Sheeko Xiisa Badan: Dhibbane Jacayl

 

 

Xaawa iyo Xasan, waxay ahaayeen laba qof oo deris ah sidoo kalena wada dhigta dugsiga sare. Waxay s heeko wadaag noqdeen markay ahaayeen fasalka 3aad ee dugsiga sare. Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan iyaguna waxay ahaayeen dad aad iskugu dheer oo inbadan jaar ahaa. Aabbaha Xaawa, waxa uu ahaa nin shaqaysta oo muruqmaal ah. Halka aabbaha Xasanna ka ahaa nin Ganacsade weyn ah oo magaa lada laga yaqaan.

Xidhiidhkoodu wuxuu socday muddo 2 sano ah. Sannadkaas waxay noqdeen dad la yaqaan xidhiidhkooda Wiilasha jeclaysta Xaawa inay haasaawe wadaag noqdaan waxay markiiba ogaan jireen inay Xaawi, xidhii dh qoto dheer oon jirriddiisa la rujin karin la leedahay Xasan.Xaawa waxay jeclayd in ay markay dhamma ysto dugsiga sare gasho Jaamacad dibbadda ah, hase yeeshee nolosha qoyskeedu umay ogolaan Jaama cadaha dalka ka baxsan.

Halka Xasanna isaga looba xareeyey Jaamacad dibbedda ah isagoo dhammaysan fasalkii saddexaad ee d ugsiga sare. Waxay isku afgarteen in jacaylkoodu ku soo jarmo, yagleel guri iyo inay noqdaan qoys ballaa dhan markay dhammaystaan dugsiga sare, ka dibna isagu u baxo Jaamacadda uu doonayo ee loo xareey ey.

Sannad ka dib waxa u dhammaaday dugsigii sare, imtixaanaadkiina waxa loo soo dhajiyey 3 billood gudah ood ka dib. Labadooduba waxay keeneen darajo lagu farxay, waayo? Aad bay ugu fiicnaayeen waxbaras hada. Sannadkasta waxay kaalmaha hore ka gali jireen dugsiga ay dhigan jireen. Xasan, waayadan danb e waxaad mooddaa in uu yareeyey xidhiidhkii Xaawa! Xaawi markasta oo ay la xidhiidho waxa uu ku gaab san jiray,” Mardhaw han kula soo hadlo hawlbaan hayaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaabsan jiray. Maalmihii hore waxba kamay soo qaadi jirin, hase yeeshee waxa badatay hawsha uu sheeganay o.Way garan way day waxa sidan ugu wacan. Waayo? Umay baran, maalintii toddoba jeer haddii aanuu la soo hadlin cunto kamay degi jirin. Segsaagiisu hadday socotay muddo 3 billood ah, waxay la socodsiisay arrinkii, hooyade ed balse hooyadeed way u caqli celisay waxay u sheegtay in ay dulqaad samayso intay samayn karto. Waxay u sheegtay Raggu markay wax maaggan yihiin inay hadalka ka gaabsadaan, waxa kale oo ay u s heegtay Raggu markay wax doonayaan ama ay tabanayaa in loo dhug yeesho. Inkastoo hore loo yidhi, “Waayeel korkiisu waa wada indho” wax aan inanta u muuqan ayaa hooyadeed u muuqday.

Waxaa u muuqday in uu wiilkii aanay ka seexan jirin inanteedu isla markaana la soo hadli jiray markasta uu si toosa uga jeedsaday. Waxa kaloo u muuqda in aanu guur, diyaar u ahayn! Wixii intaa ka danbeeyey wuxuu jaray xidhiidhkii, Xaawa Uma dulqaadan karto Xasanbaa maanta kaa sii jeeda, uma dul qaadan ka rto Xasan wuu ka duldoorsaday. Xidhiidh xumadii iyo segsaagii Xasan waxa ka soo wareegay muddo 1 bil ah. Habeen habeenada ka mid ah ayey ku ballamisay goob ka mid ah goobaha lagu caweeyo si ay toos uga maqasho waxa uu damacsanyahay. Haddii la casheeyey waxay gudo gashay waydiintii ay u socotay. “Xaawaay adiga la’aantaa ma noolaan karayo adba waad ogayd balse guurkeenna hadda diyaar uma ihi. Jaamacadda markaan soo dhammaysto haynu is guursanno keliya waa 4 sano iyo 2 sanoo kaloo lagu dar ay, lixdaa sano anba waan ku sugi lahaaye i sug.” Ayuu hadalkiisii ku soo afmeeray! Nacasanaa. Waa gab adhee ta sugaysa nin lix sano oo cir iyo dhul looga iman? Isagu se’ muxuu iskaga soo qaadi waayey ma is agaa haddaa sugi lahaa?

