Dhibaatada kala haysata, Xayaysiinta shaqooyinka iyo dhalinta Jaamacadaha ka baxday!
 

 


Marka hore waxan salaamayaa dhamaan hawl wadeenada shabakadaha dalka oodhan kuwaas oo aan u hibaynayo salaan ay ku mutaysteen kaalinta wax qabad ee ay dalka kaga jiraan  anig oon kala qaadayn, iyaga oo u sahlay inay muwaadiniintu si fudud ra’yigooda ugu cabiraan iyo waxay tabanayaanba, salaam ka dib.

Sida aynu wada ogsoonahay muwaadiniinta reer Somaliland waxay xaq dastuuriya ah u  leeyi h in inay fikirkooda ku cabiran si waafaqsan qodobka 32(1) ee dastuurka JSL, hadaba markaan intaa ka imaado waxan jeclahay inaan halkan ugu soo gudbiyo akhristayaasha maqaal aan  ka ga hadlayo dhalinyarada jaamacadaha dalka ka baxay gaar ahaan marka shaqooyinka lagu  so o xayaysiiyo warbaahinta dalka sida daraadeed maqaalkan oo aanan iska soo qorine waxyaalo badan aan uga soo taagnaa baadhitaana aad ahna aan ku sameeyay sababtoo ah inaad wax iska qortid aanad xaqiiqdeeda hayni ma fiicna akhriste.

Sida aynu wada ogsoonahay dhalinyaradu waa lafdhabarta bulsho kasti ay ku faanto  tidhaa hdona dalka dhalinyaraa u soo kacaysa iyo sida aan dalkeena looga ogayn kaalinta ay  dhaliny aradu ku yeelan karto horumarinta dalka.


Hadaba, waxyaalaha igu kelifay maqaalkan inaan qoro waxa kamid ah


Tusale: shaqo ayaa la soo xayaysiinayaa waxana lagu soo qorayaa shuruudihii looga baahnaa qofka shaqada soo xeraysanaya oo ay ka mid yihiin inuu qofku shahaadoo noocaas ah sito  in uu waaya aragnimo u leeyahay shaqada inuu dhowr sano oo khibrad ah leeyahay.

Bal hadaba akhriste adigoo dhanka fiican ka eegaya qofka shaqadaas xeraystay  shuruudahe edana buuxiyay, aanse helin shaqadii marka calafka laga yimaado maxaad sabab u dhigi  laha yd?

Hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo su’aashaas oo aan dhowr jeer wax iska waydiiyay  anig oo akhristayaashana siinaya fursad ay kaga jawabaan sida ay ula muuqato

Waxan u soo taagnaa shaqooyin badan oo dhalinyaradii buuxisay shuruudaha looga baahnaa aan helin ee uu helay qof laga yaabo hadii imtixaanka si cadaalad ah looga wada qaadi lahaa uu kan shuruudaha buuxiyay heli lahaa.

Waxan kaloo aan arkay akhriste shaqooyin badan oo dhalintii jaamacadaha ka soo baxday laga siiayay kuwo aan jaamacad gelin amaba dugsi dhexeba soo dhaafin taasoo aan u aanaynayo cadaalad daradu halka ay ka gaadhay umadeena.

Waxan kaloo akhriste u soo taagnaa shaqooyin badan oo lagu xayaysiiyay jaraa’idada dalka islamarkaas la xayaysiinayo shaqada booskeedii laba buuxiyay oo lagu shaqaynayoba balse looga jeedo afgobaadsi iyo in indhaha dadka layska jeediyo taasoo akhriste aniga laftigayga igu dhacday!

Waxan kaloo akhriste u soo taagnaa amaba aan ka marag kacayaa in shaqooyinka qaar aan examination iyo interview midna la qaadine dhabarka lays taabto iyadoo loo baahnaa in lagu kala saaro dadka.

Waxan kaloo akhriste dhalinta badankeedu ka cabaynaysaa shaqooyinka hay’adaha ajnebiga ah, ama UN-ka kuwaas oo marka ay dalka imanayaan, la yimaada iyagoo shaqaalahoodii oo dhan wata.

Waa gar akhriste hadii ay hay’aduhu keensadaan shaqaale shaqooyinka aanay muwaadiniintu qaban Karin amaba aanay awoodoodii lahayn inkastoo aanan isleeyahay dadkeenu/dhalinte enu shaqo aanay qaban karayn baa dalka ka jirta

Guntii iyo gebabadii yaa ka mas’uul ah waxaasoo cadaalad daro ah? Yaase laga doonayaa inay kaantaroosho ama ay dabagal ku samayso?


Hadaan isku dayo jawaabta labadan su’aalood sida aynu wada ogsoonahay waxa dalkeena ka jirta, hay’ado la yidhaahdo hay’ada shaqaalaha iyo weliba gudi madax banaan labour board oo uu sameeyay madaxweynuhu loona sameeyay inay xaliyaan khilaafaadka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha soo kala dhexgala weliba private institutions-ka hoos yimaadana wasaarada  caa fimaadka iyo shaqada.

Hadaba akhriste dhamaan hay’adahani waxay awood u leeyihin inay wax ka qabtaan  dhacdo oyinka aynu sare ku soo xusnay balse nasiib daro mid isku hawshaa aanay jirin ayna  moog yihiin howshii loo igmaday.

Waxaan hadalkayga guntin uga dhigayaa amaba aan ku soo gebagebaynayaa tuduc ka mid ah maansadiisii TABALAHA WAKHTIGA ee uu tiriyay Alle godka haw nuuree X. Aden “Afqaloc”

Waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye mid kaloo ka daran baa jirtee taana bal aan  shee go:
 

 


Jaamacad nin tegey oo digrii tuu layimi haysta

Oo inuu dalkii wax u tariyo tacaba doonaaya

Oo taana loo baahanyahay toogtan sida joogta

Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadumkaw diidaye

Oo reerkii tegi waayay oo camal la’aan taagan

Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye

Waa la doogiye yaan la dacaroon
 



Fiiro gaar ah: Waxa uu xalku noqonayo waxan u dhaafayaa akhristayaashu inay fikirkooda ka dhiibtaan.




ALLAA MAHAD LEH

 

 

By: Aden Ali Jibril
UOH: Faculty of Law and Legal Clinic
Xamaas05@hotmail.com
Tell: 4155709