DHIIRANAANTA HADALADA IYO FARO GELINTA MADAXDA SOOMAALIYA


WARQAD FURAN OO KU SOCOTA

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriadda Somaliland
Md. Axmed Muxamed Maxamuud
Og: Madaxweyne-ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil
Og: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md: Saleebaan Maxamuud Adam
Og: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland; Guddoomoiyaha Xisbiga WADANI
Md. Cabdiraxmaan Muxamed Cabdillaahi
Og: Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka, Md. Faysal Cali Xuseen
Og: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Muuse Biixi Cabdi.



MUDANEYAAL,

Marka iga guddooma Salaan,

UJEEDO: DHIIRANAANTA HADALADA IYO FARO-GELINTA MADAXDA SOOMAALIYA

Marka xigana dulucda an uu daadego:

Waa dareen muwaadin oo ka dhashay waayaha dalku marayo iyo guud ahaan majarhabowga ku habsaday haggidii siyaasadda dalka gudo iyo debedba. Maalin dhoweyd ayaa Dowladda Ingriisku ka dhawaajisay in shir Soomaaliyeed lagu qabandoono dalkeeda. Nuxurka shirka ayay dowladda Ingriiska ku tilmaantay sii ambaqaadka horumarka dowladda Soomaaliya gaadhay iyo in qaadhaan horumarineed deeq bixiyeyaasha ay ka mid yihiin wadamada G8!!Mar haddii sanqadh dhururi la maqlana waa bertenkii Orodka Marathoonka iyo anna weykan!!

Dab demis iyo hadba hadalo aad liita laguma hoggaminkaro masiirka ummadda iyo howlaha qaranku idiin igmaday intiina aan kor xusay. Waxay ummaddu idinka ulanaysaa siyaasad ku qotonta qorshe hufan iyo hannaan dowladnimo oo ka turjumaya yoolkii la higsanayay iyo hayaankii dheera ee rafaadka badnaa ee shacbiga Somaliland soo maray.

Laba iyo labaatan sannadood ka dib marnaba la idinka aqbalimaayo dhuumaalaysi siyaasdadeed iyo isdabawareeg. Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimkana waxa looga fadhiyaa wixii ay la kardhanayeen iyo ballanqaadayadii ay doorashadii madaxtooyada ummadda ku beerlaxawsanayeen ka midho dhalinteeda.

Golayaasha Sharci Dejintana awoodohoodii Distooriga ahaa oo ugu horeyso dheelitirnaanta tiirarka dowladnimo iyo habsami u socodka maamul ee dalka. Labadii Gole ee sharci Dejintu waxay isurogeen goob hadba sharciyada waaxda Fulintu daneynayso durduro iyo duuduub loogu ansixiyo, iyadaan dood iyo lafogur midna laga yeelan. Sida Distoorka dalku qeexayo waa in muraayada laga dheehdaa seddexda waaxood oo isu dheelitiran. Taa la'aansheheedu waa mauul dhinac ka raran iyo dowladnimo gaddoonta.

Intaa haddaan halkaa kaga gudbo bal an u daadego hoggaankii Soomaali koonfureed oo sidii dhurwaagii barqada baraaruga hurdadii asxaabul-kahaf ka soo toosay kuna hadaaqaaya hashii midnimo la odhanj iray ha la baadi goobo.

Tan iyo maalintii Muqdishu lagu yab-yabay xukuumadda magac u yaalka ah ee Soomaaliya sidii kuwii ka horeeyeyba caadada u ahayd, waxa ka soo burqanaya hadalo duraya dhegaha iyo dareenka dadka ku dhaqan Somaliland. Waxa ugu horeeyey Xasan Sheikh Maxamuud oo raadgoobaya dhaqaalaha Berbera oo damac iyo Hunguri ka galay; waxa xigay Raiis Ul Wasaaraha oo isna ka hadlaya ujeedada ay ka leeyihiin wadahadalo Soomaaliya iyo Somaliland oo ah dib usoo noolayntii wax u ku tilmaamay 'midnimo Soomaaliyeed'. Maantana waxa hadlayey ninka la yidhaa Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo isna sheegay sannadkii midnimada, isku tiirsanaanta, barwaaqada, iyo iscafinta!! Jaawaarina halkaasu karmiici isugu rogay! Tolow nimankan miyaa lawaayey cid ku tidhaa: "Waar Soomaalinimo dhimatoo seedi iyo abti weydey samir Allah qaata intaan suurta la afuufin."