Xaawa waxay ahayd inan Illaahay ku mannaystay Aqoon iyo Garaad badni, dulqaad iyo dareen wacan. Kumay degdegin ka falcelinta, duryanka Xasan waxayse’ ugu halcelisay,” Waa inoo toddobaadka soo soc da iyo halkan isla maalinta Axadda anigaa ku soo siin doona warcelin dhammaystiran. Wuu ka yeelay bals e wuxuu doonayey in ay degdeg ugu tidhaa,” Waar na dhaaf ballaayaa ku guursata wuxu muxuu ahaa?” Balse may odhan.

Iyadoo cago jiid ah ood mooddo qof Geeri loo soo sheegay ayey ka soo dhaqaaqday goobtii ay iskugu yi maadeen, Foolkeeda naxdin badan ayaa muuqday, jidhkeedana tin iyo cidhib xummad baa qarqisay. Aadbay u oommantahay oo Hunguri cadkaa qallalay. Durtaba diifta ka muuqata dusheedaad ka dareema ysaa. Waxay u soo hollotay dhinacaa iyo gurigoodii iyadoon joogin Adduunka, Aakhirana tegin! Goor caw aysa ayey durbadiiba ku soo noqotay gurigoodii. Waataas iyadoo marooro dillaacsan, hooyadeed bogge eda ku dul dhacday, waataas baroor qabsatay. “Hooyo, Xasan wuu i nacay.” Ayuu noqday hadalkii kowa ad ee ka soo baxay Afkeedu. Maxay la barooran ma waxay ugu horreysay mid laga tago, “Miskiin” dhe’ iska daa jacaylkaa ugu horreeyee. Iyada cidiba may guursane, immisa Raggaa ka daldoorsaday haweenk oodii oo carruuro u haya? Tiro ma leh. Hooyadeed inbadan ayey u caqli celisay. Waxay uga warrantay dhi baatooyinka jacaylka ugubka ahi soo maro. Waxa kale oo ay u sheegtay in Rag oo dhami isku mid ahayn oo laga helayo mid wanaagsan iyo mid xun. Taasi waxay u raacisay in ay heli doonto mid Xasan ka wanaa gsan, oo koolkooliya weliba “Ha dhicin ha jabin.” Gura. Haddii boggii hooyadeed ku baroor dhammaystay, aabeheed ayaa yimi aqalkoodii oo shaqadiisii maalinimo ka yimi.

Markuu ogaaday siday wax u dhaceen ayuu go’aansaday in uu arroortaba warraysto yarkii Xasan ahaa. Muxuu ugu tegayaa odaygu wiilkan cirka isla maraya? Ma Xaashidii furniinkaan inantaada siinayaabuu ku yidhi? Mayee aabbuhu wuxuu u diiddayaa inantiisa, wadne xannuun iyo inay marooro dillaacdo. Waana aabbe garanaya illaalinta ubadkiisa. Arroortii, hadday gaadhay odaygii wuxuu la kulmay yarkii Xasan aha a. Waydiin iyo wercelin dheer ka dib odayga waxaa u muuqatay in aanuu yarkan yari diyaar guur u ahay n. Oo maxaa marka hore waalayey ee u lu’goynayaa miskiintan yaree Xaawa? Mooyi. Dee Jacayl aan jiho lahaynbaa ku dhacay maxaanu ka garan. Aabo Cali, waa Xaawa aabbeheede wuu ka soo noqday waxana uu inantiisa u sheegay in aanay ka sugin Xasan, “Mustaqbal nololeed” “Aabbo beddel barakaysan ayaad heli.” Ayuu ugu dhisayaa inantiisa si aanay waxyeelo u soo gaadhin. Toddobaad ka dib waxay go’aansat ay in ay u sheegto go’aankeeda Xasan. Haddii lagu kulmay barradii lagu ballamay, waxay u sheegtay inay caawa iskugu danbayn doonto isna doqonniimadiisa wuu ka yeelay. Nasiib darranaa ninku! Wixii intaas ka danbeeyey waxay noqotay Xaawi, maqane haddana jooga, macag-u-yaal haddana meel dheer kaa xigin.

Xaawi cunto iyo cabitaan way ka go’day balse maxay ugu taalaa kii Xasan ahaana wuu iska dhoofay oo warba kama hayo. Nasiib darrane wuxuu ka tegay, gabadh jeclayd oo ku jeclayd ardaynimadiisa.

Xaawi waxay la ildarnayd jacayl aad u baaxad weyn muddo badan welina la il darran tahay. Waxay noqot ay Dhibbane Jacayl oo aad u nugul. Xasuus aan dhammaad lahayn ayuu ku noqday Jacaylka Xasan.

Dhammaad

Fiiro gaara: Sheekadani, waa sheeko la iiga sheekeeyey aniguna aan ku cabbiray qalinkayga.

 

 

 


W.Q: Faadumo Buuni
libaaxo.77@gmail.com
Hargaysa Somaliland