Dhowr iyo Toban Suxufi Oo Ka Hawl-gala Qaybaha Kala Duwan Ee War-baahinta Gobolka Awdal Oo Sheegay Inuu Afhayeenka Madaxtooyadu Kula Kacay Falal Cadaalad Daro Ah. Baaqa Suxufiyiinta

 

 C/laahi Maxamed Daahir [Cukuse]

 

Borama (TNN)- Xubno isugu jira Suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlgala qaybaha kala duwan war-baahinta gobolka Awdal, ayaa magaalada Boorama ka soo saaray bayaan ka dhan ah Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir [Cukuse], isla markaana Xukuumadda u jeediyey cabashooyin la xidhiid ha Xuquuqdooda ay ku leeyihiin fursadaha u soo baxa Suxufiynta dalka sida Safarada iyo Aqoon korodhsi ga loo diro suxufiyiinta.


Qoraalka bayaankan ay kaga cabanayaan suxufiyiinta gobolka Awdal Afhayeenka Madaxtooyada oo ay ku saxeexanyihiin dhawr iyo toban Suxufi oo ka hawlgala Saxaafadda gudaha iyo debedda ayaa waxa uu u qo r-naa sidan “Ka dib markii ay badatay dulmiga iyo tacaddiga uu afhayeenka madaxtooyadu ku hayo saxaafa dda G/Awdal, Isla markaana uu lumiyey sifaha lagu yaqaanno masuul qaran oo dhex u ah dadweynaha dal ka ee xidhhiidhka la leh hawshiisa, waxaan laga bilaabo maanta dib uga fiirsanaynaa wadashaqayntii an la lahayn warbaahinta xidhiidhka la leh Afhayeenka Madaxtooyada iyo kuwa madaxa bannaan ee Hargeysa ka soo ka dib markii uu ku kacay Afhayeenkaasi iyo ragga saaxibaddii ah ee iska leh Warbaahinta madaxa ban naani, arrimo door ah oo ay ka amid yihiin.




1- Isagoo Afhayeenka Madaxtooyadu mar kasta dulmi ku haya saxafiyiinta gobolka, Isla markaana Fursad kasta oo ay xukuumadda Hay’adaha dawladda iyo kuwa madax bannaniba ugu talogaleen Suxufyiinta dalka ka reeba kuwa gobolkan Awdal, kuna kooba kuwa ka soo jeeda haybtiisa ee ku sugan Caasimadda dalka.


2- Isagoo ku dhaqma sifo ka baxsan Qarannimada, Midnimada beelaha Somaliland iyo jidka loo mari karo Ic tiraaf raadinta mar kastana safarada dibedda ee Masuulyiinta Xukuumadda, Tababarada guddaha Iyo debe dda iyo mashruuc kasta oo ay Suxufiyiinta dalku ka faa’iideysan karto ka reeba kuwa gobolkan Awdal, taasi na macnaheedu noqon karo nin ku shaqeeya qabyaalad gobollaysan iyo mid cunsurinnimo oo Dadka walaal aha ah ee gobollada Somalland aan dhex oollin.


3- Isagoo Afhayeenku mar kasta oo laga hadlayo arrimaha dalka iyo doorka gobolka Awdal ka qaadan karo midnimada beelaha iyo qarannimada u jiheeya dhinaca kale, iskana indho-tira Saxaafadda ka baxsan Harge ysa.


Sidaa darteed ayuu imikana Afhayeenka madaxtooyadu wakhtigan safarka Madaxweynuhu ku tegeyo Koon furta Suudaan soo ururiyey ku dhawaad 15 saxafi oo isku hayb iyo magaalo keli ah, kuwaas oo uu Afhayee nku rabo inay Madaxweynaha ku wehelin doonaan safarkaasi uu ku baxayo, Hadaba waxaan madaxda sare ee xukuumadda iyo cid kasta oo jecel ictiraafka Somaliland u sheegeynaa in arrintani tahay mid ka hor iman aysa ictiraaf raadinta Qarannimada Somaliland iyo midnimada beelaha Somaliland, Waxaan soo jeedinaynaa haddii tallaabo laga qaadi waayo arrimahaasi Iyo talaabooynka ninkaasi, Aan xuquuqdayada saxafinnimo ka raadsan doonno ama kala xidhiidhi doonno meel kasta oo ay Soomaali joogto.




BAYAANKAN AYAA WAXA KU SAXEEXAN:


Maxamed Cumar sheekh
Abokor Xasan Caafi
Cabdalle Cali Yuusuf
Cabdifataax Axmed Maxamuud
Maxamed C/laahi Xuseen Dabshid
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqurux”
Maxamed Nuur Bilibili
Maxamed Cawaale
Xasaan Ciise Raage
Hashim Sh. Cumar Good
Jirde Axmed Rooble
Jaabir Cali Cumar
Cali Ismaaciil Aare
Maxamed Aaden “D-Adem.”


WABILAAHI TOWFIIQ.