DHAMBAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CAR WO.LABADA MARXUUM...AXMED
FARAH JIRE IYO CABDIKARIM XAASHI CILMI
Mustashar Axmed Xasan Carwo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan reer
Cabdi Carwo, waxa uu tacsi u qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta
iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee
Marxuum Axmed Farax Jire iyo Mujaahid Cabdikarim Xaashi Cilmi oo ku
kala geeriyooday Sacuudiga iyo Hindiya. Laba nin oo taariikhda
halganka midba si ugu sunta naa. Mujaahid Cabdikarim waxuu ahaa
hogaamiye kaalin mug weyn ku lahaa dib u soo celinta qaranimada
dalka isagoo safka hore ee dagaalka kaga jiray halganka, qayb laxaad
lehna ka qaatay dhismaha qaranka isaga oon marna ka maqnaan
hogaaminta qaranka haddana ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda
Gaashaan-dhiga.
Axmed Faarax Jire waxuu hogaamiye safka hore kaga jiray taakuleynta
SNM ee dhaqaale is aga oo xilal kala duwan ka soo qabtay guddiyadii
SNM ee Sacuudiga, waxuuna ka mid ahaa raggii ugu horeeyey ee dalka u
soo hiloobay una yimid maalgashi iyo dhismaha qaranka, mey dhicin oo
waxa haleeley xanuun uu muddo dheer la jiifay oo dib ugu celiyey
Sacuudiga. Axmed waxuu ka mid ahaa ragga aan kaga deydo maskax
furnaanta iyo hadal caddaanta. Nin isku kalsoonaa oo qalbigiisa iyo
afkiisu wada socdeen. Waxuu ii ahaa saxiib weyn oo hiil iyo hooba
naga dhexeeyey. Waxaan tacsida si gaar ah ugu dirayaa reer Faarax
Jire, iyo ehe lkooda ballaadhan ee habarwadaag iyo ilmaabti leh, abti
iyo habaryar leh. aan si gaar ah u magacaabo Faysal Cali Waraabe oo
uu marxuumku abti u ahaa.Waa reer aan saaxiibtinimo iyo tolnimo gaar
ah la leeyahay.
Waxaan labada marxuum Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u
waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa jannatul fardaws, ehel
iyo asxaabna ina waafajiyo samir iyo duco.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga
iyo Maal gashiga
samotalis@gmail.com
00252 424 2077
http://samotalis.blogspot.com/
|