Dib baa loo raray
Qaybtii labaad:
Doqoniimiyo dib baa loo raray
Waxay duugtee ka dikhootay
Dahab moodoo ka dul ooydaa!
Akhristayaasha qiimaha badanow, waxaynu ku soo qaadanay qaybtii
koowaad ee taxanahan la magac baxay " Dib baa loo raray", habkii iyo
hannaankii ubadka dhaqan ahaan loo barbaarin jirey beryihii hore.
Haddii aynu si fiican u dheehanno dhaqanka dhulkeenna yaalley
waayadaa, waxa la odhan karaa wuu ka madaxbannaanaa caadooyinka
xunxun ee ka mid ka yihiin: qabyaaladda iyo qaraabokiilka,
ninjeclaysiga (nepotism), deegaameysiga iyo wixii la mid ah oo
haatan helay suuq xaami ah!
Barbaarinta ubadka waxa loo adeegsadaa dhawr isir ( factors) oo ku
salaysan: diinta ama waxa ay bulshadaasi rumaysan tahay, dhaqanka
ama habnololeedka markaa jira, aydhiyooloji ( ideology) ama mabda'a
ay bulshadaasi aaminsan tahay. Arrimahaasi oo lagu saleeyo manhajka
iskuulada, dhaqan bulsheedka markaasi jooga ama iyadoo si
cilmiyeysan oo dahsoon loogu tebiyo qalabka warbaahinta ( mass
media). Sida barnaamijyada carruurta iyo buugaagta.
Haddaba, waxaynu odhan karnaa, barbaarintii hore ee ubadkeennu waxay
ku salaysnayd dhaqankeenna oo salka ku haya caqiidadeenna muqadaska
ah ee Islaamka. Lamase odhan karo dadkeennu diinta way ku dhaqmi
jireen ama sida maanta loo bartay diinta ayaa loo yaqaanney! Waxase
lagu doodi karaa, in aynu ka dhaqan toosnayn sidan aynu maanta nahay!
Diintii la barey
dugsiyaa la furay
dadkii way barteen
Daayin lagama baqo
Doorsoon la noqooy
Ee dawadeeda sheeg?
Akhristayaal, haddii Eebbe idmo; waxaynu ku soo qaadan doonnaa
qaybaha soo socda ee qormadan, isirrada (factors) aynu korka ku soo
tilmaanay iyo saamaynta ay innagu leeyihiin iyo halka ay sartu ka
qudhuntay!
Haddaba, inta aynu ku kulmayno qayb kale oo xiiso leh- idam Allah-
nabadgelyo iyo noole kulan tideen.
Mahadsanidin,
C/llaahi Maxamed Cumar
Email:
timacadde56@Hotmail.com
|