Digniin ku waajahan wasiirada Qoodha ah ee KULMIYE
Aniga oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE ee Qurbajooga Xubnaha Fulinta
waxa aan Diniin u diraayaa wasiirada Xukuumada Madaxweyna Siiraayo
Baryahan danbe waxaa soo shaacbaxdey khilaaf oo shirweynihii Xisbigu
ka Qabsoomi waayey kaas oo Aabo iyo hooyo u yihiin wasiirada Qoodha
ah oo aan shaki ku jirin in ay iyagu ay ka danbeeyaan khilaafka
Ragaadiyey Xisbiga maanta talada haya Aniga qayrkayba wey ogyihiin
sidaas darteed waxaan dhawaaq dheer ugu yeedhayaa wasiisada maanta
nagu heysta Lafahii lanoo daayey markii la kala saarey Xisbiga iyo
Xukuumada
sida shacabka Somaliland ee xorta ahi la socdo sidaas darteed uma
dul qaadeyno In Gudoomiyaha Xisbiga loolayimaado wax ka baxsan kala
danbeynta inaga dhaxaysa Gudoomiya ayaa Fullinta Xisbiga isaagaa
Awood uleh wax ka badalka waxaan Ogeysiinayaa in la Ogolaan waayo in
lasqabsan doono kuwa kalana lama kala Xoog badna ee waa xeerka waxa
lagu kala socdaa waa intaa la xasuunaadaa Sharciga hala ilaaliyo iyo
kala danbeynta
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar
ah oo murrashax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu
taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax
olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qabanqaabada shirweynaha
xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax
ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha
la gaadho inay dhexdiisa iska sharraxdo.
Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga
Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE
ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga
Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga
xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga
shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha
December ee soo socota.
2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo
ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug
leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliyey in guddiga qabanqaabadu kala
qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.
3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in
Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin
hawshooda maamulka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse
Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala
jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni
ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo
xallinteeda, isla markaana uu go’aan ka soo saari doono.
4. Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka
dhashay kala jabka Guddiga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib
isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta
ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka
hawlaha qabanqaabada shirweynaha.
5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo
xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana
midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu
qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna
looga dhawro wax kastcarqalad ku keeni karaya.Aniga oo tixraacaya
shanta qodob eek or ku xusan siiba qodobka labaad oo sheegaya in ta
laabaga qaado wasiirka ay ku cadaato ama fara galin ku sameeya
hadaba miyaaney ku cadayn raxantan wasiirada ah ee shuroodaha ku
xidhaya Gudoomiyaha Xisbiga uma baahna fahfaan ee wax la wada
ogyahay weeyaan hadaba waxaan ogesiinayaa in moog ee aan ogeyn
hadaanu nahay in laga qadiyey ama laga reebay Xukuumada Maanta ee
laga doortey Ragii Xisbiyadii Qaran ,UCID ,UDUB ee madaxweyne
Siilaaya uu isagu Jeebadiisa aheyd arintaasina waxay keentey Maamul
xumada maanta Shirka Qaran loo qabanayo Aniga dibada usoo saarey
waxii aan qarsanayey hadaan hadalkeyga sii wado halkan kuma soo
koobi karo ‘e waxaa hadalkeyga ku soo koobayaa Geeraar uu lahaa
Abwaankii weynaa Alla nasiistii jano ha ka waraabiyee Farax Nuur
waxaa uu yidhi Sidan
Rag sabaan ka sabaan baan,2. Samaantuun badiyaa. 3. Haduu saakimi
waayo,4. Sariiraan u dhigaa, 5. Iska seexo idhaa. 6. Haduu saakimi
waayo na,7. Caanihii hasha Suub baan, 8. Saddex goor u lisaa, 9. Ku
sarriigo idhaa.
10.Haduu saakimi waayo, 11. Sumalkii rugta joogay iyo, 12. Sogobkaan
u qalaa, 13. Haduu saakimi waayo, 14. Siirigii Cadmeed baan,
15. Subaggawga badshaa, 16. Haduu saakimi waayo, 17. Gabadh suurad
wanaagsan baan, 18. Surrada ugu dhisaa. 19. Haduu saakimi waayo,
20. Xoolo gooni u soofiyo, 21. Sadadaan ku ladhaa,
22. Haduu saakimi waayo, 23. Seeddow, mood iyo mood iyo,
24. Salaantaan badiyaa. 25. Haduu saakimi waayo 26. Salaadaan
lallabaa yoo27. Meydal seedo madow iyo 28. Salligaan cuskadaa yoo
29. Sulub eebo ku joogtaan 30. Sarartaa ku dhuftaa 31. Sambabkaan ka
baxshaa 32. Markaasuu sellimaa
By Axmed jimce
|