DHAMBAAL. Qormadii 19aad

 


Lax Dhukani Col Iyo Abaarba Moog. Sidaynu la wada soconaba Waxaa Dalkeen hooyo ka jirta Abaar daran oo aan hore inoo soo marin siday xaqiijiyeen xeel dheerayaasha Taariikhda ururiyaa. Waxaa se yaabka yaabkii ah mooganaanta Iyo siday Xukuumada Kulmiye dhegaha Iyo dhaayahaba uga furaysteen. Waxaynu warbaahinta ku aragnay booqashada , ololaha aan waqtigiisii la joogin ee ay Xukuumadu bilowday tan Iyo maalintii ay abaartu bilaabantay oo ku sinaan laba bilood Iyo dheeraad ah. Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha loo magacaabay oo ah Madaxweyne ku xigeenka Isla markaasna ah musharax jagada M /weyne ku xigeenka.Mudane. Cabdiraxmaan Saylaci ayaan Ilaa Iyo hada mar qudha ka hadal Dhimashada dadka Iyo duunyada Abaartu halkay say booqashan warkeed daaba. Habkii Iyo hankii laga filayayna ka doorbiday ololihiisa siyaasadeed Iyo taageero uu xisbigiisa uga doono Gobolada Awdal Iyo salal. Ma odhan karaa Waa Madaxweyne dadkiisa u damqanaya oo dareenkooda Iyo wacaalaha ku dhex ilam roganaya ay dhib ayaan? Sidee ayuu damiirkiisu u siyaa dhaqaalaha xafladaha Iyo soo dhaweynyta dadka lagu Tilmaamaya in ay kulmiye ku biirayaan lagu isticmaalayo hantidii ummada . Waxaa Abaarta u dheer ama ka sii daran Sicir Bararka Doollarka oo ay danyartii ku dul man yihiin.Waxaa ka sii liita Gudoomiyaha gudiga Abaaraha ee hal Fanka ah. wasiirada Cadaani Iyo Xagle Toosiye oo kal ah wasiirkii caafimaadka Iyo warfaafinta oo degaankoodii dad Iyo duunyaba gaajo, haraad ,barkac Iyo cudurada ka dhashaa sida Daacuunka ay ka dilaaceen . Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaan kaba war qabin Abaarta xoolohii dhamaysay Iyo Go'aanka dawlada Sucuudigu ay ku joojisay Xoolihii Somaliland ee dalkooda loo iib geyn jiray . Hadaba Guud ahaan Xukuumada kulmiye waxay si biyo Kama dhibcaana ah u baal martay Xaalada Abaarta ee dad keenii Iyo duunyadeeniiba ay ku leedeen.

Dhanka kale Waxaa qaylo dhaan kula dhex dhacay Dawladaha Caalamka Madaxda ugu saraysa Xisbiga Waddani oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Isla markaasna ah musharax jagada Madaxweynaha Mustaqbalka ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro. Si ay ugu helaan Gargaar kaalmo ah oo loo fidiyo dadka inta Ilaa Iyo hada ka sii nool ee taag darada Iyo xanuunka la daala dhacay.
Xisbiga Waddani wuxuu balan qaadayaa daryeelka dan yarta ,Adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah Iyo inuu shacabka jamhuuriyada Somaliland la wadaago waqti kasta Iyo xaalada kastoo adag oo la soo derista,Ummadeena Ilaahay haynaga hayo dhibaatooyonka adag oo dhan.(Ilayska ninkii Shidoow Abaal baan kuu Hayaa Agoonta Ninkii Qashow In kaar baan kugu Ogahay). La wadaag dareenka Dadkaaga .

 



Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK . Sheffield .