Dhanbaal Ku Socda Cid kasta Oo Wadaninimo Leh Somaliland

 


Ku: Dhanbaal ku Socda:

1) MR. WADANI EE OGAAL HARGEYSA.
2) AW DHANXIIR EE JAMHUURIYA HARGEYSA
3) CID KASTA OO ARAGTI WADANINIMO LEH-SOMALILAND

Dawladihii hore ee Dalkii la odhan jiray Somaliya, waxa sida la ogyahay burburiyey fusuq, maamul xumo iyo amar-ku-taagleyn siyaasadeed, waxaana markii laga yaabay ficilkoodii sharci ku tumashada ahayd ee ku saleysnayd qaatayey qaado, loogu magac bixiyey naaneysahan hoosku sheegan (laga soo bilaabo maamuladii rayidka ahaa ilaa iyo kacaan ku sheegii Siyaad Bare):-

1) Cawaro
2) Hawaara
3) Hurudo
4) Baryootama
5) Baadi-gooba
6) Faqash
7) Qaraaba-kiila
8) Eexo-badan
9) Hoos-ka-madhan
10) Takooran
11) Huuro
12) Waqooyi liqa.

Sidoo kale, Raggii xilka sare ka hayey ee aan loo bogin hoggaamintoodii, waxaa iyana loo bixiyey naaneyso aad moodo in kitaab looga dayey, sida:-

1) Naaleeye
2) Habacsane
3) Doobi-xoorle
4) Looma-aaye
5) Gudhane
6) Booyad-taanke moode
7) Afar-jeeble (Hargeysa)
8) Huuraale
9) Abaar

ü Hadda Dawladan Somaliland ee Waddaniga ah, halkii laga filaayey inay doojiso oo daryeesho Dadkeeda, kana saarto dar-xumadii, duligii iyo dayacaaddii ka soo gaadhay xaqiraadii nidaamkii nacabka ahaa ee Somaliya, wuxuu iyana ficilkoodu noqday, ka dar oo dibi dhal, iyadoo sida la wada ogsoon yahay dib-u-raacay dhabihii nidaamyadii hore (Ninkii Raggi wuu ka rayn jiraye, sow kuwaas dib-u-raacay raadkii gumeystaha), kuna kacay inay sida ayaxa u fuuqsadaan, u diirtaan, una muudsadaan, dhammaan khayraadkii iyo dheeftii Dalka, taasoo Miyi iyo Magaalaba laga dareemay, kuna beertay taah iyo tiiraanyo, waxaana tusaale ku filan, sida loo maareeyey, loona meeleystey:-

1) Adhigii
2) Ganacsigii
3) Kalluunkii
4) Maraakiibtii
5) Baddii
6) Macdantii
7) Haamihii
8) Shidaalkii
9) Dekedihii
10) Maaliyaddii Dalka.

11) Waxaa iyana xusid mudan, sida loogu tuntey:-

1) Xoriyatal-qawlkii
2) Xuquuqal-iinsaankii
3) Dimuqraadiyaddii iyo Doorashooyinkii.
4) Iyo sida loo lunsaday hantidii Qaranka ee ma guurtada ahayd.

12) Waxa kale, oo murugo leh curyaaminta iyo adeeg la’aanta ka taagan, xaaladaha:-

1) Biyaha (Harraadka iyo oonka Xaafadaha)
2) Nalka (Mugdiga iyo gudcurka Magaalooyinka)
3) Waddooyinka
4) Caafimaadka
5) Waxbarashada
6) Caddaaladda
7) Xabsiyada
8) Xarumaha Xafiisyada
9) Dam-damis la’aanta
10) Shaqo la’aanta baahdey
11) Boosteejo (Gaadiid) la’aan
12) Fagaarayaal la’aan


Abwaaniinta dahsoon ee far-ku-fiiqa, turxaan bixinta iyo wax tusaaleynta, buxuurka ku ah, waxaa looga fadhiyaa inay magac ku munaasib ah u soo bixiyaan Xukuumaddan Dadkeedii iyo Dalkeediiba gabtey, ee aan heli hayn waxqabad iyo horumar ay ku faanto, lana hortimaado Bulsho weynta, si mar kale loo doorto, taasoo ka mudan Mr. Wadani iyo aw Dhanxiir inay magac mahadho ah u soo bixiyaan, hadday hore ugu waayaana Sheekh KADARE ba wuu u soo magac bixin!

Ugu dambeyntii, waxaa wax lagu qoslo ah Goleyaashan sharci-dejinta ee ku muransan faham la’aanta Distoorka, siiba qodobada 38 (r), 83 (1-5) iyo 89, ( 4), bal idinkaa sharci-yaqaan iyo dhaqan yaqaan ba ahi, kala saara odayaasha Guurtida. Haddii uu professor C/laahi dheere u fasiri waayey, idinkaa aqoon iyo maskax lehe kala furta Ummadda, oo u micneeya Distoorka, xataa haddii aad la kaashaneysaan Sheekh Dirir, maadaama Garyaqaanadii Dalku ka gaabsadeen ka hadalka Qodobada Distoorka ee Qof kastaaba siduu doono u fasirto. Hase yeeshee, waxa Saaxadda ka maqan oo la tebeyaa kaalintii Akadamiyadda Nabadu ka ciyaari jirtey markan oo kale ee ay isa soo hor-fadhiisin lahayd qaybaha murmaya, si looga doodo, xalna looga gaadho, arrimahan socda baryahan ee lagu jaha-wareeray, xukuumadduna ka dhiganeyso cimri-dherer.

Mr. Wadani, Aw Dhanxiir, iyo Looyarada Suuqow (Coffee – shop Lawyers) Sharciyadda Dalka (point of Law) ee la majaro habaabiyey soo dhex-gala oo farta ku fiiqa oo wax sax ah Bulshada u bayaansha, idinkaa la idin dhegeystaaye.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

 Axmed Cali (Goodir)
Xubin Hore Oo Komiishankii Hore Ah
Hargeysa , Somaliland