DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAAYO MUSTASHAR AXM ED CARWO REER JIRDE AW
CALI" GEERIDA HAB AR YARTAY MARXUUMAD FAADUMO XAAJI ABOKOR
Mustashar Axmed |Xasan Carwo La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
iyo Maalgashig a, isaga
oo ku hadlaaya afka reer Xasan Carwo iyo reer Gaaxnuug Cabdillaahi,
waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, tafiirta, qaraabada, ehelka iyo gaar
ahaan ilma Salaan Jirde geerida ku ti mi hooyadood Marxuumad Faadumo
Xaaji Muxumed Abokor oo ahyd habaryartay qaali ah oo ilaa
yaraanteydii kalgacal waalid noo heysay kuna geeriyootay magaalada
Hargeysa maanta 18/04/2016, waxaannu Mustashaarku si gaar ah
tacsidaasi ugu dirayaa habarwadaagey W asiirka Wasaaradda Qorshaynta
Qoranka Md. Cali Salaan Jirde, iyo guud ahaan reer Jirde A W Cali iyo
reer Abtigay reer Xaaji Muxumad Abokor iyo tafiirtooda.
Mudane Axmed Carwo waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu
jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo labada reer
ee ay ka baxdayna
waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.
http://samotalis.blogspot.com/ |