Dhismaha Jidka U Dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh Oo Maanta Si
Rasmi ah Loo Bilaabay iyo Maamulka Cusub ee Hay,ada Dhismaha
Wadooyinka oo Ka Hadley

Kalabeydh (TNN)-Dhismaha jidka
Xidhiidhiya Tuulada Kalabeydh iyo Magaalada Xuduudeeda Tog-Wajaale
oo Qiyaas ahaan isku jira Sidiid iyo Toban Kiiloo Mitir ilaa
Labaatan Kiiloo Mitir isla markaa na, uu Madexweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhawaan dhagax dhigay
dabayaaqadii Sanadkii tagey 2012ka ayaa maanta si rasmi ah loo
Bilaabay Dhismaheeda.
Dhismaha Jidkan oo ay Bilowgiisa Maal galineyso Xukuumada Somaliland
ayaa maanta waxa si ras mi ah uga hadley Maareeyaha Cusub ee Hay'ada
Wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cusmaan oo Sheegay in ay maanta si
rasmi ah u bilaabeen Dhismaha jidkan oo Madexweynuhu ku balan qaadey
in ay Xukuumadu dhisi doonto iyadoo, dadweynaha iyo Gnacsatadana la
kaashan doonta Dhisma ha Waxaana ka mid ahaa hadaladii Maareeyaha
Cusub ee Hay,ada Wadooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan.
"Waxeynu maanta taaganahey Bilowgii ama himiladii iyo hamadii
Madexweynaha Somaliland Made xweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)
la bilaabo oo aheyd wadadaas lafdhabarta u ah dh aqaalka Wadanka
dhameyso oo maruun la dhiso waxa layidhi calool adeyg waa ala
Wehelkii waxa weeye calool adeyg ayaa lagu galey halkan in
labaatankaa Km lagu dhameeyo hadii ilaahay yidhaa iyadoo leh Tayada
Wadooyinka Caalamka laga dhiso ah oo lamid ah wadada dhinaca kale ka
soo Gasha Wajaale insha allaahu bi idmi laahu kariim"Ayuu yidhi
Maareeyaha Cusub ee Hay,ada Wadoo yinka Somaliland.
Waxa kale oo Isaguna halkaa baaq kooban uga jeediyay Dadweynaha mid
kamid ah Masuuliyiinta Hay,ada Wadooyinka Somaliland oo sheegay in
dadweynaha looga baahan yahey cidii wax ku dars aneysaa in ay kusoo
darsadaan Dhismahan Cusub ee Wadada Xidhiidhisa Tog-Wajaale iyo
Kalabeydh.
Waxa kale oo Isaguna halkaa hadal ka jeediyay Xoghayaha Fulinta
Maamulka D/hoose ee Degma da Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo
Sheegay in ay ka Maamul Degmo ahaan ahaan ka Qeyb qaadan doonaan
Dhismaha Jidkan Waxana kamid ahaa Hadalkii Xoghayaha D/hoose ee
Gabiley.
"Waa Maalin farxad noo leh Waayo waa Bilowgii Dhismaha Wadadii iskun
Xidhaysey Itoobiya iyo Somaliland iyadoo Muhiimad weyn u leh
Xidhiidhka Ganacsi ee labada dal oo ah lafdhabar dhaqaale oo iyaga
iyo inagaba (Itoobiya-Somaliland) wax weyn ugu filan anaguna ka
maamul Degmo ahaan intii awoodayada ah Waanu ka Qeyb
qaadaneynaa"Ayuu yidhi C/raxmaan Nuur Abokor Xoghayaha D/hoose ee
Degmada Gabiley.
Guud ahaana Waxa maanta howshii Bilowga Dhismaha jidkaasi ka Qeyb
qaadanayay Gaadiidka kala duwan ee Loogu tala galey Dhismaha jidkan
sida cagafyada Waaweyn iyo Iska Rogooyinka Ciida u daabula waxaanay
D/hoose ee Degmada Gabiley dajiyeen dhamaanba Howlawdeenada ka Qeyb
qaadanaya Dhismahan Jidka u dhexeeya Tog-Wajaale iyo Kalabeydh
Madaarka Kalbeydh ee Cidhif ka Waqooyi kaga Beegan Tuulada Kalbeydh
oo in mudo ah Xidhnaa.
Jidkan ayaa Sida laga Warqabo xudun u ah Isu socodka Gaadiidka
Labada dal ee Somaliland iyo It oobiya iyadoo, marar badan Gaadiidka
dalka Itoobiya ee u soo baqoolay Dhinaca Marsada Dekeda Berbera ay
Dhibaato kala kulmi jireen Xiliyada Roobabku da,aan Jidka u dhexeeya
Kalbeydh iyo Wa jaale islamarkaana dhibaato badan soo gaadhsiiyay
Gaadiidka iskaga goosha labada dal iyo Maga alada Wajaale iyo Dalka
intiisa kale maadama Kalbeydh wixii ka bilaabmaa ay yihiin jid laami
ah.
Wariye C/raxmaan Nuux(hiiraan)
Timacade News Desk
Kalabaydh,Somaliland
Email:hiiraan2007@gmail.com
|