DHAQANKII DAWLADNIMO
EE ISLAAMKII HORE IYO HOGGAANKA MAANTA
Ahmed Arwo
Hor
iyo horaan waxaan tacsi u dirayaa ehelka muwaadiniinta iya
goon hub sidan, xaqooda dastturiga ahna gudanaaya si ay u cabi
raan diidmadooda ay u hayaan xidhitaanka sharci darrada ah ee lagula
kacay Golaha Wakiilada, lagu dilay rasaastii sharciga lagu ilaalin
lahaa. Sidoo kale ayaan ILLAAHAY uga baryayaa inuu ma rxu
umada dambigooda ku dhaafa gacanta gardaro ee dishay, jan adiisana
ku manaysto, inta dhawacana uu siiyo caafimaad kaamil ah oo sareecan
ah, inta dhibtu ka soo gaadhayna uu u fududeeyo dhibta uguna bedelo
dheef iyo inay dhekhso u gaadhaan xaqooda laga horjoogo.
Waxa la yaab leh in kol walba oo ay xukuumaddu dar jiidho inay waxii
wanaag la gaga waayo, ay ku soo noqoto kolka mayd iyo magac
xumo dhacdo. Waa ayaan darro iyo khasaare joogta ah.
Dhacdooyinkii ayaamahan dalkeena ka dhacaayey, waxay ka marag
kacayaan sida ku dhaqankii suubanaa ee diinteena wanaagsani ina
amartay looga durkay. Waxa dhacay dil rasaas lagu dilay shacbi
mudaharaadayey haddana intii xilku saarnaa weli kamay hadal sida loo
dilay iyo baadhitaan lagu eego dhibta intaas leeg cidda ka mas'uulka
ah. Ka darrane waxa culumo iyo caamaba laga hadlayaa gar laba garab
ka dhaxaysa oon marna runta laga sheegayn..ood arkayso sida hadalka
lo ogu marganaayo.
Miyaa la iloobay inay beentu tahay dambi weyn, in ka aamuska garto
tahay eex, inay carabka iyo ficilka aan wada soconi tahay
munaafaqnimo, iyo in massibada ugu weyn ee bulsho baab'iisa tahay
cadaalad darro, in ka-aamuska gartu tahay hiil la siiyo kan gar-darran.
Miyuu iloobay askariga shacbiga rasaaseeyey in falkiisa aakhiro lagu
weydiin doono goob aan qareen iyo waa ley amray ka dhaafayn
dambigiisa, miyuu ilaabay odayga garta galay ee ka aamusay in
su'aali ka dambeyso.
Haddaba bal aan raadraac taariikheed ku laabano iyo xiliyadii hore.
Inta badan a admigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen
dar shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel
walba ka bilaabmay dagaal oogayaal mi diidin ka dhega
shacbigooda, oo maal iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa
bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay
boqorto oyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.Waa
astaamihii Islaamka ka hore, waxaabad se moodaa in sawirkaasi yahay
kan dhabta ah ee maanta ka jira meelo badan oo dunida ah.
Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo
soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku
doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin
kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaado nabiyadii
Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee
Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee
muujisay mas'uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha.
Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Griigii hore iyo
Romankii ay xiliyada qaar hab sifaahaas oo kale lihi ka dhashay, ma
se ay noqon mid dal dhami ka hirgalay.
Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay,
waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu
horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn
mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshay, mid aan
qarsoonayn oo cid waliba ogeed, uuna u jaray ninka mujaahidiinta u
qaabilsanaa maaliyadda oo hayn jiray Baytul maalka. Bal u fiirso
xukaamta maanta een la aqoon mushaharkooda, cidina ayna u goyn ee
iyagu waxay doonaan qaata, qaybiya, guba, siiya , daadiya marba
siday la noqoto ugu tagrifala. Lacagta dawladda waxaan mushaharkiisa
ahayn Abubakar gaca ntiisa ma soo geli jirin. Sidoo kale ayey
raaceen khulafadii ka dambeysay.
Waxa dhacday in Abubakar xaaskiisu xoogaa lacag ah oo ay uruurisay
si ay maalin u cunaan cunta macaan oo dhadhan leh, ayey lacagtii u
dhiibtay Abubakar oo ku tidha macmacaan inoogu soo iibi... Abubakar
waxuu ugu jawaabay..." Waa lacag dheeraad inagu ah", waxuuna u
celiyey Batul Maalkii Muslimiinta isagoon dhanna eegin..
Dhacdo kale Cumar Bin Khadaab ayaa salaad Jimce ka yare habsaamay...kolkuu
soo gaadhay ayuu ku yidhi asxaabti" Iga raali ahaada shaadh keliya
ayaan leeyahay oo kaas ayaan maydhaayey..."
Dahinaca u naxa maatida iyo ka warhaynta inta baahan. Waxa markhaati
ka ah sida habeenkii uu Cumar u dul marri jiray meelaha danyartu
gasho si uu u maqlo cabashadooda iyo taaxa gaajo amba xanuun. Habeen
ayuu ku soo baxay taan buug nin dusha ka joogo haweynayna
gudihiis taax la reemayso. Cumar ayaa ninkii weydiiyey
xaalkiisa..ninkuna si adag ayuu ugu jawaanbay. Cumar ma dhibsan ee
waxuu si qabow u weydiiyey waa intaas oo uu wax ka qabtaaye inuu uga
waramo dhibta haweynada haysa. Kolkuu u sheegay inay foolanayso,
ayuu Cumar dhinacii gurigiisa u kacay deedna uu soo kaxeeyey
xaaskiisii si ay uga caawiso dhalmada haweynayda.
