Diiwaanglintu ma Noqon Doontaa Furaha
Aqoonsiga Somaliland?
Waxa si habsami heer sare ah uga
socda gobollada uu ka kooban yahay dalka Somaliland, hawalaha
diiwaangalinta codbixiyeyaashaa iyo qaadashada kaadhka aqoonsiga
muwaadinka. Tallaabadan oo ah tii ugu horreysay ee beesha caalamku
ka hirgaliso dal aan haysan aqoonsi buuxa, ayaa u muuqata sida ay
dadka siyaasadda faalleeyaa u arkaan furihii aqoonsiga
madax-bannaanida Somaliland.
Hawlaha diiwaangalinta oo ilaa afar gobol oo ka mid ah lixda gobol
ee Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay si fiican uga hirgalay,
ayaa lagu rajo weyn yahay in si nabadgelyo ah ku soo gebageboobaan
labada toddobaad ee soo socda.
Sida laga war-qabo, waxa lacgta ku baxaysa hawlaha diiwaangalinta
inteeda badan bixiyay deeq-bixiyaasha caalamka, sida EUda, Norway,
Ingioriiska iyo Maraykanka. Lacgta ay sida tooska ah ugu deeqeen in
lagu fuliyo hawlaha diiwaangalinta ayaa lagu qiyaasay in ka badan
shan iyo toban million oo doolar. Dada badan ayaa qaba in caalamku
ujeeddo gaar ah ka leeyahay hawlaha diiwaangalinta ka socota
Somaliland, mar haddii adduun intaa le’eg lagu bixiyey sidii
Somaliland uga qabsoomi lahayd doorashooyin xalaal ah.
Aqoonyahannada siyaasadda adduunka indhoindheeyaa sida Jeffrey
Gettlman (New York Times), waxa ay arrintan ku fasirayaan mid
hordhac u ah in caalamku Somaliland siinayo aqoonsi buuxa.
Tan iyo intii ummadda reer Somaliland qaadatay go’aankii taariikhiga
ahaa ee ay kula soo noqotay madax-bannaanindeedii, waxay muujisay in
diyaar u tahay siday u hirgali lahayd go’aankaasi. Haddaba, si loo
adkeeyo adduunweynahana loo tuso sida ummadda Somaaliland ugu dhab
tahay goonni-isu-taaggu waxay dawladda Somaliland dadka u soo
bandhigtay distoorkii lagu maamuli lahaa dalka, kaasoo si cad ugu
qoran tahay in Somaliland tahay dal madax-bannaan, ayey ummadda reer
Somaliland ku oggalaadeen cod dhan 97%.
Waxa kale oo Somaliland qaadatay in ay ku dhaqanto habka
dimoqraadiga xisbiyada badan. Ilaa hadda waxa Somaliland ka
qabsoomay saddex doorasho oo ay u tartameen xisbiyo badani.
Doorashooyinkaasi oo u dhacay si dimoqraadinimo ah, waxa tii ugu
horreysay lagu soo doortay Golayaasha Deegaanka, tii labaadna waxa
lagu soo doortay Madxweyne iyo Madxweyne-ku-xigeenka, tii
saddexaadna waxay ahayd doorashadii mudanayaasha Golaha Wakiillada
hadda jira.
Doorashooyinka dalka ka qabsoomay waxa ka soo qaybgalay
goob-joogayaal caalami ah oo ka kala yimid meelo badan oo caalamka
ah, sida Ururka SAAP oo ka socday dalka Koonfur Afrika oo uu
hogaaminayay ninka la yidhaahdo Shannon Field iyo Catholic Institute
for International Development. Ururadaasi waxa ay caalamka u ban-dhigeen
war-biximo ay si cad ugu sheegeen in ay Somaliland ka hirgaleen
doorashooyin xor ah oo xalaal ihi. Ururadani waxa ay caalamaka u
banndhigeen in Somaliland la aqoonsado iyo in ay ka caawiyaan
arrimaha la xidhiidha xagga doorashooyinka sida diiwaangalinta
codbixiyaha.
Waxaan shaki ku jirin in ay Somaliland ku tallaabsatay qorshayaal u
horseedaya in ay hesho aqoonsi caalami ah. Waxa Somaliland ku
guulaysatay in dalkeeda ka hirgalisho nabad iyo degenaansho. Waxa
kale oo Somaliland noqotay dalka keli ah ee Geeska Afrika ku yaal ee
dimoqraadiyad iyo warbaahin xor ah ka jirto, sidaa daraadeed waxay
Somaliland arrimahaas ku mutaysatay inay yeelato cadaw badan oo
ujeeddooyin kala duwan leh. Cadawgaas qaarkii wuxuu diidan yahay
nabadda iyo dimoqraadiyadda Somaliland ku caano maashay. Cadawgu
waxa uu in badan isku deyay inuu waxyeelo u geysto Somaliland, si uu
u burburo horumarka ay gaadhay.
Weerraradii Somaliland la la beegsaday 29kii October 2008, waxa ay
tusaale u yihiin sida cadawgu ugu heellan yahay waxyeellada ummadda
Somaliland.
Nasiib-darro ilaa maanta oo Somaliland siddeed iyo toban jirsatay
weli beesha caalamku kumay tallaabsan inay u fidiyaan aqoonsi
caaslami ah iyo in si toos ah uga caawiyaan hawlaha dib-u-dhiska.
Waxa la yaab leh in ay wali beesha caalamku ku mashquulsan tahay,
kuna bixinayso boqolaal kun oo malyuun shirarka loogu magac-daray
“Dib-u-heshiinta Somalida.” Tan iyo maanta waxay beesha caalamku
Somalida koonfureed u qabatay in ka badan 18 shir. Waxa ayaan-darro
ah in aanay wax la taaban karaa ka soo bixin shirarkaas. Maanta oo
burburkii Soomaaliya ka soo wareegtay 18 sannadood, weli caalamku
kuma guulaysan inuu Soomaaliya u sameeyo dawlad shaqaysa oo haysata
kalsoonida ummadda.
Maanta sida aqoonyahanno iyo ururo caalami ah oo badan qabaan sida
(International Crisis Group) qabaan waxa la gaadhay xilligii beesha
caalamku runta u soo noqon lahayd ee Somaliland ugu aqoonsan lahayd
dal madaxbannaan. Waxa aqoonyahanadaasi caalamka kula taliynayaan in
Soomliland ahayd dal madaxbannaan oo xorriyaddiisii ka qadatay
Boqortooyad Ingiriiska 26 June 1960, oo ay ka mid noqotay Qaramada
Midoobay, heshayna aqoonsiga 33 dawladood. Somaliland waxa ay
Somalida koonfureed oo uu gumaysan jiray Talyaanigu la midowday 1dii
July 1960kii, sida taariikhdu dhigaysana midnimadaasi waxay ka
dhaxashay burbur iyo xasuuq aan xad lahayn.
Tan iyo 1991 markii ummadda reer Somaliland la soo noqotay
xorriyaddii ka luntay, waxa u qabsoomay arrimo badan iyada oo aanay
beesha caalamku wax taageero ah oo la taaban karo u qaban. Haddaba,
haddii maanta beesha caalamku maalgalisay hawlaha diiwaangalinta ka
socota dalka, waxa dawladda iyo dadweynaha reer Somaliland la
gudboon inay si fiican uga faa’iidaystaan oo caalamka ka iibiyaan si
Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah.
Abshir Cabdillaahi Xasan
Hargeysa, Somaliland
|