Dhulka Somaliland Ma Dhul Asalkiisii Oromo Lahaydbaa?
Mise Waa Dhulkeenii.

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan umada
muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan ,marka xigta wa
xaan halkan ka salaamayaa shacab waynaha reer Somaliland
,meel walba oo ay dunida daafeheega ka joogaan.
Waxaa lagu arkayaa wadankeena Soomaaliland, oo maalinba
maalinta ka dambaysa kusoo badanaya Dadka
Oromada ah ee inooga imanaya wadanka aynu jaarka
nahay ee Ethiopia,kKuwaas oo iyagu maalinaba maalinta ka
dambaysa ku soo badanaya magaalada
Hargaysa ee caasimada dalka
Soomaaliland.
Hadaba waxa weeyaan ayaan darada ugu wayni ,waxa ay meel
kaga dheceen quruxdii caasimada
Hargeisa, sidoo ka le qaarkood ayaaba inagu dhex
dhal-dhalay, hadaba waxaad ku arkaysaa suuqyada waawayn
ee magaalada Hargei sa iyaga oo raxan raxan isku daba
guuraga oo waliba yar iyo waynkoodba dawarsanaya halka
ay qaarkoodna
ka shaqaystaan wadankeena dhexdiisa.
Mushkilada ugu wayni waxa weeyaan dhamaantood lacagta ay
ka shaqaystaan wadankeena, wax wadan keenan S
omaliland ka soo galaa majiro ,
dhibaato iyo caafimaad daro ay inala dul joogaan
mooyaane, dhamaantood lacagta ay wadankeene ka
shaqaystaan inta ay dib u badalaan oo ay ka dhigaan
lacagta Ethiopian-ka ayay dib ugu celiyaan wa dankoodii
ay marka hore ka yimaadeen.
Dawladu miyay garan wayday inay dadkan wadankoodii dib
ugu celiyaan amaba ay ka qaadaan cashuur, sidoo kale w
axaa suura gal ah in dakhliga lacagtaa ee soo galaya
kan yar
ee Oromkaa ,aanu soo galin
kan yar ee muwaadinkaa. Hadaba muhiimadu waxa
weeyaan in shaqada uu kan yar ee
Oromkii ka hayo wadanka sida gawaadhi maydhista
oo ku yar oo Oromii uu ii
sheegay in ay maalintii soo gasho lacag gaadhaysa ilkaa
50 kun oo shilinka soomaaliland ah ma almaha qaarkooodna
ay ka badantahayba intaas aan kor ku sheegay lacag ka
badani inay soo gasho.
Dadka Oromada ee inaga soo
gala dalka jaarkeenu, waxay aaminsan yihiin oo ay sitaan
fariin odhanaysa dhulkan ay
dadka reer Somaliland dagan yihiin
markii hore waxaa lahaan jiray
OROMO, taasi ayaa u suurto
galinaysay inay wada nka soo dagaan oo
inta Hargaysa joogtaa
hadaanay ka badnayn Somaalida way ku dhawdhaw yihiin.
Askari booliiska Somaliland ka tirsan oo aan maalin
dhawayd ku kulanay Hutel Safari ee magaalada Hargaysa
ayaa ii ga sheekeeyay in ay habeen niman Oromo ahi
wadada u galeen oo ay ku yidhaahdeen isbaadh; kadibna uu
xabad ku dhuftay mid ka mid ah oo uu lugta ka dhaawacay
kuwii kalena baxsadeen, sidoo kalena la sheegay inay
dhawr qof oo kale telefoonada gacanta ka qaateen
Oromo is urursatay oo meel
wado ah dadka u galaa.
Xukuumada Somaliland waxaan
u soo jeedin lahaa in maanta
arintaasi ay leedahay dabo la qabto laakiin
haddii sidaa la iskaga dhago tiro ay
dhawr sanno ka dib wadanka la
wareegi doonaan.

Qalinkii:
Guuleed Muxumed Ibrahin (Guuleed Yare)
Hargeisa
Somaliland
Email: guuto-143@hotmail.com |
|