Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhacay Goobta Diiwangalinta Ee Qoor-Gaab

 

Abaaro 12kii duhurnimo ayaa waxa xabadi ayku dhacday Alle ha u naxariistee Xamda Axmed Cabdi Miicaad oo da’deedu tahay 19jir iyada oo ku sugnayd goobta diiwaangalinta ee Qoorgaab ee dagmada Boorama. isla xabadan ayaa waxa ku dhawacmay gabadh kale oo aanu magaceedu ilaa hada soo gaadhin saxaafada
Goobta uu buuqani ka dhashay ayay ciidamada Boolisku ee saldhiga dhexe u gurmadeen, waxana la maqlayay in ay goobtaasi rasaas badani ka dhacayso.

Waxyar kadib ayaa waxa goobtaas isaguna ku dhaawacmay taliyihii booliska eesaldhiga dhexe ee magaalada Muuse Cabdilaahi Hanfi kadib markii uu ku dhacay gaadhia miinada ee boolisku, waxana dhimashada marxuumadan iyo dhaawacayada kala duwanba la keenay cisbitaalka guud.
Waxa kale oo ay saraakiisha caafimaadku sheegeen in taliye Muuse iyo gabadha Labaad ee dhaawacantayba ay fiican yihiin oo ay imika xaaladoodu ka soo raynayso.
Cisbitaalka Boorama ayaa waxa isaguna Booqday maayarka Boorama waxana dadka loo sheegay in ay isdajiyaan.

Ilaa hada lama oga sida ay gabadhan dhimatay xabadu ugu dhacday mana jiro ilo ka soo baxaya ciidanka booliska oo xaqiijinaya cida ay xabadan gabadha dishay ka fakatay.
 

 



Source:Lughayanews