Dibdis Maxamed Baashow, Dibci Qalinka
Faaqidaada maqaalkii Maxamed Baashe ee ahaa “Geedu xeer ma leedahay?”.
Maqaalkan waxaan ku dhiigshiilayaa oo
ku dahabshiilayaa maqaalka uu qoray
sarkaal ka tirs an
shirkada dahabshiil ee ku abtirsata
dhiigshiil. Waa maqaalkii xaadhimaha
interneka dhawa an lagu baahiyey ee ahaa “Geedu
xeer ma leedahay” ee uu qalinka ku duuge Maxamed Baashe Xasan.
Hasayeeshee intaanan guda gelin ujeedadaydaa, maadaama lagu jiro
bishii xuska
Marxuum M axamed Xaaji Ibraahim cigaal, Waxaan maqaalkan ugu
waqlalayaa midka ka mid ah Murtiyihiisii dhaxal gala ahaa.
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu
yidhi: “Waxaanu
maamulaa qabaa'il madax adag oo mark ay doonaan isku soo uraya, oo
la isku qobtalayo. Waxaanu ku wadnaa sabaalayn, suubaan sa laax,
suul-dhabaalayn, sabsabo, sulux iyo hadday nagu kalifto sandareero.
Kuma wadno cayn dawladeed iyo caga jugleen iyo qori caaradii.”
Waraysi, laanta af-somaliga ee BBC-da.
Haddaba haddaan ku dhaafo xuskii marxuumka intaa , waxaan
gudagelayaa faalayntii iyo faa qidaadii maqaalkan marya Ololka ah,
oo aan isku dayaayo in aan kala hufo, oo u kala abtiriyo midabada
maryuhuu ka samaysan yahay, haddii asalkoodu xariira ahaa, hadduu
suufa ahaa iyo hadday ka sanif yihiinba. Maag ma ah, kuna talax tegi
maayo waan kor xaadsanayaa. Wax aan maqaalkan ka baaraan degayaa
ujeedada iyo weedhaha iyo ereyaduu uu adeegsadah ujeedadii uu
maqaalka u qoray.
Ujeedada iyo Akhristayaasha qoraaga maqaalka
(Purpose and Audience)
Maqaalkan Maxamed Baashe Xasan nuxurkiisu guud ahaan wuxuu daaran
yahay natiijadii guddiga diiwaangelintu soo saaray; tartankii
ururada kadib, gar iyo gardaraba, haddii kas iyo maan loo reebay iyo
haddii ay iskood u hadheenba in la taabaco go'aanka, oo aan bujuu
iyo bajaa midna la maqal; wadartii ka cabataana in ay iyadu axdigii
iyo aaminkii furayso oo ay qas wadayaal yihiin. Taa waxaa daliil u
ah ereyada iyo habka uu dhig faqradah hore iyo meelo ka mid ah kuwa
dhexe iyo kuwa danbaba. Si uu ujeedadiisa u hirgeliyo oo quluubta
akhristaha u kasbado wuxuu adeegsadey tabo kala gedisan oo
ujeedadiisa iyo akhritayaashuu gaarka ah ee ku talagalay ugu cuntaba.
Maqaalku dadka umma sinna, dhexdhexaadna ma ah, hub culs oo aan loo
baahnayn ayuu dul gawriirshe ururada cawday.
Xaqiiqda iyo aragtida (Facts
and opinion)
Maqaalka xaqiiqi kuma jirto, dabo ilaa dacal wuxuu xanbaarsan yahay
aragtida qoraaga oo k eliya oo xitaa fariinta u gudbinayo wax daliil
ah (evidence)
kumuu ladhin. Qorayaasha lama yid haa beenaale bowbowle ee
waxaa la yidhaa wuxuu adeegsadey tabta loo yaqaan
buubuunin (Exageration).
Maqaalku gebigiisu waa wadhwadh iyo warkii taarane (propaganda)
iyo olol (campaign) baaxad leh oo uu ku
qaadayo ururadii hadhay oo aad moodo in uu isleeyahay dib ayaan loo
ulan.
Codka, milgaha hadalka ama cida (
tone and mode).
Sideedaba qorayaashu, siday shinbir waliba codkeeda u ciddo, ayay
iyaguna cod gaar ah iyo milgo gaar ah u adeegsadaan iyaga oo tix
gelinaya hadba ujeedada ay leeyihiin iyo halkay ja mato laabtoodu.
Maqaaalkan 'Geedu Xeer ma leedahay' qoruhu wuxuu adeegsadey isaga oo
beer dhigaalaynaya codad kala duwan oo qaybta hore u ektahay:
gawnaxyo buurid, tiikhtiikh si, hiraa iyo wiree, wiirsi, beerlaxawsi;
qaybta danbana canaan iyo hoga tusaalayn, af-dhabaadhabna ka ma
madhna.
