DHAMBAAL .Qormadii 21aad. Anigoo Waxa Dili kara Duco Qaadan maayee Debci Qorigi hay Faro

 



Qormada maanta waxay leedahay.Dharaaraba Waxa yaablaa igu soo dhacaayee. Waxa d alkeen ii Ka dilaacay koox Argagixiso ah oo hubaysan oo habeenkii gaadmo weerar fulayni mo ah ku ugaadhsada Haldoorka hadalada kulul ku dhiiri gelay shacabka una tilmaama Wa xa qabada la'aanta xukumada kulmiye . Arimahaas Waxaa si cadho leh uga damqaday hog aanka kulmiye ee macaan jecel, nugaylka Iyo cabadaanta leh oo aan u dul qaadin karin w eedhaha xaqiiqda dalka Ka jirta farta ugu fiiraqay .

Waxaa soo if baxay in aanu Askariga kulmiye ahayn ninkii dalkan Iyo dadkan Madaxweyne u noqon lahaa inuu yahay nin kursiga hamuum u qaba ee aan hogaamin ,horumar Iyo nab ad gelyo mid diyaar u ahayn.

Anigoo Waxa Dili kara Duqaadan maayee Debci Qorigu hay faro.

Xisbiga Waddani hore ayuu uga hadalay inuu dalkani u baahan yahay siyaasi , dublamaas iyad Waxa Ka yaqaan ee aanu u baahnayn Askari anigaa Waxa Dili jiray mooyaane aan ta lo kale ku darayn. Dhacdooyinkan labadii habeen ee u dambeeyay Iyo tan saaka 22/12/ 16 Hotel Maansoor Ka dhacday waxay guul u tahay Xisbiga Waddani waxayn dhabar jab ku tahay Hogaamiye Kooxeedka kulmiye Muuse Biixi .

Waxaa is weydiin leh Taliyaha ciidanka Booliska Iyo wasiirada wasaarada Arimaha gudaha Iyo Abnigu ma kooxda muuse ayay la shaqeyaan Iyo Xisbiga kulmiye ? Miyaanay Abniga dalka Ka masuul ahayn? Kulmiye sharciga dalka gaar ahaan kan nabad gelyada Iyo booli sku ma qabtaan miyaa ? Ee Xisbiga Waddani oo keliya ayuu sharcigu qabtaa ? Waa Arima ha shacabka jamhuuriyada Somaliland ay maalmahan isweydiinayeen jawaabtan Waxaa laga sugayaa Taliyaha police Iyo wasiirka Abniga .

 



Xoghaya warbaahinta Xisbiga Waddani,Sheffield, UK.
Mataan M Omar