DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA
MARXUUM AXMED AADAN CALI (GOODIR)
Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi
Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo
xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa meel kasta
ooy degan yihiin.Sidoo kale ayaan tacsida la wadaagayaa qaranka
Soomaliland ee uu muddo dheer u shaqeeyey shacbi iyo xukuumadba,
gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo uu ahaa musdambeedka amran.
Marxuum Axmed waxuu ii ahaa aabbo oo kale nin aad u yaqaanay aabahay
oo wax badan iiga sheegay, anna aan fursad u helay inaan la shaqeeyo.
Waxuu ahaa nin talooyin badan i siiyey xili aan u baahnaa, nin wax
badan oon ku dhaqaaqi lahaa iga qabtay, ii sheegay in siyaasaddu
tahay samir iyo dulqaad. Waxuu ahaa nin ila jecel meel weyn iyo xil
culus tamartiina xaawilay. Waxuu ii sheegay in kolka wax culus iyo
meel adag arrin kaa galo inaan dagaal la qaadin iyo inaan laga
cararin ee la xamilo, lana sugu fursad guul lagu gaadho. Waa talo
aan ku dhaqmo wanaagna aan ku gaadhay. Waxuu ahaa siyaasi hadal cad
oo geesi ku ah fikirkiisa, yaqaanay xiliga weydha la rito iyo xiliga
aamuska yahay tabta ugu fiican.
Marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) waxa uu ahaa siyaasi ruug-caddaa
ah oo taariikh wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo uu
shaqooyin iyo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala
dambeeyey ee soo maray dalka, waxa uu ka mid ahaa toddobadii xubnood
ee Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland, waxaannu
hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dawladaha hoose,
waxa kaloo uu ka mid ahaa xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale, waxa uu doorka wayn ku lahaa halgannadii kala dambeeyey
ee waddanka iyo dadaalladii dawlad dhiska Qaranka Somaliland.
Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha
janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.
Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
http://samotalis.blogspot.com
|