DHAMBAAL TACSI AH OO KA TIMID MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM MAXAMED ISMAACIIL ASKAR

 

 



INAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.

Waxaan tacsi u dirayaa, xaaska, ubadka, ehelka, asxaabta iyo qaraabada, gaar ahaa xaa skiisa iyo ubadkiisa Hargeysa degan, xaaskiisii hore iyo ubadkiisa degan Cardiff iyo reer Feero Askar marxuum Maxamed Ismaaciil Askar( Mohamed Feero) oo caawa xaqqi ugu yimid Hargeysa.

Marxuum Maxamed waxuu ahaa aqoonyahan India wax ku soo bartay, macalinnimana k aga shaqeeyey dalka U.K. Waxuu ahaa nin dad jecel, bulsho xidhiidhiye, meel uu joogaba lagu jeclaa, nin waxtar mooye aan cidna dhibin, cidina ka caban. Nin af gaaban oo khaliga Alle ka nabad galay. Nin aan agtiisa lagu qaloon, kaftan hufan iyo sheeko aan turxaan lahayn lagu yaqaanay.
Waxuu ka mid ahaa Jaaliyadda Cardiff, U.K beryahana waxuu soo degey Hargeysa oo uu reer cusub ka yagleeyey.

Waxuu ka mid ahaa ragga ii tirsan kolka aan u baahdo hiil iyo taageero, iina ahaa taageer i dhiirigeliya, balanna naga dhexeeyey himiladayada mustaqbalka.

Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa inuu qabriga u nuuro u waasiciyo ugana dhigo be er ka mid ah kuwa fardawsta sare, ehel, asxaab iyo qaraabana inuu waafajiyo samir iyo duco


Mustashar Axmed Carwo


La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha

samotalis@gmail.com

00252 63424 2077