Dhaqdhaqaaq xoogan oo laga dareemayo hargeisa iyo udiyaargarowga ciida

 

 

Hargeysa, 21 August, 2011 (TNN) U diyaargarawga Ciida ayaa waxa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan guud ahaan magaalada Hargeysa ee Casimada jamuuriyada so omaaliland waxaana aad goob walba ku arkaysaa dharka kala duwan ee lab iyo dhedig ba isugu jira waxa kaloo iyaguna dheer sida xad dhaafka ah ee loo soo buux dhaafiyey alaabooyinka Toys ka ah ee caruurtu ku ciyaarto iyaga oo isugu jira kuwii inamada iyo hablaha ee caruurtu ku ciyaarayeen .


Sanad walba marka ay gaadho 10ka danbe ee Ramadaan waxa suuqa buux dhaafiya dadka iyagu doonaya inay caruurtooda soociidsiiyaa balse waxaad goob kasta oo su uqa ka mida ku arkaysaa ciidamo trafic iyo police ba isugu jira oo ku hawlan sidii ay u sahli lahaayeen ama ugu fududayn lahaayeen bulshadu inay si dhib yar u adeegato , waxaanay khaatiyaan booliska isla taagan yihiin ganacsato yaryar oo iyagu ka faaiida ysta ciidaha isla markaana alaabadooda soo dhigta shaaraca taas oo sababta in wado oyinkii xidhmaan bedelkoodana ay police ku si arxan daro ah ula dhaqmaan dadkaas mar marka qaarkoodna kaba jejeibya alaabadooda.


waxa weli dhacsan oo aan kor u soo kicin dolarka oo mudadii ugu danbaysayba hoos u dhacsanaa isla markaana waxa cirka isku sii shareertay quutal daruurigii iyo dhamaan bagaash iyo dhar wixii la iibsanayayba.


 

 


Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland