" Diiwaangelintu waxay u muuqataa inay Gelayso 29-ka March… markaa waa in dib la isugu yimaad si waqti kale loo cayimo ”
Madax weyne-ku-xigeenka
 

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ishaaray in doorashadu dib uga dhacayso waqtigii hore loogu qoondeeyey, taasoo uu sabab uga dhigay in hubinta natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaashu gaadhayso 29 March oo ah maalinta loo asteeyey in dalka ka dhacdo doorashada Madaxtooyada.


Madaxweyne-ku-xigeenka oo u warramayey shalay telefiishanka madaxabannaan HCTV, waxa uu xusay in hore heshiis looga gaadhay waxa laga yeelayo haddii hubinta natiijada hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu gaadho waqtiga loo cayimay qabsoomidda doorashada madaxtooyada, isla markaana isu imanayaan axsaabta qaranka iyo Komishanku, kadibna waqti kale u muddaynayaan qabashada doorashada.


“Diiwaangelintu waxay u muuqataa inay gelayso 29-ka March oo marka iminka seerfarka laga shaqaysiiyo uu muddo qaato, kadibna gasho waqtigii doorashada, halkaana qodob baa nooga yaal, kaas oo ahaa in Komishanka iyo axsaabtu dib isu arkaan, dabadeedna waqti dambe la cayimo oo ay isla ogyihiin Komishanka iyo asxaabtu, taas oo ah shaqadii Komishanka oo weliba farogeliyeen axsaabtu oo aannu u oggolaanay oo ku nidhi talowadaag ha noqoto.


Qodobka u dambeeyaa wuxuu leeyahay haddii diiwaangelintu gasho 29 March waa in dib la isugu yimaad, tusaale ahaan haddii bil, laba iyo saddexba dhaafto intaas uun Guurtida loo gudbiyo, Guurtiduna intaa ku ekaadto, markaa ummaddana waxa loo walaahinayo anigu garan mayo, waxay ahayd in qodobadii lagu heshiiyey loo bandhigo shicibka, arrinkuna halkaa ha ku dhammaado,” ayuu yidhi Md. Yaasiin.


Waxa Madaxweyne-ku-xigeenku sheegay in xisbi ahaan diyaar u yihiin qabashada doorashada madaxtooyada ee dalka, maadaama ay yihiin maamulkii hirgeliyey doorashooyinkii hore iyo dhammaan hawlihii dimoqraadiyadda ee dalka ka taabbaqaaday, “Dadka waxa laga dhaadhiciyey doorasho diyaar umaha aha xukuumaddu, annagu diyaar baannu u nahay oo waxaannu nahay maamulkii hirgeliyey markii loo codaynayey distoorka, markii la galayey doorashada deegaanka iyo tii madaxtooyada, maantana waxaannu xaqiiqsannahay in waxa waddanku ku iibsamayaa yahay doorasho.”


“Waxaynu ognahay 15 May ee sannadkii hore waddanka khalkhal baa la galiyey oo waxa la yidhi waxbaa dhacaaya, waxana la gaadhsiiyey ilaa shirkadihii batroolka qodayey yidhaahdaan inta doorasho dhacayso soo noqon mayso, ninka maanta kurisiga iga dhaxlayaana waa inuu iga dhaxlaa wax dhisan, dacaayadda iyo waxan la soo shubanayaan innaguun bay dhexdeena kala fogeynaysaa,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.



 




Jamhuuriya Online