DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM
PROF. XUSEEN MAXAMUUD AADAN (XUSEEN TANZANI)
INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa
xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo
guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum
Prof. Xuseen Tanzani,
Marxuum Prof. Xuseen Tanzani, waxuu ahaa laambad aan cidi labeen oo
ka iftiimeysa degaanada Soomaaliyeed, gaar ahaan dalka Somaliland ee
uu ka soo jeeday. Wxuu ahaa nin aqoontiisa ula soo guuray Soomaalida
si uu u horo aqoontiisa horumarka iyo kor u qaadka garaadka
Soomaaliyeed. Waxuu ahaa muwaadin aan qabiilkiisu yahay Soomali,
abtirsiintiisu ka bilaabanto Soomali kuna dhammaato Somali.
Waxuu qoray buugag badan oo uu kaga hadlaayo marxaladii Soomaalidu
soo martay ilaa dagaalkii SNM iyo xukuumaddii keli-taliska ahyd,
taas oo uu ku cadeeyey sida kaacnku u lumiyey kalsoonidiisa iyo
khasaarinta juhdigii uu galiyey qoomiyadda Soomaaliyeed.
Waxaan ku xusuustaa, doodihii iyo workshoyadii uu 70naadka abaabuli
jiray ee uu kor ugu qaadi jiray qarannimada iyo dal jaceylka
qoomiyadda Soomaaliyeed meel kasta ooy joogtaba,
Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u
nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina
waafajiyo samir iyo duco.
INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077
|