Dildilaaca KULMIYE Wuxuu Ummadda Geliyay Werwer Iyo Walaac

Dilaacaa waxa aan anigu u arkaa nasiib daro iyo masuuliyad oo ay ka soo bixi kari waayeen kuwii loo igmaday oo marin qalada loo higsaday.

Inkasta oo uu mawd uun ka xigo in ay xukunkii wadankan Cod kula wareegi doonaan umadiina ula diyaar tahay in ay kuwan meesha ka tuuraan.

Hadaba Kulmiye waa in uu ogaadaa in aan isla wayni hoosteedu madhan tahay iyo anaa idhi aan ummada lagu xukumi karin .

Haddaba waxa aan leeyahay kulmiye masuuliyad Qaran mar-way ku hagtaa marna way ku hodaa, markay ku hagayso waxay ku tusta oo aan waran lagaaga furfuri karin wixii loo igmaday iyo wixii wanaagsan ee kale ay ku sii darayso.

Markay ku hodaysana waxay is kaa siisaa aduunyadoo idil sida ay maamulkeenan isu siiyay dad iyo xoolo wixii dalka jooga, maantana ay isugu keentay 50-kii wasiir ee Daahir Riyaale iyo isaga ruuxiisa si xoogle ugu dhaqsanaadaan iyaga oo labada gacmoodba ku haya wan wayn macaashii.

Abudkay ma aanan arag sheekana kuma aanan maqal intaas oo wasiir oo sidii xiniinyaha laga sari baqo daradeed loogu sunsumiyey meel qudha oo aanay sowt ka lahayn sina u diidi karin sidii Amar saatirku yidhi oo ka indha saabtay badiba waxaa aynu nidhi oo idil.

Waxa aanu shaki igaga jirin ina wixii dhacay afartii sanadood ee ina soo dhaafay ee ka salaliyey qaarkeen hurdadii habeenimo uu maamulkani ka masuul yahay ay taariikhdu ka sheekayn doonto sanno badan.

Waxaan ku soo goynayaa oo aan kulmiyana leeyahay xukun aad ummadan u qabataa mawd baa idinka xiga iyo afar masalo ee hoosta ku adkuran oo aydaan kala masuugin umadan in aad maanta u sheegtaan.

Ta ugu horay waxay tahay in aad balan ku qaataan cadowgan lagu soo daayey badaheenii ee aan ka tagayn xabad kaluun ah beedkeed oo meesha ka caydhin doontaan.

Ta labaadna waxay tahay ina citiraafkan aduunyadu inoola diyaar tahay dagdag inoogu doontaan.

Ta saddaxaad-na waxay tahay ina cadaaladan halowday ee jaan iyo cidhib meel ay dhigtay la garanayn, idinkoo isku duuban aad ummadan u doontaan.

Ta afraadna waxay tahay in aydaan hantidii ummadan ee hadh keedii la laayahay in aydaan ka hadhi doonin ilaa aad heshaan halkay ku danbaysay.
 

 


By: Xasan Aw Libaax