Dhuranka madaxda koonfureed wax ka horeeyey Madaxweynaha rasmiga ah ee Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga oo sannadkii inna dhaafay dabayaaqadiisa Madaxweyne Axmed Muxamed Maxamuud qooraal bahdilaad ah la soo badheedhay; isaga oo madaxweyne ummaddi dooratay ku tilmaamay Badhasaab Gobol ka mid ah Soomaaliya. Jawaabtii dhacdadaasi waxay xukuumadda Somaliland ku qaadatay seddex todobaad!!


Marka aan arrimahaa iyo qaar kaleba isku soo wada xoorino kana duulayna sida ay xukuumaddu isku mashquulisay mashruuca la yidhaa foosto gobolo gunta ka daloosha- Waa mashruuca wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo qaabka ilaa hadday ka qaybgalkiisa loo maamulayo.

Innaga oo sooyaalka taariikhdii soodaran habowga ahayd ee 1960 iyo midowgan ilaa hadda Soomaali koonfureed isku maaweelinayso. Haddii 1960 wax midow la yidhaa jiray muxuu ku salaysnaa, sharciyaddiisu maxay ahayd, qaabka loo midoobay ee heshiiska lagu ahaa siduu u dhignaa?

Sidaa xaalku haddu yahay waxa xukuumadda dalka Somaliland ka talis iyo Goilayaasha Sharci Dejinta ee shacbigu igmaday, iyo waaxda Garsoorka waxa laga sugayaa in ay ummadda u caddeeyaan kana qanciyaan arrimahan soo socda:-

Inta Distoorka Soomaali Koonfureed sheeganayo dalka Somaliland in uu qayb ka yahay; macnaha wada hadalku yeelanayaa muxuu yahay?
Inta ay xildhibaano ku abtirsada Somaliland ka mid yihiin xukuumadda koonfureed wadahadalka madasha yaalaa muxu yahay?
Qaabka hadda wada hadalada lagu maamulayaa waa biyo kama dhibcaan iyo hal bacaad lagu lisay 'e ha looga wareego waji kale;
Maadaama Soomaali konfureed dafirsantahay jiritaanka shacbiga Somaliland iyo xaqa ay u leeyihiin madaxbannaanidooda midnaba, sababta loo wada hadalayaa maxay daarantahay;
1960 lab dal oo mid waliba goonidiis xoriyad u helay ayeynu ahayn;
1960 xildhibaano Somaliland ka soo jeeda dhinac koonfureed miiskii wada hadalka kama fadhiyin; maantana koonfuri waxa la soo mutuxantahay wada hadalada waxa nooga qayb geleya dad dhalasho reer Somaliland ah oo miiska gorgortanka soo fadhiisanaya;
Haddiiba laga maarmiwaayo in la is horfadhiisto, hawshaasi kuma koobnaan karto xukuumadda talada haysa oo keli ah; waxa waajib qaran ah in Axsaabtuna kaalintooda ku yeeshaan.


Maanta ka horow hadalada madaxda koonfureed ka soo burqanaya iyo weliba dhiiranaanta iyo kalsoonida ay isku qabaan iyo cidda carabka u laalaadisay waa in xukuumaddu oogta ka caddaysaa. Wax la isu hadoodilayaa ma jirto dadkana yaan lagu maaweelin khuraafaad; jidka loo marayo dib u hanashada qarannimadii luntay wada hadal koonfur lala yeesho oo keli ah kuma xidhna oo sharci caalami ah oo inagu sandulaynayaa ma jiro oo weynu ognahay 'e marinada kale yaan idhaha laga lalin; hab ma dhalays ah ma haboon in wakhti lagu lumiyo.

Xukumaddu waxa u xislsaarantahay in ay toos ugu jawaabto cidii karaamada iyo sharafta Somaliland ku xadgudubta. Hadda wey tiro beeleen deelqaafyada isdabajooga iyo farogelintii Soomaali konfureed; sida darteed waxa xukuumadda waajib ku ah in ay deg deg u xidhay irridaha ay sida dhayalka ah u furtay oo haddii reer koonfureed lala xaajoonayo habka wada hadalada laba geesoodka ah ha lagu dhaqmo. Wixii intaa dhaafsani waa derbi jeedh iyo jar iska xoornimo.


Wa taciyahaa udunun waacyia, Dhegihii Alla waaniyaa weedha kaa maqlee maba oga warkaa!
 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse.
January 17, 2013