DIB BAA LOO RARAY

 



Qaybtii Koowaad:

Doqoniimiyo
Dib baa loo raray

Akhristayaasha qiimaha leh ee qormadan akhrisanayow, haddii Eebbe idmo; waxayno qormadan oo dhawr qaybood noqon doonta ku soo qaadan doonnaa:

Reer magaalnimadii hore iyo reer la'aanteedii
Barbaarintii ubadka iyo kalgacaylkii lagu ababin jirey
iyo sida ay arrimahaasi haatan u wiiqmeen iyo halka laga raacay


Waxa jirayey halhays haatan baaba'ay oo la odhan jirey, " magaalo way is aabbo taqaa nnaa ee isma ab taqaanno". Haatanse waxa halhayskaasi loo bedeley lidkiisa( its oppos ite).
Beri aan siiba fogeyn 1970 naadkii ahayd iyo intii ka horreysey, qof dadka toyda ee hay btiisa raadiya; waxa loo arki jirey qof reer miyi ah oo magaalada dhawaan soo galay am a waxa loo arki jirey ruux iska xanuunsanaya- hadalkiisana lama qiimayn jirin!
Waxa kale oo iyaguna dadka tooyan jirey, odayaasha iyo islaamaha oo iyaga aanay xumaan ka ahayn ee si togan ( positive) u adeegsan jirey.
Tusaale ahaan, haddii arday aad isku fasal ( classmate) tihiin kuu soo raaco gurigiina; haddii ayeedaa nooshahay oo ay guriga joogto, waxa laga yaabaa; in ay ku weydiiso," inanku ama inantu waa ina ayo?" Dabeetana adiga oo dhibsanaya su'aashaa ayeeyadaa aad ugu jawaabto, waa hebel hebel ama waa saaxiibkay- sidaasi oo daacad kaa ah oo laga yaabo, ardaygaa aad isku fasalka tihiin; in aadan aqoonin wax ka baxsan saddexda magac ee lagu xaadiriyo - haybna hadalkeedaba daa!
Ujeedada ay dadkaa waaweyni wax u tooyan jireenna, waxa ugu muhiimsanaa laba arrimood oo kala ahaa:


in ay ogaadaan ardaygan, inanta ama inanka dhalay si ay kuugu sheegaan; meel aad w ax iskaga tihiin oo la odhan karo tooyashadaasi waxay ahayd, mid togan iyo ta labaad oo ahayd, in ay ogaadaan nooca akhlaaqeed ama edebeed ee ardayga aad la socoto- si aanay kuu saamaynin haddii balwado xunxun leeyahay ama uu edebdaran yahay.

Waxan haatan aad ula yaabaa oo tarbiyad wanaagsan ahayd, sida waalidiintu carruurt a ugu beeri jireen ehelnimada iyo is jacaylka bulshada inta aad la degaanka tahay.
Haddii aynu tusaale soo qaadano, markii aannu yaryarayn dadka aannu isku degaanka ahayn, mid walba meel ayaannu iska soo geli jirney oo aannu ehel ama arqab ka ahayn . Dadku waxay noo wada ahaayeen: abti, adeer, habaryar, eddo, ayeeyo, awoowe... iyo wixii la mid ah. Waxana la nagu ababin jirey, in aannu dadka waaweyn gacanta ka dhunk anno, kuwo yaryarna salaanno!

Waxan xasuustaa oo aan marnaba maskaxdayda illaa imika ka go'in, in aan maalin maal maha ka mid ah aniga oo yar u raacay suuqa magaalada Gabiley, Alle ha u naxariistee ayeeyday hooyo. Markii aanu magaalada gallay, ayay ayeeydey tukaan horjoogsatey oo ay bariidisay. Waxa bariidadeedii ka mid ahaa, " Siciidoow maxaad ku barideen?" Baridadii buu ka qaaday, cabbaarna hadallo ayay isweydaarsadeen. Dabadeedna Alle ha u naxariistee ayeeyday baa igu tidhi, " orod oo awoowgaa soo dhunko! Dhunkashadu awalba caado ayay noo ahayde, aayar baan dhaqaaqoo gacanta ayaan ka soo dhunkad ay- isna inta uu madaxa iga dhunkaday- ayuu waliba nacnac nabaad la odhan jirey oo fara badan I siiyey!

Waxase la yaab igu noqotay maalintaasi, awoowgan oo midab ahaan ka duwanaa kuwii hore ee aan arki jirey! Markii aannu ka tagnay ee aannu cabbaar ka soconney tukaankii, ayaan ayeeydey weydiiyey; waxa aannu isku nahay awoowgan cad- aniga oo u bogey nabaadkan uu I siiyey iyo sida uu ii dhunkaday!!
Eebbe ha u naxariistee ayeeydey waxay igu tidhi, " hooyo waa carab ay awoowgaa rafiiq (saaxiib) ahaayeen ee marka aad aragto dhukunko."
Maalintaa intii ka dambeyseyna, aniga iyo Alle ha u naxariistee Siciidyare oo asal ahaan Yamani ahaa- Gabileyna laga wada yaqaaney- waxa naga dhaxaysey xidhiidhin salka ku haysa rafiiqnimadii isaga iyo awoowgay ka dhaxayn jirtey.
Waxanad ogaataa akhriste, in aanay barbaarinta caynkaasi ahayd ku koobnayn degaa nkaa aan soo tilmaanay ee ay ahayd arrin ku baahsanayd dhulka soomaalidu degto int iisa badan- gaar ahaanna magaalooyinka!
Maxaa ka dambeeyey barbaarintaasi?
Su'aashaa jawaabteeda iyo arrimo kalaba waxaynnu ku soo qaadan doonnaa-haddii Alle idmo- qaybaha dambe ee qormadan.



Wa bilaahi At-towfiiq

C/llaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com