Diiwaan Gelintii Gobolka Sool Oo La Soo Gabo Gabeeyay

 


Maanta ayaa waxa ay ku beegan tahay isdiiwaangelintii Gobolka Soo maalintii ugu danbaysayl ee ka socotay 6da maalmood ee loogu talo galay iyadoo ay lixda malmood ee loogu talo galay isdiiwaann gelinta Gobolka Sool ay usocdeen hawlaha shaqo ee Gobolka Sool si habsami ah dadkuna safaf dhaadheer ugu jireen isdiiwaan gelinta goobaha ay ka socotay.

Maanta ayaa waxaa kusoo qulqulaya gudaha magaalada Lascaanood babuur faro badan kuwaas oo ah baabuurtii ka shaqaynaysay goobaha ka baxsan magaalada Laascaanood ee Tuulooyinka iyagoo halkasi kusoo dhameeyay hawlihii ay ka hayeen inkasta oo ay jirto dad wali si wayn u doonaya in waqtiga loo kordhiyo si ay uga faa'iidaysaan hawlaha isdiiwaangelinta walow maanta ay kaga ekayd.

Isdiiwaan gelinta Gobolka Sol ayaa guud ahaan ka dhacday marka laga reebo magaalooyinka Taleex iyo Boocame iyadoo gobaha ay ka dhacday Isdiiwaan gelintu ay uga socotay si habsami ah ayna dadku si wayn ugu qanacsanayeen isdiiwaangelinta iyagoo shaqaalaha dhalinyrada ah ee heeganka ugu jiray shaqadooda ay dadka deegaananada Gaobolka Sool si wayn uso dhawaynayeen.

Arintan ayaa waxa ay tahay arin ka gedisan fikir laga aamin sanaa ka hor intii aysan soo gaadhin isdiiwaan gelintu Gobolka Sool kaas oo ahaa in ay kala kulmi doonaan dhibaatooyin iyo dadka oo ka hor yimada kaas oo ay dadku qaateen badalkiisa ayna si wayn usoo dhaweeyeen si habsami ahna isu diiwaan geliyeen taas oo Komishinka qaranku si wayn ugu hanbalyeeyeen shacabka Gobolka Sool.

Hadaba waxaa la filayaa in waqtiyada soo socda ay Komoshinka qaranku ay qabtaan shir jaraa'id oo ay kaga hadlayaan hawlaha isdiiwaan gelinta ee Gobolka Sool iyadoo hadda ay so xaroodeen badi teamamkii loo kala diray baadiyaha iyo tuuliyinka Gobolka Sool hadana ku sugan yihiin shaldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

 

 


Ahmed Abdulahi Binow

Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo
wacyi gelinta JSL ee Gobolka Sool