.Kolka ay Amu-Kaltoum ku mashquulsanayd umusha, Cumar waxuu
karinaayey cu nto ay cunaan umusha iyo ninkeedu...cabaar
dabadeed ayey Amu Kalthoum dha waaqday iyadoo Cumar ugu
yeedhaysa Amiirul Muuminiin...UGU BUSHAAREE SA AXIIBKAA INUU
WIIL U DHASHAY... waxuu ninki la yaabay magaca Amiir..koluu ogaaday
inuu Cumar yahay ayey ilmo indhiisa buuxisay...sidaysay ahayd xukun
wanaagu..kibir la'aan, naxariis iyo dulqaad...Lacag iyo raaxo sidaas
ayey ka ahaayeen...xukunkoodu waxuu gaadhsiisanaa dalalka Carabta
min Yemen. Saudi, Khaliij. Iraq, Syria, Falsdin, Labnaan, iyo Masar
iyo Iran iyo qar kale raaxana sidaas ayey uga qaawanaayeen.
Bal maskaxdaada ag dhig madaxdeena, dal sabool ah, yar oo dagaal iyo
abaari ma rna ka fogaan. Mushahar xad ma leh, baabuurta kuwa
ugu batrool cunka badan a yaa lagu tamashleeyaa, dalxiiska
debed baxa iyo diyaarad raaca aan sabab laha yn xad ma leh.
Bal ila eeg dhacdo kale. Waxa la yidhi Abubakar ayaa nin saxaabi ah
u cadhooday, kolkaas ayuu ku yidhi erey xun. Ereygii kolkuu afkiisa
ka soo baxay, ayuu Abuub akar qoomameeyey. Waa se erey afka ka
soo baxay oo cidi ma celin karto... Abuubakar, waxuu
saxaabigii ka dalbay inuu ereygii ku soo celiyo oo uu ku
yidhaa hdo...Wuu diiday saxaabigii..Abuubakar wuu baryey, oo uu
baryey...saxaabigii oo la soo taagan waan ku saamaxay, ayuu haddana
intaas ka jeclaa inuu ka goosto..
.
Dhinaca shuurada iyo mabda'a la tashiga oo ah sifaha waxa maanta
lagu sheego hab-maamul-wanaaga waa mid la dhashay Islaamka. Waxa
xiligaas jiray nidaamka dhaxatooyada ee boqorada, haddaba
Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si
wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka
qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas'uuliyadda, waxa laga dheehan
karaa qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo
dhii bay. Taas oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi
dadkiisa u muujiyo in xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo,
iyaguna ka qaadi karaan.
Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar
Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:
" Dadweynow idinkaayaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta
oo aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag
sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya. I maqla, runtu waa
daacadnimo, beentuna waa daa cad-darro.
Dhankeyga ka idiinku
itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan xaqiisa siina
ayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar ilaa
inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.
Haddii laga leexdo
addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo dejin doonaa dhib
iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga caadaysta, waxa
innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga waaqsan. I
adeeca oo i maqla inta aan adeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo
Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin
inaydaan i maqlin ina adeecin………"
Bal u fiirso siyaasadda talo wadaagu salka u yahay. Wax aan tashi
lagu gaadhin amiirku ma samayn jirin, oo waa dariiq uu Rasuulku u
jeexay, iyana kamay leexan. Talo la gorfeeyey, aan laga cabsoon in
runta leysu sheego, loo siman yahay, oon xaqqa cidna looga leexan
ayey Islaamka ku fidiyeen. Maanta xaalkeenu waa aniga, aniga, aniga
anigaa idhi, anigaa goostay, anigaa xaq u leh, anigaa diiday, anigaa
yeelay...aniga aniga. Waana mid wanaag ka fog, kana dheer hab lagu
gaadho danta guud. Waa naf-jacelysi aan cidna loo tudheen, waana mid
bulsho weynta u horseeda kala-daadsanaan, is-neceyb, xaasid iyo
qalbi xumo. Waxa luma danta guud, waxa qof waliba noqdaa mid dan
gaar ah oo gaaban siista danta guud. Waxa la adeegsadaa been iyo
markhaati maalinba cid u fura maraga. Gurtu ma dhammaato,
dhexdhexaadku waa mid farsamo hoose wata iyo mid cabsi la gabada,
mid adduunyo damiirkiisa siista iyo mid ka hawl yareesta inuu xaqqa
isu taago.
Odayow uurkaaga u nax, oo ha cunin cad aan xalaal ahayn,
aqoonyahanow aqoo ntaada ha la cabsan, dhalinyarow dhiigaaga
ha iibsan, askariyow aakhiro xisaa bteed waa ley amray ma
taqaan, dadweynow danta guud ilaali, ogow nabadda waxa ilaalisa
cadaalad.
Aan raacno raadkii
hoggaankii toosnaa ee asxaabta, aan u noqon dhaqankii Rasu lka
ee ku salaysnaa sharciga Eebbe iyo dariiqa nolosha fiican.
Waa ayaamo kheyr leh oo waxa lagu jiraa habeenadii barakaysnaa ee uu
ku jiray Laylatul Qadr..Illaahay hayna waafajiyo, inta bugta ha
bogsiiyo, kan qalbiga ka buga ha soo hadeeyo, haynaga dhigo kuwa ka
dheeraada markhti been ah, hayn aga yeelo kuwa u hiiliya xaqqa, kuwa
aan runta ka cabsoon, kuwa carabkooda iyo ficilkoodu wada socdo, ka
dheeraada sifooyinka munaafaqaa...ee beenta, balan baajiska,
khiyaamada iyo aamin xumada..
Mahad oo dhan Allah leh.
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com |
|