Wuxuu ka madhan yahay oo aan marna laga dhandhansaneyn
af-qabyaaladeed, far hunguri, iyo xodxodasha xileed. Qoraa
xil-gubaayo weeyaan. Dun xariir ah weeyaan, hasayeeshee wuxuu
maqaalku ka qaawan yahay asluubta qoraa waafi ah. Waxaa taa u daliil
ah mar qudha muu odhan “Waxay anniga ila tahay”, mar qudha muu odhan
“Dadka qaar waxay aaminsan yihiin”, mar qudha kamuu soo xigan
kooxaha is haya, odhaah ka soo yeedhe si uu dabuubtiisa ah "hiridee
iyo wiridee" run ugu ekeesiiyo. Waa laga yaabaa in aan waxyaabaha
lagu qiimeeyo qoraaga in aanu aqoon u lahayn. Taana danbi kuma laha
hadday jirto. Haddaanay jirino wuu badheedhay oo waa dan iyo xeeshee.
Weedhaha iyo ereyaduu adeegsadey
Haddii aynu u dhabo galno luqada, oo aan halku dhega maqaalka
cabbaar ku hakano; qoraagu wuxuu adeegsade qaar ka mid ah tabaha ugu
heersareeya ee qorayaashu ku soo xero geliy amma ku soo jiitaan
akhristaha. Halku dhegani waa su'aal, jawaabteedu ku xidhan tahay in
aa d maqaalka daalacato.
Tabta kale ee ku ladhani waa tabta afka qalaad loo yaqaan
“ambiguity” oo waa hadal mergi ah oo siyaale kala duwan loo kala
macnaysan karo. Bal dhugo ereyga 'Geedu'; miyaanu ahayn erey mergiya
oo qofba si u qaadan karo oo si aad uga gun gaadho kugu dirqiyaya in
aad maq aalka akhrido. Waa farshaxanimo heersare ah oo qoraagu cagta
horaba qofkii ku soo jiidana yo.
Waxaa intaa sii dheer qoraagu wuxuu ka soo qaatay beytkan, maanso uu
tiriyey abwaan caa n ah oo la yidhaa Maxamed Ibrahim Warsame(
Hadraawi); oo intii maansada taqaan si gaar ah u xiisa gelineysa oo
soo jiidanaaya. Bravo, well done yaa Baashe.
Haddii aynu sii guda galno innaga oo fiira gaar ah siinayna weedhah
iyo ereyaduu adeegsad ey, qoraagu wuxuu ku furay maqaalkiisa
weedhaha iyo ereyo ah, kuwa diirka iyo lafta xulaya oo dacar iyo
ladh kicinaaya, oo digagaxashya leh. Ereyo aad moodeyso in uu
qoraagu keeb la yuruuro; oo cadawgiis intu dhufays u galay, dab wax
guba iyo hub culus darandoori ugu ridayo. Wuxuu adeegsadey erayo iyo
weedho kulul oo sida jiibka laba dhacaya oo jiib iyo Jaan
leh(Rhythem and Rhyme) si uu ujeedadiisa dhagaha iyo maanka
Akhristaha ugu dhibciyo oo raad weyn kaga tagto. Isaga oo gawnaxyada
buuraya wuxuu yidhi: “ku qabso ku qadimeyside! Cadyahow ama ku cunay
ama ku ciidayey'. Si uu dabuubtaa uga dhigo waxaan hore loo maqal oo
aan loo arag iyo af maanta curtay, si uu akhristaha u beer dilaacsho
oo uga damqado fal xumadaa wuxuu yidhi: “Waa isirada aan hore
Somaliland siyaasadeeda …..”. Wuxuu adeegsadey tabta ka bad badinta
iyo buunbuuninta(
exageration) si akhristahu u sal babakho oo u dhiidhiyo.
Wuxuu si dadban u tibaaxayaa in xiidhiidh ay la leeyihiin daydaga
ugu meeqaanka liita saaxada siyaasada, oo markii dalka dib loogu soo
laabtay ereyadani ay soo foodhaceyn, kuwaas oo loo ayneenayey in ay
ka dhasheen falxumadii ay ku kacayeen dayda ygu. Waxuu tibaaxaya
kuwa hadda ku soo biiray saaxada siyaasada oo aan hore loo maqal, si
quluubta akhristayaasha u hanto.
Weedhahan iyo ereyadan uu doortay qoraagu, waxay muujinayaan inuu u
dig iyo dam leeyah ay in uu akhristaha dareensiinayo in ururada
hadhay ay arrintood dhaafsiisan tahay saluuug iyo dhalanteed lagu
sabay. Wuxuu taabsiinayaa akhristaha, in ay yihiin hurin damacooda
qala dka aan u meel dayin oo xiitaa u hanqal taagaya xil aanay geyin
oo ay yihiin dayday faraha la gaga gubtey.
