Diblumaasiyiin Magac Ku Leh Maraykanka Oo Dawladdooda & Midowga
Afrika Culays Ku Saaraya In La Aqoonsado Somaliland, Si Loo Joojiyo
Isballaadhinta Shiinaha Ee Afrika
“Waa wakhtigii la soo afjari lahaa munaafaqnimada Caalamiga
ah ee ku waajahan Somaliland..” Safiirkii
ho re ee Maraykanka u fadhiyey
Itoobiya iyo Gini.
Hargeysa (TNN) : – Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la soo shaqeeyay
Madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee dalkaasi, ayaa Dawladda Joe
Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays ku saaraya inay aqoonsadaan
Madax-banaanida Somaliland.
Rebort O’brein oo mar ahaa La Taliyihii Amniga Qaranka Maraykanka ee
Dawladdii Doland Trump, ayaa soo jeediyey in Maraykanku uu aqoonsado
Somaliland.
Rebort O’brein ayaa sheegay in aqoonsi uu Maraykanku siiyo
Somaliland ay tahay sida keliya looga hor-tagi karo isballaadhinta
Shiinaha ee Afrika.
Soo jeedinta Rebort O’brein ee ku aaddan Somaliland, waxa soo
dhaweeyay Tibor nagy oo mar ahaa ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha
Afrika u qaabilsan Maraykanka, sidoo kalena noqday Safiirkii
Maraykanka u fadhiyey Dalalka Itoobiya iyo Guinea.
Tibor nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay
Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Rebort O’brein ee ah in
la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu arrintaasi ku
tilmaamay mid ahmiyaddeeda leh, maaddaama oo la dhaafay xillgii
Munaafaqadda Caalamiga ah.
Tibor nagy ayaa qoraalka uu ku baahiyey Twitter-ka wuxuu ku yidhi
“Waxaan u mahadnaqayaa O’brein oo bixiyey Faallooyin wanaagsan oo ku
saabsan Somaliland, waxaan jeclaan lahaa in Midowga Afrika ay
samayso wax sax ah oo ay aqoonsato in Qarankan Somaliland oo ka
waxqabadka iyo maamul wanaagsan, ka xasilloon, kana dimoqraadiyad
badan Dalalka xubnaha ka ah (Midowga Afrika)..”
Tibor nagy waxa kale oo uu sheegay “Waa wakhtigii la soo afjari
lahaa munaafaqnimada Caalamiga ah ee ku waajahan Somaliland..” ayuu
yidhi.
Xigasho: Geeska
|