ugu
habboon wax ugu qabto, isagoon u eegeen inuu yahay qof u codeeyey
iyo in kale, waayo haddaanu u codeyn waa mid uu u baahan yahay inuu
xeradiisa ku soo xidho, haddii uu u codeeyeyna inuu kalsoonidiisa
sii adkeeyo.
Mar walba waxa boqor ah dadweynaha. Siyaasi weyn oo arrintan ka
hadlay waxuu yidhi, --- Waxaan ugu jecelay kolka muwaaadin cabanayaa
ii yimaado, waxaan u guntadaa inaanu marna iga tegin isagoon
qalbigiisu kalsooni buuxda igu siin. Maalinta aan waayo cid
cabanaysa, waa maalin aan ii tirsanayn. Ninka qof toos ugu soo
cowday kalsoonidiisa kasban waayaa, ma noqon karo siyaasi
dimuquuradi ah.
Ereyga iigu dambeeyaa, waa in la helaa doodo aqoonyahanno oo ku
dhisan aqoon aan xisbiyeysneyn hormoodna ay ka noqdaan jaamacaduhu .
Ma kula tahay in la dhiso ururo mihnadeed si inta isku dan ihiba u
yeelato mel ilaalisa dantooda, taas oo toos u wiiqi doonta
qabyaaladda.Maxaa ragaadiyey doorka Jaamacadaha looga baahnaa
dhinaca dhismaha bulshada iyo horumarinta hilinka dimuquuradiyadda.
Arrimahani waa qaar u baahan inaynu u aragno wadar ahaan, innagoon
dawlad iyo shacbi kala soocneyn, innagoon mucaarid iyo muxaafid u
kala baxayn.
Aan idinku maca-salaameeyo in aynu noqono dad wada dooda oo doodoodu
ka fogtay shakhsi toocsi, iyo qabiil dirir iyo gobalaysi. Doodo
danta guud ah iyo meelaha nidaamkeenu uga baahan yahay kabidda, aynu
noqono dar isku duuban kolka ay timaado arrimaha qarannimada, aan
wada ilaalino nabadda iyo wadajirka. Xukuumadda aynu dooranay aynu
noqono kuwa garab gala, meelaha ay ka gaabisana si nidaamsan wax ugu
sheegno. Nidaamka iyo sharciga aynu muxaafid iyo mucaaridba dhowrno
Dhawaan waxaynu geli doonaa waajibadka dawladda ooynu ku bilaabi
xundhurta dadweynaha iyo xukuumadda oo ah Golayaasha Sharcidejinta.
Waa inoo maqaal kale iyo fikir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo
|