Halkaa kumuu hadhina si uu qodabkan u sii xooje oo dogobyo u sii
saaro, si uu akhristuhu olol ihiis ula safto, ereyadiisaa hore kuwa
la mid ah oo iyaguna laba dhacaya oo jiib iyo jaan leh. In warkiisu
sidaa daaran yahayna waxaa marag iyo markhaatiya u ah weedhahan ma
tudhaanka ah ee uu isdaba dhigay: "Waannu muddaharaadaynaa! Wax xil
leh baannu samayn! Guddida Diiwaangelintu ma leh xaqa in ay natiijo
ku dhawaaqaan! Na looma sheegin sababihii aannu ku hadhnay, dhaar
iyo dhafoortaabashooyin la hal maala iwm." ayaa ka soo hadhay
qolooyinkaas hadhay intooda badan”!
In warkiisu olol yahay oo xajiimeen isdaba taxay waxaa caddayn u ah
mar qudha daliil iyo dillo muu raacin, xiitaa weedh cid kale ka soo
xigtayna dhahoo. Sidaa daraadeed soo ma odhan karo waa tiikhtiikhsi
iyo hiraa iyo wiraa.
Mar kale si aanay dib ugu soo waaqsan kooxahaasi, wuxuu adeegsadey
tabta ku cecelinta(re pitition) si aanay cidiba u nuuxnuuxsan oo
akhristuhu dhabanka iyo gacmaha isa saaro. Waxa ad moodaa in markuu
legdey ururadii hadhay ee uu lidka ku yahay, in uu toorey la dhacayo
oo ku celcelinayo.
Anigu sidaan u arkay maqaalka, qoraaga waxaan leeyahay:
“hubka mudug ku talax tegey,
all ay leh hubsiimiyo hakis buu u baahnaa”.
Waxaan leeyahay Dibdis Maxamed Baashow,
dibci qal inka intaanu kula taraarin ee
aanu noqon hadba doc isku qaad,
meelinba hurin ka qosliya, hur in kalana baala
gaarre ku ah.
Isaga weli doonaya in uu caynka iyo bayda u giijiyo qodobkiisa hore,
wuxuu adeegsadey tabta cabsigelinta, ammaakaaga, argagaxa iyo
yaxyaxgelinta. Bal u dhaba gal erayadan isaga oo na xariista
dhallaanka loo hayo ka faa'iideysanaya oo aad moodaa in madax lulayo,
eek u beer laxawsanayo akhristaha, wuxuu yidhi: “Qaylada
iyo sawaxankooda waxa uu ka selelinayaa oo sawliil gelinayaa "ilmaha
yar ee daradhigta saaran".
Waa dabuub farshaxanimo ku dheehan tahay, laakiin uu kula dul kufay
kooxo aan gayin culays ka intaa leeg; falalkaa uu xanbaarinayana
lagu arag marka la barbardhigo hadaladii iyo falalkii Kulmiye ku
kici jirey, haddii sida kuwan ay wax saluugaan.
Si uu quluubta akhristaha u hanto, midida daabkeedana ugu dhaafo
ururada hadhay, wuxuu ku soo gunnaanade hadalkan oo uu
beerlaxawsanayo akhristayaaha uu ugu talagalay, in ay warka
dhiigeeyaan: “dimoqraaddiyadda curdinka ah ee aan weli fadhi-baradka
noqon ee Som aliland ayaa walbaahareysa”. Ujeedadiisuna waxay daaran
tahay in akhristuhu damqado oo uu Ololihiisa uu ammino oo u fuliyo,
isaga oo aan daliil iyo dhab ku salayn.
Waxaan leeyahay qoraaga: “Maandhow ixsaan
lagama tago eed haddaad fali.” Waxaan
leey ahay Geedu weli waa dhaako dhaako, weli waa la dhoob , ha biyo
dhiijin qalinkaaga ha isk dhiig ha ku khadayn balaa ma joogte eh.
Maqaalka wixii intaa ka danbeeyaa waa sii xoojin. Qoraagu wuxuu
adeegsadey isaga oo dhina c walba u ridaya, af-dhadhaaba. Anna
waxaan duraansaday oo aan ku soo gabgabeenayaa warku wuxuu u
dhacayaa: “dhakafaar abuurtee, dhalanteed lagu sabo miyuu dhul u
dhacaya a”.
Salaan: Waxaan salaan u diraya kooxaha heeganka ku ah ceelka
Oodweynenews.com ee ka faaloota maqaalada oo ah kuwa keliya ee
faaqida maqaalada u qaabilsan dadweynaha. Beryo qaarkood waxaa loo
xidhnaa abwaano aan hoosba loo dayi jirin dirxi in uu ku hoos jiro
waxay ku geeraareen. Sidii uun lagu jiri maayo ee qof weliba ha u
diyaar garoobo shaandhayn iyo ba andhayn wuxuu yidhaa.
|