Dhiilladda Soomaaliya Iyo Dhawaaqa Xajiinta Leh Ee Dhaawacay Miiskii
Wada Xaajoodka
Hargeysa (TNN):- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed
Cabdilaahi Cumar ayaa hor tagay fadhigii Golaha Guurtidda, waxa uu
daboolka ka qaaday inay Somaliland dhinaceeda ka sii wadayso wada
hadaladii laba geesoodka ahaa ee u socday xukuumadda uu ka tirsan ya
hay iyo dawladda Soomaaliya.
Xiliga Wasiirku sidan leeyahay waxa jira dan-qaabooyin iyo hadalo
dhiifle oo madaxda dawlad da Soomaaliya labada Masuul ee ugu
sareeyaa ay ku tuur-tuurayeen Somaliland oo ay xaqir een masiirka
ummadda Somaliland. Waxay adeegsadeen kalmado ka baxsan haybadda
dublam aasiyadda oo muujinaya qotada nacaybka ay u hayaan
qaranimadda Somaliland. Sidaas mark ay tahay soo Somaliland lama
gudboona inay ka ficilo qaataan oo ay xadhkaha u jaraan cilaaq aadka
curdinka ah iyo wada hadalada bilowga ah ee u dhaxeeya Somaliland
iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud waxa uu hadal uu ku soo
beegay 22 guura dii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada
madax-banaanida Somaliland ee 18-kii May waxa uu dawladda iyo
shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay iska iloobaan wax uu ugu
yeedhay caadifad iyo taariikhihii hore ee dhacay.
Kalmadahaasi waxay marag u yihiin sida darafkii Soomaaliya ugu
tuntay qodobkii 7-aad war-murtiyeedkii Ankara oo dhigayay in labada
geesood ay iska jiraan wixii hagar daamayn kara jawiga wada
xaajoodka. Markaa miyaanay haboonayn in Somaliland ay dacwad ka dhan
ah deel-qaafka Soomaaliya u gudbiso dawlada Turkiga oo ah
dhex-dhexaadiyihii marti gelinaya wada hadalada dhawaan lagu wado
inay ka furmaan Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, si loogu sii
ambo-qaado shirkii Ankara.
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxeexay heshiiskii Ankara waxa
dhawaaqiisani calaamad u yahay inuu shaaciyay inuu ka baxay wada
hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo markii hore uu hammuun u
qabay.
Waxa kale oo taasi caddayn u ah dagaalo siyaasadeed oo uu ku qaaday
Somaliland oo ay ka mid tahay inuu sawirtay inuu khidmada hawada
Somaliland jeebada ku shubto oo lagu dhiso Muqdisho iyo Baydhabo.
Waxaanu qaaday isku day waji gabax ku dambayn doona oo ay kala
shaqeeyeen Qarramadda Midoobay.
Xukuumadda Somaliland Tallaabo loo guuxay oo ay ku nafiseen rayul
caamka bulshadu ayay kaga dareen celisay , waxaanay hawadda
Somaliland ka mamnuucay duulimaadyadda Qarramada Midoobay laga soo
bilaabo 15-kii Bishan. Ma jiro illaa imika diyaarad UN-ku leeyihiin
oo soo cago dhigatay madaarrada Somaliland. Waxa go’aankaasi
geesinimada ahaa uu u dhaqan galay sidii loogu tallo-galay.
Somaliland waxay muujisay bisayl siyaasadeed iyo dul-qaad wakhti
badana iskamay lumin inay u jawaabto madaxweynaha Muqdisho ee
duruufaha aanu ka dabaalan karini miiska u saaran yihiin ee
dalkiisii sii fag-mayo marka laga qiyaas qaato dhaq-dhaqaaqyadda ka
socda Kismaanyo iyo guuxa ka jira deegaano badan oo kale oo doonaya
inay ka goostaan dawladda Muqdisho.
Xasilooni darrada Muqdisho iyo dhiilada saacad walba xafiiskiisa soo
gaadhaysa ayaa jaha-wa reer ku furtay Madaxweynaha Soomaaliya,
waxaana dadka odorasa siyaasaddu ay ku dooday aan inay Sheekada
Soomaaliya ay dhaaftay intii ay garan karaysay xukuumadda Muqdisho
ee lagu naanayso “Dhiiga Cusub” oo ka kooban kooxaha nusqarni ku
dhawaad Soomaaliya u xidhnaa shaadh la yidhaahdo “Ururada bulshada
Rayidka ah”
Somaliland waxay dhawraysaa gogosha caalamku ku wada hadashiinayo
Soomaaliya illaa inta lagu kalifayo inay candhuufteeda dib uga liqdo
inay miis la soo fadhiisato dawlad rahmaad ku dhisan oo aan gaadhin
heerkii lagu aamini lahaa in heshiis lala gaadho.
Aflagaadada Xasan Culusow-ga Muqdisho waxa shacbiga Somaliland ka
dhaq-dhaqay khudba dii Madaxweyne Siilaanyo u jeediyay ummadiisa
munaasibaddii 18-kii May oo loo oogay sidii ugu weynayd waxaanu
sheegay inaanay dib u soo noqonaynin riyaddii Somali-weyn.
“Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada
annagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan
moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin
ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin baxno, waanu soo
tija abinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma
nihin riyadii beenowday ee 5tii Soomaaliyeed,”ayuu ku sheegay
Madaxweynuhu khudbadiisa.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaas raaciyay “Wax kastoo ay nagu
kalifto Madax bana anida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan
Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay,
gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.”
Cumar Maxamed Faarax
|