DHAYAL KUMA KACAANOW DHUUXMAROODI WEEYOW
WAA LAAND DHABOW GOB AH.

 

 

Dhayal kuma kacaanow, dhuuxmaroodi weeyow, waa laand dhabow gobah,dhaqan bay u leeyiin dheg xumad a ay diidaan ,Afweynay dhirbaaxeen Afraad bay ku dhiliyeen, geesiyadii dalkani dhalay. Duqii waabu talax ta gay wuxu kuba tawaawacay tuug lacagta guran jiray iyo tiro yar bay ahaayeen,tamar waxay lahaayeen tac abkoodii shalay huray
 

Kaalintee ayey hadaba kaga jirtay Gabiley aasaaskii Somaliland, waxa la aasaasay jabhadii Afraad 1978kii markii loo adkaysan kari waayey nacabkii dalka haystay ee Afweyniyo, qaxootigii lagu fasaxay.Hubkay dhali ntii gurteen go'aan Gabiluu ahaa iyadoo gayigaba hadal ka jirin .Jabhadii Afraad waxay ahayd ciidankii u hore eyey ee ay yeelato SNM,waayo waxay ahayad ciidan dhisan oo sii jiray waxana hogaamiye u ahaa Mohamed Farah Oulow {DHUXUL} iyo qaar kaloo badan.Haddii aan is idhaa wuxugaa ka taataabo halyeyadii xoreeyey dalka, jeexayna habkii lagu soo galay Alle ha u naxariistee General Xasan Yonis Habane, oo aanay jirin cid so maliland ah , oo maanta in loo sheego u baahan wuxuu galay iyo wuxuu guday eebbe raalli ha ka ahaadee.

 

Ayuu ahaa ninkii keenay in Somaliland lagu dhawaaqo xornimadeedii magaceediinna la soo noqoto wuxu ahaa alle ha u naxariistee Mujaahid YAXYE SH IBRAHIM Maalintii Burco la fadhiyey markii laysku mariwaayey ilayn ragu magaca guudiyo gadhka wuu ka siman yahay ,ayuu seef ninmo galka ka saaray eebbe raalli ha ka ahaa dee waxa ku raacsanaa Maxamed Halac ooy saaxiib ahaayeen,dhamaan siyaasiyiintii goobta joogay waxay kala horyimaadeen diidmo adag marka laga reebo Majaahid Xasan Ciise Jaamac {beenaale markhaatigiisa ay uu fogeeyaa Waxad dhagaysataan waraysigii u kaga hog waramay siday wax ahaayeen bilaw laa dhamaad 20aad guuradii Somaliland {Hadhwanaagnews}.

 

Abdillahi Dhegaweyniyo aaway dhaladadeenni dhulka hoos u galay tani.Muxuuse noqday abaalkii ay lahaaye en UUbadkii ay kaga tageen adduunkani aan ku noolnahay .In la wanjalo waxaanay gayin iyo gud madawba lagu rido lana yidhaa Xasan Yoonis baa dhaloo waa inaan xiraynaa,miyaanay ahayn qorshe si dhab ah looga shaqeeyey,in Sh.Almi Yaxye Sh. Ibrahimsi ,badheedh ah loo wanjalo,wax aanu uba abuuraynna lagu sheego kuwii dhiigooda iyo waxay dheef abid lahahaayeen dhulkii hooyaba u huray.

 

Ayaase ka danbeeya waxaa soo dhan soo maleegaya ugaadhsiga gaar ahaaneed ee Gabiley ku socda waa xukuumaddii ka heshay Gabiley 48kun oo cod ,fardahana lagu soo dhaweeyey,ma shiri karaan golihii la soo doortay ee degmadu,Odhadku iyuu ku gaar yahay ,xadhiguna xaradooda weeyaan,sideebay wax u socdaan dalkii ma ayax baa ku degay, weliba an difaaci karin, muxuu duulkani ahaa miyaanay dadnimada aqoon damii kani xaguu ka yimid,dunidu way yaabantee,intaanu dayaanku dhicin miyaad dadka daysataan danyarta ad il aalisaan. KABAA laga hadlayee , KEEBKAA berri hoy ku xigi.

 

 

 

 

  Abdirahman Ibrahim Bouh