Dhawrka xisbi ee mudaharaadka ku dhawaaqay maxay ujeedaan [ qas lama rabo]


 

 


DHawrka xisbi ee mudaharaadka sheegay ee kala ah udhis , gurmad, ndb,iyo horyaal ee ka mida ahaa sagaalkii lagu reebay wareegii hore ee tartanka asxaabta maxay saluugeen ee ay tabanayaan? .Somaliland ma taalo iska mucaarad oo iska mudaharaad ama dalka rabsh ad gali lagaa siisan maayo mudaharaad sadex cesho oo bilaa sabab ah sababtuna tahay waanu hadhnay.[ taasi kama shaqaynayso soomaaliland full stop.

Waxaan idin leeyahay haneeya oo hada hadheen kuwa gudbay u hanbalyeeya guusha ay gaadheen. sida asxaabta kale ee BADBAADO oo kale ayaa laydinka baahan yahay inayda an samayn wax mudaharaada.


Miyay kula tahay madahaarad kasta oo aad dhigto ama qaskasta oo aad abuurto in la odh an doono waanu qaldanay markalana waa lagu celinayaa is reebreebkii ee dhamaantiin ka alayoo soo diyaar garooba hakayaaabin taa . kal danbe mooye kani waa idin dhaafay hilib kani idin dhaaf ee maraqu yaanu idin dhaafin.

Dawladu sharcibay u haystaa haday mamnuucdo qaskasta oo dalka laga abaabulo  ha noq do mudaharaad ama warar beena oo lagu qoro saxaafada. ma jirto sifo sharciya oo aanu ku taageerno mudaharaad sadex cesho ah su,aasha meesha taalaa waxay tahay hadaan ay asxaabta hadhay ku qanacsanayn  komishanka maxay uga hadli waayeenintaan la qab an tartanka isreeb reebka.?
Maxay taay sababta markay HADHEEN ay u samanayaan mudaharaad iyo diidmo horleh.

Dalka sharciga u yaala maaha in malin kasta siyaasiyiintu ku tuntaan oo hadba dhinacay doonaan  dadka u jiheeyaan mana wanaagsana in dadku mudaharaad iska dhigo ee waa inay fahmaan waxay mudaharaad u dhigayaan  Xisbiyadan gudbay oo kala ah:


1-Ummada
2-Dalsan
3-Rays
4-Nasiye
5-Wadani
6-Xaqsoor

Waxay noqondoonaan kuwa wareega labaad ee isreebreebka xisbiyada ugudbi doona wa xa jira sadexdii xisbii ee qaranka ioo ayaguna shaarubaha sii miiqaya oo raba inay dhirbaa xo nin wayn la eegtaan lixdan yaryarka ah ee wali aan awood yeelan.Waa hubaal in Gud oomiye Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye Muuse Biixi ay shax sii degaan ay ku maaree yaan hawsha tartankan.

Sagaalka xisbii ee tartankan lagu reebay oo kala ah


1-Jamhuuriya
2-Damal
3-Horyaal
4-Gurmad
5-Sscd
6-Udhis
7-Badbaado
8-Ndb

DHamaantoodna waxaanu u rajaynaynaa inay tartanka kan ku xiga isa soo adkeeyaan oo xul aad u wanaagsan soo samaysataan si ay iskaga caabiyaan teamamka adag ee sanad kan guulaysatay iyo  kuwa danbe ee la abuuri doono mustaqablaka.


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London