DHAWRSAN
“Curiye: Cabdiraxmaan M. Cali Ubaxle”

 


Maansadu,waxa ay hoga-tusaale siinaysaa dhallinyarada maanta,gaar ahaanna hablah a.As adoodanka fiican,habdhaqanka wanaagsan,dhawrsanaan iyo anshax sarreeya ayay ku haga ysaa hablaha.Waxa ay dareensiinaysaa waajibaadka saaran qof ahaan,qoys ahaan,qaran ahaan iyo qowmiyad ahaanba.Si mug leh oo aan la dhudhumin karin ayay u tusaysaa kaalinta ay bulshada kaga jiraan.Kaliya ma tusayso kaalintooda,balse waxa ay uga digaysaa raacidda laaca aan meelnaba gaadhsiisnayn iyo dhaldhalaalka nafta hogag qarsoon iyo haadaamo fog ka tuuraya.
Dhawrsan, waxay ku dhiirrinaysaa bulshada guud ahaan,gaar ahaanna hablaha barashada c ilmiga iyo aqoonta; mid maaddi iyo mid diiniba. Waxa ay bog dooxaysaa nolosha quruxda bad an iyo sida gobonnimada ku jirto ee loo baahanyahay inay u fikiraan; oo ah hab kasta oo saa mayn ku yeelan kara nolosha, sida: go’aanka, kalsoonida jacaylka, dad la dhaqanka,raaligalin t a, dulqaadka, samirka iyo baarrinimada waalidka.Ka sakow halqabsiga Dhawrsan iyo hogatu saalaynta hablaha,si guud oo hoos iyo sarba leh waxa ay maansadu faraysaa bulshada dard ar galinta iyo barbaarinta ubadka ,ku boorrinta aqoonta , wanaagga iyo ku biirinta wixii dhiiri galin iyo waayo aragnimo ah.


Dhawrsan waxay tidhi:

 

 

Sida dhibicda roob dal dhammeeyay
Dhulkoo daadku uu mulacyeeyay
Dhoolguyeey dhirtoo midabaysay
Dhamas iyo sidii dhebi muuqday
Dhexyareey dhamays qurux sheegtay
Dhal gobeey dhabeel la ilaashay
Waxad tahay dhalaal midab goobay
Waxad tahay mid iin laga dhawray
Waxad tahay qof Eebbe dhammeeyey
Waxad tahay faceeda mid dhaaftay!

*****
Dhibyareey habeen dhaladeeya
Dhidbaneey dhagdheer iyo sheeko
Ilmahaan yaraanta ku dheelin
Ama hooyo dheegga ku qaadin
Ama aanay heesta ku dhiirrin
Ama aanay naaska dhansiinin
Dhagdhacnaantu way han dishaaye

*****
Anigaan dhammooy ku ammaanin
Anigaan intaada ku dhaafin
Dhab u sheeg xaqiiq la abbaaro
Runta iyo wanaag la dhagaysto
Murti iyo dhanbaal la xasuusto
Talo dhaxal gal aan la hilmaamin
Dhalsaneey haddaan ku idhaahdo:
Adigaan dhulkaaga ka roorin
Adigaan shisheeye u dhoofin
Adigaan dhis-dheer ku riyoonin
Ilbaxnimo middii dhalanteed ah
Quruxdiyo hawada dhaldhalaalka
Dhadhab iyo hungay noqotaaye
Dhallintiyo barbaarta ku taama
Dhudiyeey adaan u dhegtaagin
Wacdigiyo Quraanka dhagayso
Cilmigiyo aqoonta dhammayso
Dhankastaba kalsooni dhitayso
Ixtiraam dhammaan bulshadaada
Ubadkiyo dhallaanka ha hiifin
Dhaxdintiyo xigaalka ha goynin
Dhibirsami dadkoo dhan u muuji
Marka ay dhanaanniga gaadho
Marka ay dhawaawilan qaaddo
Marka ay dhibaato dareento
Dhagarbay haween ku xantaane
Dhirradhabto haynagu laynin
Dhuxda iyo war beena ha dhuuxin
Dhusdhus iyo wareeg ha ku raagin
Dhababacada haynagu jiidhin
Qosalkaagu yuu dhul fog gaadhin
Hadal dheerna yay kugu sheegin
Mar haddaan aroos la dhidbaynin
Mar haddaan lamaane dhismaynin
Mar haddaan xishood laga dheehan
Mar hadduu Waraabe ku dhuunto
Mar hadduu Dhurwaa ku shaqaysto
Mar hadduu dhan-xiir ku qudhaabto
Cishqigiyo jacaylku dhabmaaha
Inta aan Libaax ku dhammaysan
Inta aan lagaa dhinac yaacin
Inta aanad dhiillo xanbaaran
Qalbigiyo naftaada ha dhiibin
Hana dhibin qof kuu dhimanaaya
Hana dhihin waxaan la jeclaysan
Hana noqon dhabcaal laga yaabay
Hana dhigin waxaad duni hayso
Ha-ka-biqin inaad calaf dhaafto
Haka dhurin qof dhuuni istaadho
Hana noqon dhul-jiif la hal-haysto
Dhukaniyo qof dhoohane mooga
Ha is dhigan dhaliisha ha diidin
Noloshana dhammays haka doonin
Ummaddaada hayska dhex saarin
Asturnaantu waa dhaqankeene
Dhawrsaneey xijaabka ku dhaado
Dhiriq iyo xumaan kaga dhawrso
Dhag xumaana hawba dhawaanin

*****
Afrataa dheh dhiirrida maanso
Dhaxal iyo war aan la hanbaynin!

*****
Maradiyo hugaagana dhiibi
Baradaadu yay is dhex oolin
Cadar iyo udgoon isku dhiiji
Dhaashiga wajiga haka daynin
Dhildhilnaana yaan laga waayin
Dhiiqiyo sun haysku dhamooqin
Xinnihiyo cillaanka dhulkeena
Dhaymihiyo huruudda ha dhaafin
Indho kuusha dheehale hayso
Ilkahahana dhuddooda ha doorin
Silis qoorta dheer ku hannaani
Fargalkiyo dhagaha ha hilmaamin

*****
Afrataa dheh dhiirrida maanso
Dhaxal iyo waraan la hanbaynin!

*****
Dhuldhiciyo gunaanadka heesta
Dhawaqiyo abbaarta sirteeda
Haddii aan dhammooy ku idhaado
Inkastoo dadkeenuba dhaado
Ama dhaaxba uu ku ducaysto
Wax la dhoqo dadbaa ugu fiican
Ubax iyo dhallaan la barbaarsho
Dhedig iyo labkoo la hanuunsho
Dhaqan iyo xishood laga dheehdo
Dhiirashiyo aqoon lagu kaabo
Maanku waa miduu ku dhargaayo
Qarrankuna ku dheelitirmaayo



Dhammaad