Dhaqaale Xumo ma jirto ee Tuuganimaa jirta Musuq maasuq ah oo Dawladdu Xar bay ku Noqotay Dhaqaalihii

 


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shalay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay xaalada dalka iyo arimo kale oo dhinaca siyaasada la xidhiidha, waxaanu yidhi:

"Waxaan jecelahay maadama oo aan baxayo barito hadii Alle yidhaahdo inaan soo cimraysto oo tobanka u danbeeya bishan aan ku soo soomo magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina dadkana u soo duceeyo, waxaan jecelahay oo kale inaan xoogay ka hadlo arimaha hada taagan gaar ahaan dhawr qodob oo ay ugu horayso diiwaan galinta oo ah xilka ugu culus ee hada inagu soo fool leh, diiwaan galintaasi waxa weeyi waxa lagu xalaalaynayo doorashooyinkeeni hore ee dhacay, doorashooyinkeeni hore ee dhacay waxay ahaayeen qaar la in yidhi waa xor laakiin may ahayn qaar xaq waayo? Waxa ka maqnaa wixii aasaaska u ahaa doorashooyinka, sababaha aynu u samaynayo diiwaan-galintuna waa mid lagu in lagu xalaaleeyo doorasho kasta

Waa in la ogaadaa yaa la diiwaan galinayaa yaa codaynaya, waxa codaynaya umada wadanka ku nool oo dhan gaar ahaan kuwa muwaadiniinta ah, waxa codaynaya qof kasta waxa uu leeyahay da' lagu gaadho iyo xuquuq ay ku footeeyaan, waxay ka hor dagaysaa oo kale musuq maasuqii waxay ka hor tagaysaa ku shubashadii, waxay ka hor tagaysaa goobtii iyadoo laba boqol oo qof joogeen la geynayay 1200 oo warqadood, waxay ka hor tagaysaa oo kale is qab qabsigii, waxaa intaa dheer oo diiwaan galinta ku lamaan kaadhkii dhalashada, kaadhkaa dhalashadu waxa uu noqonayaa ka kala saaraya dadka reer Somaliland u dhashay iyo umada kale ee afka Somaliga ku hadasha, waxay noqon doontaa maalintaasi maalin aan qofna la dawayn Karin cusbitaalna aan la geyn Karin hadii aanu kaadh haysan, qofka ubadkiisa lama qori karo hadii aanu haysan kaadhka dhalashada, aan la siin Karin qofka baasaboorka, taasi waxa weeyi taariikhda markii ugu horaysay ee aynu yeelano sumad inoo gaar ah taasina waxay ka mid tahay qodobada gooni-isu taaga Somaliland

Waxa jira dad badan oo tashwiish ku furaya habsami u socodka diiwaan galinta, oo waxaan loo jeedin iyo danta guud kala saarayn iyo ta gaarka ah

Nin xildhibaan ah ayaan waydiiyay maxaad uga soo hor jeeda diiwaan galinta? Wuxuu iigu jawaabay dadkaygaan ka rari jiray gobol hebal oon u rari jiray gobol kale, markaa waxaan ku idhi tolkaaga ma tunkaad ku sidi doontaa? Hadad doonayso tolkaagu inuu ku codeeyo halkan ku beer oo ka diiwaan gali. Qaar waxay ku odhanayaan reer guuraa baanu nahay reer guuraaga 5% baa markii horaba doorashada codeeya markaa loo xayiri mayo boqolkiiba shan 95% ee kale xuquuqdooda, inagu waxaynu caado ka dhiganay inaynu wixii hore mar ah oo dhan ka soo hor jeesano, dan gaar ah baynu wadanaa oo burburinaysa danta guud.

Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa wadama deeq bixiyayaasha ah oo lacag fiican ku bixiyay diiwaan galinta, oo imikana diyaar u ah in nidaamkan oo ah nidaamkii kaliya ee maanta Africa meeluhuu ka hir galay aynu inagu ugu horayno ay wax inagala qabtaan oo waliba amaankiisa aad loo adkeeyay, deeq bixiyayaasha aad baan ugu mahad naqayaa gaar ahaan wadanka Ingiriiska oo tii hore wax inagala qabtay, tana maanta madaxa kaga jira waan u mahadnaqayaa

Waxaan ka cabanaynaa dawlada oo aan dawlada u sheegaynaa maadama dhaqaaleheedi xumaaday dunidiina qiima barar uu kor u kacay 25% kii dawladu ku kabaysay diiwaan galinta inaan lagu halayn ayaanu aduun waynaha ka codsanaynaa, waxaanu doonaynaa sii aan hawsha diiwaan galintu inooga curyaamin inaan labada milyan ee doolar ee dawladu ku tabarucday inay kaga qayb gasho diiwaan galinta inaan lagu eegin ayaanu ka codsanaynaa deeq bixiyayaasha, waxaan ku soo gaba gabaynayaa qodobkaa in qof kasta oo reer Somaliland ahii xil iska saaro hawshaa, inaan komiishanka lagu eegin, xukuumadu gacan ka geysataa, xisbiyadu gacan siiyaan, salaadiintu gacan siisaa sidii uu inoogu hir gali lahaa mashruucaa ilbaxnimada ah, oon hubo in doorashadani tahay tii ictiraafka inoo keenaysay cadaaladana inoo horseedaysay, sidaasaanan Illaahay ka baryayaa

Qodobka kale waxa weeyi dalkeena cadaalad xumaa ka jirtay oo aynaan aduunka kale la qabin, waxaynu nahay dal aan la aqoonsan, waxaynu nahay dal aanay dawlad wax ku ool ah oo shaqaysaa ka jirin, dal aan siyaad iyo dhaqaale lahayn, maanta waxaa ka soo kordhay aduunka saliidii iyo raashinkii oo kor u kacay, in badan baanu sheegnay oo aanu dawlada ku nidhi arimahaas waa inaad ka soo saartaan siyaasad cad, may yeelin sidaasi hada waad ogtihiin oo waxaa dhacday in mishaharadii yarayd la la’yahay, oo askartii markii hore 100 kun qaadanaysay la leeyahay 50kun baa lagu helay barina 20-ka kun qaado, oo wiixiba noqotay tafaariiq, anagu waxaanu qabnaa in dalka dhaqaale jiro laakiin dhaqaalihii la duwaday oo la leexsaday, horana waan u sheegi jirnay oo waxaanu odhan jirnay dhaqaalaha aad leexsanaysaan maalinta danbe wuu idinku dumi doonaa sida guriga, way dhacday oo dawladu xar bay ku noqotay dhaqaalihii

Waxaan xukuumada leenahay dhaqaale xumo ma jirtee tuganimaa jirtee musuq maasuqee hala daayo oo umada halkay ku baxaysay haloogu soo hagaajiyo, waxa kale oo hada inagu soo kordhay roobab baa ka da'ay Magaalada Hargeysa oo dadkii masaakiinta ahaa ee la cashuurayay sida hiliblayda iyo khudradlayda oo maalin kasta lacag laga qaado ayaa waxa loogu daray qashinkii oo laga qaadi waayay caafimaadkeeni khatar buu ku jiraa, maalin dhawayto suuqa gobonimo ayaan arkayay gudaafadii iyo hilibkii oo is garab yaal, hadana roob baa da'ay meelahaasi waa meelaha ay daacuunadu ka dilaacaan, markaa anigu waxaan ka yaabsanahay dawladii huursanayd haday ka seexatay tii hoosana way khuurinaysaa, umad dhan oo khuurinaysa oo shacbigii gacmaha laabteen oo xitaa garan waagi iska jari wayday ayaa wadanka ku nool, sidaa darted dawlada hoosana waxaanu leenahay waa inay maadama oo ay dadka suuqa wax ku iibiya lacag ka qaado waa inay lacagta wax uga soo celiso oo magaalada qashinka ka gurto"

 

 


Source:Waaheen