DIB BAA LOO RARAY
Qaybtii Koowaad:
Doqoniimiyo
Dib baa loo raray!
Akhristayaasha qiimaha leh ee qormadan akhrisanayow, haddii Eebbe
idmo; waxayno qormadan oo dhawr qaybood noqon doonta ku soo qaadan
doonnaa:
Reermagaalnimadii hore iyo hayb la'aanteedii
Barbaarintii ubadka iyo kalgacaylkii lagu ababin jirey
iyo sida ay arrimahaasi haatan u wiiqmeen iyo halka laga raacay
Waxa jirayey halhays haatan baaba'ay oo la odhan jirey, " magaalo
way is aabbo taqaannaa ee isma ab taqaanno". Haatanse waxa
halhayskaasi loo bedeley lidkiisa( its opposite).
Beri aan siiba fogeyn 1970 naadkii ahayd iyo intii ka horreysey,
qofka dadka toyda ee haybtiisa raadiya; waxa loo arki jirey qof reer
miyi ah oo magaalada dhawaan soo galay ama waxa loo arki jirey ruux
iska xanuunsanaya- hadalkiisana lama qiimayn jirin!
Waxa kale oo iyaguna dadka tooyan jirey, odayaasha iyo islaamaha oo
iyaga aanay xumaan ka ahayn ee si togan ( positive) u adeegsan jirey.
Tusaale ahaan, haddii arday aad isku fasal ( classmate) tihiin kuu
soo raaco gurigiina; haddii ayeedaa nooshahay oo ay guriga joogto,
waxa laga yaabaa; in ay ku weydiiso," inanku ama inantu waa ina ayo?"
Dabeetana adiga oo dhibsanaya su'aashaa ayeeyadaa aad ugu jawaabto,
waa hebel hebel ama waa saaxiibkay- sidaasi oo daacad kaa ah oo laga
yaabo, ardaygaa aad isku fasalka tihiin; in aadan aqoonin wax ka
baxsan saddexda magac ee lagu xaadiriyo - haybna hadalkeedaba daa!
Ujeedada ay dadkaa waaweyni wax u tooyan jireenna, waxa ugu
muhiimsanaa laba arrimood oo kala ahaa:
in ay ogaadaan ardaygan, inanta ama inanka dhalay si ay kuugu
sheegaan; meel aad wax iskaga tihiin oo la odhan karo tooyashadaasi
waxay ahayd, mid togan
iyo ta labaad oo ahayd, in ay ogaadaan nooca akhlaaqeed ama edebeed
ee ardayga aad la socoto- si aanay kuu saamaynin haddii balwado
xunxun leeyahay ama uu edebdaran yahay.
Waxan haatan aad ula yaabaa oo tarbiyad wanaagsan ahayd, sida
waalidiintu carruurta ugu beeri jireen ehelnimada iyo is jacaylka
bulshada inta aad la degaanka tahay.
Haddii aynu tusaale soo qaadano, markii aannu yaryarayn dadka aannu
isku degaanka ahayn, mid walba meel ayaannu iska soo geli jirney oo
aannu ehel ama arqab ka ahayn . Dadku waxay noo wada ahaayeen: abti,
adeer, habaryar, eddo, ayeeyo, awoowe... iyo wixii la mid ah. Waxana
la nagu ababin jirey, in aannu dadka waaweyn gacanta ka dhunkanno,
kuwo yaryarna salaanno!
Waxan xasuustaa oo aan marnaba maskaxdayda illaa imika ka go'in, in
aan maalin maalmaha ka mid ah aniga oo yar u raacay suuqa magaalada
Gabiley, Alle ha u naxariistee ayeeyday hooyo. Markii aanu magaalada
gallay, ayay ayeeydey tukaan horjoogsatey oo ay bariidisay. Waxa
bariidadeedii ka mid ahaa, " Siciidoow maxaad ku barideen?"
Baridadii buu ka qaaday, cabbaarna hadallo ayay isweydaarsadeen.
Dabadeedna Alle ha u naxariistee ayeeyday baa igu tidhi, " orod oo
awoowgaa soo dhunko!" Dhunkashadu awalba caado ayay noo ahayde,
aayar baan dhaqaaqoo gacanta ayaan ka soo dhunkaday- isna inta uu
madaxa iga dhunkaday- ayuu waliba nacnac nabaad la odhan jirey oo
fara badan I siiyey!
Waxase la yaab igu noqotay maalintaasi, awoowgan oo midab ahaan ka
duwanaa kuwii hore ee aan arki jirey! Markii aannu ka tagnay ee
aannu cabbaar ka soconney tukaankii, ayaan ayeeydey weydiiyey; waxa
aannu isku nahay awoowgan cad- aniga oo u bogey nabaadkan uu I
siiyey iyo sida uu ii dhunkadayba!!
Eebbe ha u naxariistee ayeeydey waxay igu tidhi, " hooyo waa carab
ay awoowgaa rafiiq (saaxiib) ahaayeen ee marka aad aragto dhukunko."
Maalintaa intii ka dambeyseyna, aniga iyo Alle ha u naxariistee
Siciidyare oo asal ahaan Yamani ahaa- Gabileyna laga wada yaqaaney-
waxa naga dhaxaysey xidhiidhin salka ku haysa rafiiqnimadii isaga
iyo awoowgay ka dhaxayn jirtey.
Dux waxaanay ka dheefin
iyo dambas bay ku harraaday
Dib bay noo celiyeene
Daayinoow na badbaadi!
Waxanad ogaataa akhriste, in aanay barbaarinta caynkaasi ahayd ku
koobnayn degaankaa aan soo tilmaanay ee ay ahayd arrin ku baahsanayd
dhulka soomaalidu degto intiisa badan- gaar ahaanna magaalooyinka!
Maxaa ka dambeeyey barbaarintaasi?
Su'aashaa jawaabteeda iyo arrimo kalaba waxaynnu ku soo qaadan
doonnaa-haddii Alle idmo- qaybaha dambe ee qormadan.
Wa bilaahi At-towfiiq
C/llaahi Maxamed Cumar
Email:
timacadde56@hotmail.com
|