Dilka Tuulada Saameel: Tacsi, Digniin, Taageero iyo Baaq nabadeed Oo Ku socda Dadka Walaalaha ah Ee Ku Nool Degaamada Ceel-Bardaale iyo Agagaarkeeda.

 



Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Anaga oo ah dadka ku dhaqan dalka UK ee ka soo jeeda Asal ahaan deegaamada ay mashaqada waynii ka dhacday ee Gabiley/Baki waxanu ugu horayn ka tacsiyadaynaynaa geeridii sedexdii marxuum ee lagu dilay Saameel guud ahaan qaranka Somaliland, gaar ahaana qoysaskii, xigtadi iyo ehelkii ay ka baxeen marxuumyada lagu laayay tuulada Saameel. Isla mar ahaantaa waxanu marxuumyada inaga wada dhintayna Ilaahay uga baryaynaa inuu Janada Fardawsa ka waraabiyo, Aamiin Insha Allah.

Mar labaadka waxan digniin u diraynaa war-baahinta iyo inta kale ee arimaha faraha kula jirta oo aanu leenahay durba yaan arinta meel lagu waabin oon cid gaar ah dusha laga saarin iyada oo aan cadayn buuxda dadka falkan gaystay iyo halka ay ka yimaadeen toona wali lahayn, taasi hadii ay dhacdo oo aan dhagarta meel dhigno hubsiimo la' aan waxa ay inagu keeni kartaa mashaqo iyo dhibaato kale oo tan hada lagu gurmaday xalinteeda ka waynaan karta, sidaas darteed inta baadhitaanku socdo waa in laga foojignaadaa in eeda meel la saaro, waxanu leenahay yay inaga noqonin uun xaajadu '' Col iyo Dhaanba meesha laga eegayay ka yimaadaan', waxan sidaasi u leeyahay, wax kastaa Sabankan aan joogno suurta gal ah oo dhici kara.

Mida sedexaad, waxanu si buuxda u taageersanahay amarkii madaxweynaha ee ahaa in sida ugu dhakhsaha badan leh loo soo qabto cidii falkan gaysatay oo sharciga la hor keeno. Ugu danbayntii iyo gabagabada waxanu dadka wada dhashay ee walaalaha ah (Abti iyo Ilmo-abti) ee deegaamadaasi Ilaahay ku wada beeray ugu baaqaynaa inay meel uga soo wada jeestaan oo ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay iskaga caabiyi lahaayeen waxii kasta ee wada noolaaanshahooda kala dhantaalaya, arintan hada dhacdayna dhakhso xal ugu heli lahaayeen.

- Waxanu mar kale ku celinaynaa oo aanu leenahay Ilaahay naxariistii jano marxuumyada inaga dhintay dhamaanteenba ha ka waraabiyo inagana, Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo. Dawlada Somaliland waxanu ka naawilaynaa inay hor-keento sharciga cidii falkaa ka danbaysay ee ay ku cadaato!

Salaama Calaykum.

 

 

 

 

Cali C. Xasan